Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun 15 sano oo Xabsi Ciidan ah ku riday xubin katirsan AL-shabaab

Maxkamadda  Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin  ka tirsanaa Kooxda Daacish  una qaabilsanaa kala gudbinta  lacagaha.

Cabdirisaaq Maxamed Cabdi   ayaa lagu helay in uu kamid yaha maleeshiyada Alshabaab  iyo Daacish ,Isagona u shaqeynayay tan iyo sanadkii 2008

maxkamadda Ciidamada ayaa sheegatay in Cabdirisaaq Maxamed Cabdi Jimcaale   sanadkii 2016 uu u goostay in uu ku biiro kooxda Daacish, waxa uuna xiriirka kooxda ka helay Bilaal Suudaani oo ay mar kawada tirsanaayeen Al-Shabaab

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ku soo Eedeyay dambiilaha in uu kala gudbiyay lacag dhan 400 oo kun dollarka mareykan intii u dhexeysay 2019 -2020, waxa ay sidoo kale lagu edeeyay in uu ahaa nin awood ku leh kooxda Daacish oo gaarsiisnaa in uu la macaamilo horjoogayaasha kooxda sida ku xigeenka koowaad ee kooxda Bilaal Suudaani ahna u qaabilsanahay qaybta faafinta Wararka kooxda iyo Muuqaalladooda.

Maxakamadda aya fadhiyo dhowr ah ka yeelatay kiiskan iyadona maanta go’aan ka soo saartay waxana lagu xakumay 15sano xabsi ciidan ah

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho