Wasiirka Waxbarashadda Galmudug oo kormeeray deegaanka Laas-xaadoow oo ololle waxbarasho laga waday

Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa maanta kormeeray ololaha waxbarida iyo wacyigalinta reer miyiga oo ay Galmudug udub dhexaad u yihiin dhalinyarada waxaana wasiirka uu si gaar ah u tagey deegaanka Laas Xaadoow oo ka mid ah meelaha ololahan isbadalka ka sameeyay ee laga dareemay nolosha reer guuraaga oo dhalin iyo waayeelba waqti ku qaata goobo loo asteeyay in duruusta lagu bixiyo oo ay todobaad walba tagaan dhalinyaro ka baxdey dugsiga sare iyo Jaamacadaha oo si mudata-dawacnimo ah wax ubara dadkaasi.

Odayaasha iyo waxgaradka Deegaanka Laas-xaadoow oo ka mid ah deegaanada Dhuusamareeb hoostaga ayaa Wasaaradda waxbarashada ku wareejiyay dhul baaxad leh oo ay ka bilaabeen dhismaha iskuul qabyo ah, si loo sii wado dhameystirkiisa oo ay si mudawacnimo ah ula wareegtay shirkada Global link.

Wasiirka Waxbarashada Galmud ug Maxamed Xaashi Dhoorre ayaa u mahad celiyay dhalinyarada laheyd hal abuurka waxbarida reer guuraaga deegaankan dagan kuwaa oo ah naadiga Bidhaan, isagoo intaa ku darey in Barnaamijkoodani noqdey mid guuleestay oo isbadal la taaban karo la yimid.