Wasaaradda Arrimaha dibedda Turkiga oo beenisay in Turkiga xarumo looga samaynayo qaxoontiga Afgaanistaan

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa  beenisay warar sheeganaya in Dowladda Ingiriisku ay qorshaynayso inay u samayso xarumo magangelyo qaxootiga Afgaanistaan guddaha dalka Turkiga.

Bayaan ay soo saartay, ayay wasaaraddu ku sheegtay in wararka ku saabsan sameynta xarumo noocan oo kale ah aysan ka tarjumeynin runta, iyadoo xustay inaysan jirin codsi rasmi ah oo dal kasta laga soo jeediyay illaa hadda,”Suuragal ma aha inaan aqbalno xitaa haddii codsi noocaan ah laga sameeyo arrintan,” ayay tiri wasaaraddu.

Axadii ayaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan u sheegay Madaxweynaha Golaha Yurub Charles Michel in Turkigu uusan qaadi karin mas’uuliyadaha dalalka Yurub ee ku saabsan qaxootiga Afgaanistaan

Wasiirka Waxbarashadda Galmudug oo kormeeray deegaanka Laas-xaadoow oo ololle waxbarasho laga waday

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa maanta kormeeray ololaha waxbarida iyo wacyigalinta reer miyiga oo ay Galmudug udub dhexaad u yihiin dhalinyarada waxaana wasiirka uu si gaar ah u tagey deegaanka Laas Xaadoow oo ka mid ah meelaha ololahan isbadalka ka sameeyay ee laga dareemay nolosha reer guuraaga oo dhalin iyo waayeelba waqti ku qaata goobo loo asteeyay in duruusta lagu bixiyo oo ay todobaad walba tagaan dhalinyaro ka baxdey dugsiga sare iyo Jaamacadaha oo si mudata-dawacnimo ah wax ubara dadkaasi.

Odayaasha iyo waxgaradka Deegaanka Laas-xaadoow oo ka mid ah deegaanada Dhuusamareeb hoostaga ayaa Wasaaradda waxbarashada ku wareejiyay dhul baaxad leh oo ay ka bilaabeen dhismaha iskuul qabyo ah, si loo sii wado dhameystirkiisa oo ay si mudawacnimo ah ula wareegtay shirkada Global link.

Wasiirka Waxbarashada Galmud ug Maxamed Xaashi Dhoorre ayaa u mahad celiyay dhalinyarada laheyd hal abuurka waxbarida reer guuraaga deegaankan dagan kuwaa oo ah naadiga Bidhaan, isagoo intaa ku darey in Barnaamijkoodani noqdey mid guuleestay oo isbadal la taaban karo la yimid.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun 15 sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday xubin katirsan AL-shabaab

Maxkamadda  Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin  ka tirsanaa Kooxda Daacish  una qaabilsanaa kala gudbinta  lacagaha.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi   ayaa lagu helay in uu kamid yaha maleeshiyada Alshabaab  iyo Daacish ,Isagona u shaqeynayay tan iyo sanadkii 2008

maxkamadda Ciidamada ayaa sheegatay in Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale   sanadkii 2016 uu u goostay in uu ku biiro kooxda Daacish, waxa uuna xiriirka kooxda ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Al-Shabaab

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo Eedeyay dambiilaha in uu kala gudbiyay lacag dhan 400 oo kun dollarka mareykan intii u dhexeysay 2019 -2020, waxa ay sidoo kale lagu edeeyay in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa in uu la macaamilo horjoogayaasha kooxda sida ku xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta Wararka kooxda iyo Muuqaalladooda.

Maxakamadda aya fadhiyo dhowr ah ka yeelatay kiiskan iyadona maanta go’aan ka soo saartay waxana lagu xakumay 15sano xabsi ciidan ah

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho

War-murtiyeedka laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shir labadii maalmood ee lasoo uga socday magaalada Muqdisho, kaasi oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka dalka.

War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7-habraac oo looga heshiiyey doorashooyinka, kuwaas oo kala ah.
Habraaca Dhiirigalinta Daahfurnaanta Doorashada

Habraaca Maamulka Maaliyadda Doorashada
Habraaca Xulista Ergada Doorashada
Habraaca Amniga Doorashad

Habraaca ilaalinta Qoondada Haweenka

Habraaca doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland
Hawlaha Lataliyayaasha Farsamo ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Golaha ayaa isla qaatay in ergooyinka doorashada ee dooranaya xildhibaanada golaha shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo bulshada rayidka, taas oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer dowlad ee heer federal.

Ergada Somaliland ay soo xulayaan duubabka nabadoonada iyo bulshada rayidka ee la isla ogol yahay, kuwaasi oo ay hubin doonaan guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo xafiiska Rooble.

Golaha ayaa si waafaqsan heshiiskii 27-kii May waxay go’aamiyeen in la abuuro guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xubnood oo ka kala imaanaya Talisyada maamulka, Taliska booliska Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaaraha.

Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhameystiran.

Wasaaradda Beeraha XFS oo tababar qaab-beerashada adkeysiga u leh Abaaraha u furtay qaar kamida shaqaalaha

wasaaradda Beeraha Soomaaliya ayaa tababar ku saabsan qaab-beerashada adkeysiga u leh Abaaraha u furtay qaar kamida shaqaalaha Wasaaraddaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed.

Qaab-beerista adkeysiga u leh abaaraha , cudrurada iyo aafooyinka, sida ugu wanaagsan ee looga faa’iideysan karo Waraabka iyo la tacaalida dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimilada ayaa Xooga lagu saari doona mudada shanta cisho ah ee uu socon doono tababrkan oo loogu talo galay inay ka faa’iideystaan shaqaalaha wasaaradaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed.

Tababarka oo ay casharadiisa bixinayaan qubaro ka socota Jaamacada Umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa fulintiisa iska kaashanaya wasaaradda Beeraha iyo hey’adda Save the children,Waxaana maalgelinaya Bangiga horumarinta Africa oo soo marsiiyay urur Goboleedka IGAD.

Dr Cabdi Daahir – madaxa mashruuca Qaab-beerista adkeysiga u leh abaaraha iyo madaxa mashaariicda  Save The Children- ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya Cali Cabdi Wehliye ayaa ka hadlay muhiimada tababarkan.

Agaasimaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Nuur Yuusuf  Nuur oo tababarka furay ayaa xusay in barnaamijkan  ay ugu talogaleyn in ay sare ugu qaadaan aqoonta Shaqaalaha Wasaaradaha Beeraha ee heer Federaal iyo heer maamul goboleed, si looga dhabeeyo hadafka ah inuu dalku gaaro isku filnaansho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Saddex ruux oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay degmada Waaberi

Xaafadda Buundo 1-aad ee degmada Waaberi saddex qof ayaa ku nafwaayay qofkalana waa ku dhaawacmay kaddib markii uu xakamaha (fariin) goostay Gaari nuuca daabulaha Ardayda ah.

Gaariga oo kasoo fariin goostay dalcadda dhanka wadada dabka ayaa dulmaray qaar kamid ah dadkii ku sugnaa wadada hareeraheeda waxa uuna ugu dambeyn gudaha u galay guri ay ku noolaayeen dad shacab ah.

Dad ku sugnaa goobta shilka ka dhacay ayaa noosheegay in ay arkeen dhimashada ilaa saddex ruux iyo dhaawaca qof kale.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo kulan layeeshay Madaxda Hya’adda Save the Children

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdinasir Mukhtar Ibrahim ayaa maantay kulan isgu jira Isbarasho iyo Xog-isweydaarsi layeeshay Madaxda Hya’adda Save the Children.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay Arrimaha iskaashiga iyo xoojinta adeegyada Caafimaad ee ay taageerto Hay’adda Save the Children, gaar ahaan adeega caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka kaasoo ay in mudda ah kawda shqeynayeen labada dhinac. Hay’adda save the Children ayaa Balanqaaday inay xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay Wasaaradda Caafimaadka.

Agaasimahaa Guud ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyay Hay’adda Save the Children wada shaqeynta dhaw ee ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka.

Rabshado ka dhacay Garoonka diyaaradaha Kabul oo sababay dhimasho

Rabshado ka dhacay garoonka diyaaradaha caasimadda dalka Afgaanistaan ayaa waxa ku dhintay toddoba qof sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Ingiriiska, Afayeen u hadlay wasaaradda difaaca ayaa yiri “Fikirkeenna runta ah wuxuu la jiraa qoysaska toddobada qof ee rayidka ah ee Afgaanistaan ​​oo si murugo leh ugu dhintay Kabul,”

Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Ben Wallace ayaa u sheegay wargeyska UK Daily Mail in aanay jirin ummad awood u leh inay qof walba banaanka u saarto ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee Mareykanka oo ah 31 -ka Ogosto.

Dhinaca kale Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la halgamayay sidii ay ula tacaali lahaayeen tirada dadka badan ee  isku dayaya inay raacaan duullimaadyada daad -gureynta toddobaadka dhexdiisa tan iyo markii ay Taliban dib ula wareegtay awoodda dalkaas

Guddiga loo saaray baaritaanka dhacdadii Golweyn oo la kulmay taliska ciidamada AMISOM

Guddigii heer wasiir ee Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Rooble u magacaabay baaritaanka dhacdadii Golweyn ee lagu dilay dad rayid ah, ayaa maanta shirkii ugu horreeyay la yeeshay taliska AMISOM oo ay kala hadleen sidii ay cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadii Golweyn.

Wasiirka Wasaaradda cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in shirka qeyb ay ka ahaayeen taliyaha ciidamada Uganda, saraakiisha AMISOM, Midowga Afrika iyo safiirka Uganda ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiirka in ay ka wada hadleen sidii dhibaatadii Golweyn ka dhacday loo xalin lahaa,islamarkaana cadaalad u heli lahaayeen dhibbaneyaashii dhacdadaas.

Sidoo kale, Wasiirka cadaaladda oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in qaar ka mid ah askartii ka dambeysay falkaas la soo xiray, halka qaar kalena baaritaan uu ku socdo.

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Mohamed Hussein Roble oo ka jawaabaya falkii ciidammo ka tirsan AMISOM ku dileen dad rayid ah deegaanka Golweyn, ayaa guddi heer wasiir ah u saaray baaritaanka dhacdadaas xanuunka leh.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka XFS oo qaabishay wafdi ka socda Hay’adda WHO.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Fadraalka ah ee Soomaaliya Drs Fawziya Abikar Nur ayaa Isbitaalka Martini ku qaabishay Wafdi ka socda Hay’ada WHO.

Wasiiradda iyo wafdiga ayaa booqasho ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka, sida Goobaha Talaalka lagu qaadanayo, dhismayaal Cusub ee Isbitaalka loo dhisayo iyo goobaha kale ee Bukaanada lagula tacaalo.

Wasiiradda ayaa wafdigaan ku wargalisay inay muhiim tahay in Isbitaalka laga taageero adeegyada Caafimaadka ee Muhiimka ah si loo laba jibaaro shaqada adag ee Isbitaalku sida lacag la’aanta iyo hagar la’aanta ah Bulshada ugu hayo.

Wasiirka iyo wafdigaan ayaa sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan dhismaha iyo Rakibaada warshada Oxygeen oo laga hirgalinaayo isbitaalka Martiini gudahiisa.

Wasiir Fawziya waxay la dardaarantay shaqaalaha caafmaaadka Isbitaalka Martini ayadoo ku boorisay in looga baahan yahay xilligaan adag inay u dhabar adaygaan shaqada una gutaan sida ugu hufan.

Maamulka Isbitaalka, shaqaalaha ayaa har iyo habeen dadaal adag ugu jira Bukaanada Covid 19 ee saacad saacada loo keenayo Isbitaalka ayagoo ugu shaqeeya si bilaash ah.