Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula kulmay Ku-xigeenka Wakiilka QM ee Soomaaliya “SAWIRRO

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo ay ka wada hadleen xaalada dalka iyo tageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Anita Kiki Gbeho uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo hannaanka ay u socdaan doorashooyinka, waxaana intaa kadib laga wada hadlay xaqiijinta qoonddada haweenka 30% ee labada Aqal Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Haweenka oo qaabishay saraakiil ka socotay Safaaradda Finland ee Soomaaliya “SAWIRRO”

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim oo uu wehliyo agaasimaha guud ee Wasaaradda, mudane Isxaaq Xaashi Jimcaale, ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiska Wasiirka, mas’uuliyiin ka socota safaaradda Finland ee Soomaaliya, ayagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac.

Qodobada kulankooda diiradda ay ku saareen ayaa waxaa kamid ahaa; xaqiijinta qoonddada haweenka ee 30%, dardar gelinta shuruucda kala duwan ee Wasaaradda Haweenka hor tebinta u leh iyo arrimo kale.

Mas’uuliyiinta safaaradda Finland ayaa waxaa ay kala ahaayeen; Maiju Lepomakr oo ah u qeybsaha mashaariicda safaaradda ee Geeska Afrika iyo Mauri Starcrman oo ah isu duwanaha barnaamijyada ee Soomaaliya.

Kulanka wuxuu ku soo dhammaaday is af garad ku qotoma wada shaqeyn iyo iskaashi labada daraf oo ah, Wasaaradda Haweenka iyo safaaradda Finland ee dalka

 

Duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay xubna katirsan Al-shabaab.

Ciidamada Daraawishta Galmudug iyo Ciidamada la howlgalo ayaa Weerar Cirka ah ku qaaday Argagaxisad Al-Shabab oo weerar ku soo qaaday Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.ee ku sugan magaalada Camaara

Duqeynta ayaa aheeyd mid lagu guuleeystay waxaan lagu dilay tiro badan oo ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabab,waxa ayna aheyd tii sedexaad labadii Bilood ee la soo dhaafay oo lagu difaacayey dalka iyo dadka Soomaaliyeed loogana hortagaayey Argagixisada Al Shabaab, iyadoo wax qasaaro ahna soo gaarin Dadka Rayidka ee ku nool degaankaas.

Ciidamada xoogga dalka ayaa sii wadi doono in si hagar la’aan ah ugu shaqeeyaan Dadkooda ilaa Qatarta Al-Shabab la cirib tiro, Dadka Soomaaliyeedana ku nooladaan wax baqdin ah oo uga imaanayo Argagaxisada Al-Shabab.

 

Ra’iisul wasaare Rooble oo hoggaaminaya Golaha wada tashiga qaran ayaa kulan la qaatay Wakiilada beesha caalamka Soomaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hogaaminaya xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran ayaa shir looga hadlayo Arrimaha Geedi socodka Doorashooyinka ee Dalka ka bilowday la leh Wakiiladda Beesha Calamka ee Soomaaliya.

Golaha wadatashiga qaran oo uu garwadeen u yahay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku gudo jira u diyaar garawgii ugu dambeeyey ee lagu dhamaystirayo hanaanka doorashooyinka dalka.

 

Tahriibayaal lagu qab qabtay xeebaha Dalka Tuniisiya

Ciidanka ilaalada xeebaha Tuniisiya ayaa soo qab qabtay 11 kooxood oo Tahriibeyaal ah kuwaas uu 129 ka mid ahi u dhasheen dalka Tunuusiya halka 30 oo kalena u dhasheen dalalka Afrikada kale.

Dadka ayaa ka kala baxay Dekedda Taguemess,Chebba,Sfax iyo Kelibia sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda difaaca Tunuusiya.

Tahriibeyaasha ayaa loo soo qaaday dhinaca Dekedda Menzel jemil waxaana la wareegay Ciidamada qaranka Tunuusiya oo sanaddahan la tacaalayey tahriibayaasha sharci darada ah oo halkaas ka dhigtay marin ay uga sii gudbaan dalalka reer Yurub.

QoorQoor oo casho sharaf u sameeyey Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Midowga Musharaxiinta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa caawa casho sharaf ku casuumay Ra’iisul Wasaaraha XFS, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta taas oo masuuliyiinta kala duwan fursad u siisay in isla qaadaa-dhigaan go’aanadii ka soo baxay Shirkii Gollaha Wadatashiga oo ay war saxaafadeed ka soo saareen Musharaxiinta

 

 

Ciidamada xoogga dalka oo ka hortagay weerar Al Shabaab ku qadeen magaalada camaara

Gobolka mudug-SONNA:-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa ka hortagay weerar ay saaka Maleeshiyaadka Al Shabaab kusoo qaadeen Saldhiga Ciidanka Xooggu ku leeyihiin magaalada camaara ee Koonfurta Gobolka mudug

Saraakiisha Xoogga Dalka qeybta 21 ayaa sheegay inay qasaaro Xooggan gaarsiiyeen Maleeshiyaadkii kusoo duulay magaalada camaara ayna soo bandhigi doonaan

Golaha Wadatashiga Qaranka oo la kulmay guddiyada doorashooyinka

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed oo ay ka wada hadleen dardar gelinta howlaha doorashooyinka iyo hirgelinta habraacyadii uu shalay soo saaray Golaha Wadatashiga Qaranku.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku afgartay in la dar dargeliyo doorasooyinka, lana hirgeliyo habraacyadii uu Guddiga soo saaray.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ay wehliyaan madaxda dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa dhan kale kulan la yeeshay Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee goleyaasha BFS, iyagoo u xaqiijiyay in ay Golaha Wadatashiga Qaranka ka go’an tahay xaqiijinta matalaadda haweenka ee BFS.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo qaabilay Wefdi ka socday bangiga adduunka iyo Hey’ada WFP

Madaxa hey’adda WFP ee gobolka Geeska Afrika Mr Michael Dunford iyo xibno ka tirsan Xafiisyada WFP ee Geeska Africa iyo Soomaaliya ayuu Madaxwayne ku xigeenka Puntland axmed Cismaan Cilmi Karaash ku qabilay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Waxayna ka wada hadleen laba dhinac Mashaariicda kala duwan ee ay WFP ka wado deegaanada Puntland iyo sidii loo sii kordhin lahaa teegeerada bini aadanimo ee la siiyo dadka dan yarta ah waxaana ku wehelinayay kulanka Madaxwayne ku xigeenka xubno ka tirsan Golaha wasiirada Puntland.

Axmed Cismaan Cilmi Karaash Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale qaabilay madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya marwo Kristina Svensson iyo wefti ay hogaaminayso oo ka socda Bangiga adduunka qaybtiisa teegeerada Soomaaliya.

kulanka labada dhinac oo ay qayb ka ahaayeen xubno ka tirsan Golaha wasiirada Puntland ayaa lagu gorfeeyay Mashaariicda Bangiga aduunku ka taageero Puntland gaar ahaan taageerada shaqaalaha dowlada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Puntland oo Bangiga aduunku qayb ka qaato.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO DAAH FURAY MUNAASIBADDA HIRGELINTA GUDDIGA 4-AAD EE AFSOOMAALIGA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay munaasabadda lagu howl-gelinayo Guddiga 4-aad ee Afsoomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay turxaan bixinta, ilaalinta iyo horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, maadaama ay udub dhexaad u yihiin midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo dul istaagay halgankii dheeraa ee loo soo maray qaabeynta iyo qoridda Afsoomaaliga ayaa ka warbixiyey tallaabooyin hortebinta leh ee ay dowladdu u qaadday dhanka horumarinta afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

“Ummadda Soomaaliyeed waxa ay ku suntan yihiin dad ku adag afka iyo dhaqankooda, halka dalal badan oo dunnidii la gumeystay ka mid ah laga beddeley afkoodii iyo dhaqankoodii. Afku waa dhaxalka ugu qiimaha badan ee ay jiilal isu gudbiyaan, waana ammaano ay tahay inaan ilaalinno oo horumarinno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay in hirgelinta farta Soomaaliga lagu bixiyey dadaal, maskax iyo maal badan, waxa uuna kula dardaarmay Guddiga Afsoomaaliga in ay sii ambaqaadaan dadaalladaas, hormuudna ugu noqdaan ummadda Soomaaliyeed horumarinta iyo adeegsiga Afsoomaaliga.

“Dowladdu waxay dadaal badan ku bixisay sidii loo horumarin lahaa afka, dhaqanka iyo suugaanta. Taas oo aannu ka soo bilowney inaannu dib usoo celinno  goobihii lagaga shaqayn lahaa hirgelinta iyo horumarintooda, oo Tiyaatarka aynu maanta joogno ka mid yahay, Madxafkii Qaranka oo aanu isna dib u dhisnay”

Munaasabadda oo ku qabsoomtay Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ee XFS, Xildhibaanno,  Guddoomiye Kuxigeenka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed, Guddoomiyaha Akademiyad Goboleedka Afka-Soomaaliga Mudane  Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta  Mudane Cabdqaadir Nuur Xuseen, xubnaha Guddiga Afraad ee Afsoomaaliga, Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka  Abwaan Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf  iyo marti sharaf kale.