Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay howlaha hortebinta leh ee Wasaaradda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xaashi Carabeey ayaa Shir Guddoomiyay Shirka Agaasimaha Waaxeedyada Wasaaradda oo looga hadlayay arimo muhiim ah oo ku qoto howlaha baaxadda leh ee ka socda Wasaaradda.

Kulanka ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay Agaasime Waaxeedyada, iyagoo ka warbixiyay howlaha hortabinta leh ee u qabsoomay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa kula dardaarmay Agaasime Waaxeedyada in ay dardar-galiyaan shaqooyinka, isagoo xusay in loo baahanyahay xoojinta iyo wada-shaqeynta kala dhexeysa Hay’adaha kale Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Agaasimeyaasha waaxyaha looga baahanyahay inay korjoogteeyaan oo ay daba-gal ku sameeyaan howlaha shaqo ee ka socda Waaxyahooda si loo helo hufnaan shaqo oo ku dhisan isla-xisaabtan.