Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug oo kulan la qaatay wakiilka Soomaliya ee Haya’adda UNCHR

Madaxweynaha Dowladda gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Muqdishu kulan kula qaatay madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR Mr. Magatte Guisse oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta UNHRC iyo Dowladda gobaleedka Galmudug iyo sidii loo dardar gelin lahaa Xafiiska Hay’adda ay dhawaan ku yeelan doonto Caasimadda Dhusamareeb.

Madaxweynaha JFS oo Hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Dalka Saambiya

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray madaxweynaha dhowaan la doortay ee Dalka Saambiya mudane Hichilema oo lagu caleemo saaray Caasimadda dalkaas ee Lusaka.

Hakainde Hichilema ayaa ahaa hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas isagoo tartanka Doorashada kaga guulaystay xusbi xaakimkii hore talada u hayey.

Wasiirrka gargaarka XFS oo sagootisay madaxii WFP ee Soomaaliya +Sawirro

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka XJFS oo munaasabad sagootin ah u sameeysay madaxii WFP, Cesar Arroyo oo uu waqtiga ka dhammaaday.

Munaasabaddii sagootinta Mr; Arroyo ayaa waxaa ka qeyb galay madaxa WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford iyo Xildhibaan Cumar Maxamed Soomane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle.

Bannaanbax looga horjeeday argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Gaalkacyo

Banaanbax looga soo horjeeday argagixisada Al-Shabaab,ayaa maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Banaanbaxaan  oo ay soo abaabuleen Maamulka Magaalada,waxaa ka qeyb galay wasiiro ka tirsan Galmudug, Maamulka degmada Gaalkacyo, Saraakiisha ciidamada, culima’udiinka, odayaasha dhaqanka dhalinyarada Haweenka iyo qeybaha kala duwan Ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo hoggaamiyaasha bulshada oo ka hadlay isu soo baxaasi  ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan  maleeshiyada Al-Shabaab,waxayna balan ku qaadeen in ay la dagaalami doonaan kooxahaasi nabad-diidka ah.

 

Maamulka iyo Shacabka Hirshabeelle oo xakameeyay fatahaadda uu Webiga Shabeelle ka sameeyay Jowhar+Sawirro

Maamulka Gobolka Shabeellada dhexe, kan degmada Jowhar iyo dadweynaha halkaasi ku dhaqan ayaa ku guuleystay inay xiraan Buq ama goob ay kasoo jabsadeen biyaha Webiga Shabeelle oo ku taalla Tuulada Moyke.

Guddoomiyaha degmada Jowhar, Cusmaan Muqtaar Maxamed Baarreey ayaa uga mahad-celiayay mas’uuliyiintii ka qayb qaadatay xirista Ishan iyo shacabkii kaalinta weyn ka geystay.

Duqa Magaalada Jowhar Saalax muuddeey ayaa sheegay in Buqda fakatay sare ugu kacday joogga Webiga 12 Mitir, loona baahan in mar walba isha lagu hayo dhaq-dhaqaaqa biyaha maaddaama uusan Webigu Jembiyo dhaadheer.

Biyaha jabsaday Buqda ku taalla degaanka Moyke ayaa saamaysay dalag fara badan oo halkaasi ku yaallay, waxayna maamulka iyo bulshaha halakaasi ku dhaqanba sheegeen inay la tacaali doonaan waxyeellada uu geysto fatahaadda Webiga.

Wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo Dhuusamareeb ku qabatay dood wadaag ku saabsan maamul daadejinta hay’adaha Dowladda

Wasiir ku xigeenka  Wasaarada arrimaha gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta , Axmed Cusmaan Aadan (Qooje) ayaa  daah-furay dood wadaag ku saabsan maamul daadejinta hay’adaha dowladda.

Dood wadaaggan oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arrimaha gudaha federalka iyo dib-uheshiisiinta Galmudug iyo dhiggeeda heer federaal ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Waxaana ka faaiideystay dood wadaaggan shaqaale ka kala socday wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa sidii loogu talagalay kusoo gabagaboobay maalintii koobaad dood wadaagga, iyadoo lagu wado in lasoo afmeero berri oo Khamiis ah.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulan muhiim ah la qaatay madax ka socotay bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda XFS  mudane C/raxmaan Ducaake Beyle ayaa manta xarunta wasaaradda ee Magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeesdhay Kristina Svensson oo ah wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay dib-u-habeynta Maaliyadda, Mashruucayada horumarineed ee bankiga uu ka wado Soomaaliya iyo dadaalada Wasaaradda Magaalada ee ku aadan sare uqaadidda dakhliga gudaha.

Kulankaasi u dhaxeeyay madaxda Bangiga Dunida iyo Wasaaradda maaliyadda,waxa uu ku soo gabagaboobay jawi heer sare ah,iyadoo diiradda la saaray sidii maamulka Gandhiga uu gacan uga geysan lahaa horumarka dhaqaalaha Soomaaliya.

 

Baarlamaanka Carabta oo ugu baaqay Aljeeriya iyo Marooko inay mudnaan siiyaan xiriirka walaaltinimo

Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu si hoose ula socdo isbeddelka ku  yimid xiriirka diblomaaasiyaadeed ee dowaladaha Aljeeriya iyo Marooko, kadib markii Aljeeriya ku dhaawaqday inay cilaaqaadka u jartay dowladdda Marooko.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa loogu baaqay labada dowladood inay mudnaanta koowaad siiyaan xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Aljeeriya iyo Marooko inay khilaaf kasta oo jira ku dhameeaan miiska wada hadalka sida ugu dhaqsiyaha badan .

Qoraalka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa  lagu soo gabagabeeyay in laga sugaayo madaxda labada dowladood inay adeegsaaadan xikmad si ay uga gudbaan dhibaatada taagan.

 

Baarlamaanka Carabta oo ugu baaqay Aljeeriya iyo Marooko inay mudnaan siiyaan xiriirka walaaltinimo

Baarlamaanka Carabta ayaa sheegay inuu si hoose ula socdo isbeddelka ku yimid xiriirka diblomaaasiyaadeed ee dowaladaha Aljeeriya iyo Marooko, kadib markii Aljeeriya ku dhaawaqday inay cilaaqaadka u jartay dowladdda Marooko.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa loogu baaqay labada dowladood inay mudnaanta koowaad siiyaan xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Aljeeriya iyo Marooko inay khilaaf kasta oo jira ku dhameeaan miiska wada hadalka sida ugu dhaqsiyaha badan .

Qoraalka kasoo baxay Baarlamaanka Carabta ayaa lagu soo gabagabeeyay in laga sugaayo madaxda labada dowladood inay adeegsaaadan xikmad si ay uga gudbaan dhibaatada taagan.

 

Maxkamadda gobolka Galgaduud oo xukuntay eedeysane loo haystay kufsi+Sawirro

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa maanta xukun shan Sano ah ku ridday Maxamed Cabdi Dhoorre oo ku eedeysnaa kufsi iyo afduub uu ugu geystay degaanka Godinlabe, Farxiyo Cali Maxamed oo 6 jir ah 19-8-2021.

Axmed Salaad Kulane, Garsooraha maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa doodo iyo qiraallo dheer ka dib xiritaanka fadhiga ku riday eedeysanaha 5-sano oo xabsi ah iyo bixinta labo neef oo Geel ah oo ay maxkamaddu sheegtay in ay noqonayaan dhiigga gabadha.