Maamulka iyo Shacabka Hirshabeelle oo xakameeyay fatahaadda uu Webiga Shabeelle ka sameeyay Jowhar+Sawirro

Maamulka Gobolka Shabeellada dhexe, kan degmada Jowhar iyo dadweynaha halkaasi ku dhaqan ayaa ku guuleystay inay xiraan Buq ama goob ay kasoo jabsadeen biyaha Webiga Shabeelle oo ku taalla Tuulada Moyke.

Guddoomiyaha degmada Jowhar, Cusmaan Muqtaar Maxamed Baarreey ayaa uga mahad-celiayay mas’uuliyiintii ka qayb qaadatay xirista Ishan iyo shacabkii kaalinta weyn ka geystay.

Duqa Magaalada Jowhar Saalax muuddeey ayaa sheegay in Buqda fakatay sare ugu kacday joogga Webiga 12 Mitir, loona baahan in mar walba isha lagu hayo dhaq-dhaqaaqa biyaha maaddaama uusan Webigu Jembiyo dhaadheer.

Biyaha jabsaday Buqda ku taalla degaanka Moyke ayaa saamaysay dalag fara badan oo halkaasi ku yaallay, waxayna maamulka iyo bulshaha halakaasi ku dhaqanba sheegeen inay la tacaali doonaan waxyeellada uu geysto fatahaadda Webiga.