Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay howlaha hortebinta leh ee Wasaaradda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xaashi Carabeey ayaa Shir Guddoomiyay Shirka Agaasimaha Waaxeedyada Wasaaradda oo looga hadlayay arimo muhiim ah oo ku qoto howlaha baaxadda leh ee ka socda Wasaaradda.

Kulanka ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay Agaasime Waaxeedyada, iyagoo ka warbixiyay howlaha hortabinta leh ee u qabsoomay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa kula dardaarmay Agaasime Waaxeedyada in ay dardar-galiyaan shaqooyinka, isagoo xusay in loo baahanyahay xoojinta iyo wada-shaqeynta kala dhexeysa Hay’adaha kale Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Agaasimeyaasha waaxyaha looga baahanyahay inay korjoogteeyaan oo ay daba-gal ku sameeyaan howlaha shaqo ee ka socda Waaxyahooda si loo helo hufnaan shaqo oo ku dhisan isla-xisaabtan.

 

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Jubbaland

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobaleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan  ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha Golaha Wasiirrada dowlad goboleedka Jubbaland

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga dooday arrimo kala duwan oo ku saabsan Jubbaland ayadoo dhinaca kale golaha warbixin laga siiyay arrimaha Siyaasadda iyo doorashooyinka.

Intii uu shirka socday ayaa waxaa warbixin looga dhageystay guddi ay Jubbaland u saartay soo indho-indheynta goobaha laga hirgelin doono Isbitaalka Ciidanka iyo Xabsi.

Sidoo kale shirka ayaa warbixinno looga dhageystay Wasiirrada Wasaaradaha Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga, Deegaanka iyo Dalxiisa iyo sidoo kale Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka.

Kulanka Golaha Wasiirrada Puntland oo maanta looga hadlay Amniga iyo Imtixaanka fasallada 8-aadka

Garoowe- Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Imtixaanka Fasalka 8-aad iyo xaaladaha guud Gobollada Puntland.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa warbixinno ka dhageystay saraakiisha laamaha amniga oo ku saabsan hannaanka Nabadgelyo ee deegaannada Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa ku booriyay hay’adaha Nabadgelyada inay xoojiyaan amniga guud ahaan Gobollada Puntland, isagoo dhankale hambalyo iyo bogaadin u diray ardayda dhameysatay fasalka 8aad.

Kulan looga hadlayay doorka dhallinyarada ee ka qeyb qaadashada siyaasadda oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb- Agaasimaga guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr; Cabdiwali Axmed Maxamed ayaa sheegay in la joogo xilligii ku habboonaa ee dhallinyarada Galmudug loo jiheyn lahaa ka qeyb-qaadashada arrimaha siyaasadda dalka.

Dr; Cabdiwali ayaa hadalkan ka sheegay kulan dood ah oo lagu gorfeynayay doorka dhallinyarada ee ku aaddan ka qeyb-qaadashada sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho dad weyne oo lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa intaa ku daray in kaalinta da’yartu laga ballaariyo is-dhexgalka xagga Sportiga, sarena loo qaado hankooga xagga siyaasadda ah, taas oo natiijadeeda dambe ay iyagu heli doonaan.

Madaxa madasha doodaha iyo cilmi baarista Galmudug, Sowdo Ciise Siyaad ayaa sheegtay inay tahay mid muuqato muhiimadda ay dhallinyaradu u leedahay ka qeybqaadashada arrimaha siyaasadda balse ay jiraan caqabado.

Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay madasha doodaha iyo cilmi baarista ee Galmudug oo kaashanaysa isu tagga Ururrada dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa loogu baaraandegay sidii ay da’yartu ula jaan-qaadi lahaayeen siyaasadda dalka qeybna ugu noqon lahaayeen doorasho dadweyne oo dalka ka dhaca.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka

Wafdi ka socday Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgalay Shirweynaha Midowga Boostada Adduunka (UPU) ayaa ka qeybgalay doorashada hoggaanka ugu sarreeya ururkaas oo shalay ka dhacday caasimadda dalka Ivory Coast ee Abidjan.

Agaasimaha Boostada, Md C/fataax Maxamed, ayaa ka qeybgalay codeynta oo ah markii ugu horreysay tan iyo markii dib loo soo celiyay xubinnimada Soomaliya ee UPU sanadkii 2019-ka.

Doorashadii shalay dhacday ayaa loo doortay Masahiko Metoki oo u dhashay Japan (Agaasimaha Guud ee hay’adda) halka Marjan Osvald oo u dhashay waddanka Slovenia uu asna ku guuleeystay (Agaasime Ku-xigeen)

Taalibaan oo Turkiga ka codsatay inay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul

Kooxda Taalibaan ayaa weydiisatay Turkiga kaalmo farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul kadib marka ay baxaan ciidamada shisheeye, laakiin Taalibaan ayaa ku adkaysaneysa in milatariga Ankara ay sidoo kale si buuxda uga baxaan Afghanistan dhammaadka bishan Ogosto.

Sida laga soo xigtay laba sarkaal oo Tuki ah, codsiga ay shuruuddu ku xirantahay ee Taalibaan ayaa imaanaya kadib markii ay dib ugu soo noqday awoodda Afgaanistaan 20 sano kadib markii uu dhammaaday duulaankii Mareykanka, ayaa Ankara uga dhigeysa go’aan adag oo ku saabsan inay aqbasho shaqada halist ah, haddii aysan ciidankeedu Afghanistan sii joogi doonin.

Dalka Muslimka ah ee Turkey ayaa qeyb ka ahaa hawlgalka NATO ee Afghanistan, walina waxaa garoonka diyaaradaha ee Kabul ku sugan boqolaal askari, waxaana saraakiishan ay sheegayaan inay diyaar u yihiin inay wakhti kooban uga baxaan Afghanistan.

Laakiin xukuumadda Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa hore u sheegtay muddo bilo ah inay joogi karto garoonka haddii laga codsado, waxaana Turkigu uu kaalmo farsamo iyo mid amniba ku taageeray garoonka diyaaradaha kaddib markii Taalibaan ay gacanta ku dhigtay dalkaas.

“Taalibaan waxay codsatay taageero farsamo si ay u maamulaan garoonka diyaaradaha ee Kabul,” ayuu yiri sarkaal sare oo Turki ah, isagoo raaciyay “Si kastaba ha ahaatee in Taalibaan ay dalbato in dhammaan ciidamada Turkiga ay baxaan waxay adkayn doontaa hawl kasta oo fulin u baahan”

Ma cadda in Turkigu oggolaan doono inuu bixiyo kaalmo farsamo haddii aysan ciidamadoodu halkaas u joogin si ay u sugaan ammaanka.

Turkiga ayaa ammaanay waxa ay ku tilmaameen hadallada dhexdhexaadka ah ee Taliban tan iyo markii ay qabsadeen Kabul, waxayna sheegtay inay u furan tahay inay la shaqeyso marka dowlad cusub la dhiso.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa Talaadadii sheegay in kooxdu ay xiriir wanaagsan la yeelatay Ankara.

Madaxaweynaha dawlad goboledka Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo madaxa hay’ada qaramada midoobey UNFPA Mr. Anders Thomsen oo muqdisho kulan ku yeeshay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliso Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Galmudug ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNFPA Mr. Anders Thomsen iyo khuburo la socotay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dar dargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyaan deegaannada Galmudug.

Congress-ka oo Biden ku cadaadinaya in suxufiyiin laga soo qaado Afghanistan

Xubno ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa Arbacadii ku cadaadiyay Madaxweyne Joe Biden inuu boqolaal qof oo xiriir wada-shaqeyn ah la leh Wakaaladda Warbaahinta Caalamiga ah ee Mareykanka ee (USAGM) in laga soo daadgureeyo Afghanistan.

Washington ay ku deg degayso wakhtiga kamadambaysta ah ee ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, kaas oo ku eg 31 -ka Ogosto.

Warqad ay Arbacadii Senator Ben Cardin iyo William Keating u direen madaxweyne Biden ayay ku sheegeen in ilaa 550 qof oo shaqaalaha USAGM iyo qoysaskooda ay weli isku dayayaan inay ka baxaan Afghanistan.

“Waxaan idinku adkayneynaa in 550 oo ka mid ah shaqaalaha USAGM iyo qoysaskoodu aysan ka duwaneyn weriyayaashii aad hore uga soo qaaddeen Afghanistan,” ayaa lagu yiri warqaddan, iyagoo xusuusiyay maamulka Biden in dhowr hey’adood oo ka tirsan warbaahinta Mareykanka ay shaqaalahooda u soo daadgureeyeen.

“Xiriirka ay la leeyihiinn dowladda Mareykanka dartii, waxay wariyeyaashan weli bartilmaameed u yihiin Taalibaan” ayaa lagu yiri warqaddan.

Dadaallada daadguraynta suxufiyiinta Afghanistan ayaa kordhayd toddobaadkan, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dagaalyahannada Taalibaan ay baarayeen guryaha qaar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Taalibaan ayaa baartay guryo ay leeyihiin ugu yaraan shan suxufi, sida ay sheegeen ururada u dooda xuquuqda warbaahinta.

 

 

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay gudiyada hirgalinta Doorashooyinka

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa xalay kulan la qaatay guddiyada hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed iyo heer Federaal, guddiga Xalinta khilaafadka iyo xubnaha Dowlad goboleedka Jubbaland ku mataya guddiga la taliyayaasha farsamo ee Golaha Wadatashiga qaran.

Madaxweynaha ayaa xubnahan ku booriyay inay dar-dargaliyaan shaqooyinka muhiimka u ah Bulshada Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hayaan.

Waaxda dalxiiska ee bariga Afrika ayaa warbixin kasoo saartay dhaqaale xumo iyo khasaare soo gaaray

Qeybta dalxiiska ee Bariga Afrika ayaa lumisay in ka badan $ 4.8 bilyan iyo 2 milyan oo shaqooyin ah sannadka 2020 iyada oo ay sababeen xannibaadaha COVID-19, sida lagu sheegay warbixin la sii daayay Arbacadii.

Waaxda dalxiiska ayaa ku biirisa qiyaastii 10% Jaaliyadda Bariga Afrika (East African Community) dhinaca wax-soosaarka guud ee wadammada (GDP) waxayna u dhigantaa 17% dakhliga dhoofinta iyo qiyaastii 7% xagga shaqooyinka, marka loo eego xogta rasmiga ah.

Warbixinta Golaha Ganacsiga Bariga Afrika (East African Business Council), oo ah urur ganacsiyo gaar ah ku leh gobolka, ayaa muujisay in 4.2 milyan oo dalxiisayaal ajnabi ah aysan awoodin inay u safraan goobaha dalxiiska ee Bariga Afrika.