Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo qaabilay Wefdi ka socday bangiga adduunka iyo Hey’ada WFP

Madaxa hey’adda WFP ee gobolka Geeska Afrika Mr Michael Dunford iyo xibno ka tirsan Xafiisyada WFP ee Geeska Africa iyo Soomaaliya ayuu Madaxwayne ku xigeenka Puntland axmed Cismaan Cilmi Karaash ku qabilay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Waxayna ka wada hadleen laba dhinac Mashaariicda kala duwan ee ay WFP ka wado deegaanada Puntland iyo sidii loo sii kordhin lahaa teegeerada bini aadanimo ee la siiyo dadka dan yarta ah waxaana ku wehelinayay kulanka Madaxwayne ku xigeenka xubno ka tirsan Golaha wasiirada Puntland.

Axmed Cismaan Cilmi Karaash Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sidoo kale qaabilay madaxa Bangiga adduunka ee Soomaaliya marwo Kristina Svensson iyo wefti ay hogaaminayso oo ka socda Bangiga adduunka qaybtiisa teegeerada Soomaaliya.

kulanka labada dhinac oo ay qayb ka ahaayeen xubno ka tirsan Golaha wasiirada Puntland ayaa lagu gorfeeyay Mashaariicda Bangiga aduunku ka taageero Puntland gaar ahaan taageerada shaqaalaha dowlada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Puntland oo Bangiga aduunku qayb ka qaato.