Rabshado ka dhacay Garoonka diyaaradaha Kabul oo sababay dhimasho

Rabshado ka dhacay garoonka diyaaradaha caasimadda dalka Afgaanistaan ayaa waxa ku dhintay toddoba qof sida ay xaqiijisay wasaaradda difaaca Ingiriiska, Afayeen u hadlay wasaaradda difaaca ayaa yiri “Fikirkeenna runta ah wuxuu la jiraa qoysaska toddobada qof ee rayidka ah ee Afgaanistaan ​​oo si murugo leh ugu dhintay Kabul,”

Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Ben Wallace ayaa u sheegay wargeyska UK Daily Mail in aanay jirin ummad awood u leh inay qof walba banaanka u saarto ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee Mareykanka oo ah 31 -ka Ogosto.

Dhinaca kale Mareykanka iyo xulafadiisa ayaa la halgamayay sidii ay ula tacaali lahaayeen tirada dadka badan ee  isku dayaya inay raacaan duullimaadyada daad -gureynta toddobaadka dhexdiisa tan iyo markii ay Taliban dib ula wareegtay awoodda dalkaas