Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo kulan layeeshay Madaxda Hya’adda Save the Children

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdinasir Mukhtar Ibrahim ayaa maantay kulan isgu jira Isbarasho iyo Xog-isweydaarsi layeeshay Madaxda Hya’adda Save the Children.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay Arrimaha iskaashiga iyo xoojinta adeegyada Caafimaad ee ay taageerto Hay’adda Save the Children, gaar ahaan adeega caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka kaasoo ay in mudda ah kawda shqeynayeen labada dhinac. Hay’adda save the Children ayaa Balanqaaday inay xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay Wasaaradda Caafimaadka.

Agaasimahaa Guud ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyay Hay’adda Save the Children wada shaqeynta dhaw ee ay la leeyihiin Wasaaradda Caafimaadka.