13 Mareykan ah iyo 72 Afganistaan ah oo ku dhimatay qaraxyadii Kaabul

Ugu yaraan 72 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul, sida laga soo xigtay maamulka isbitaalka iyo sarkaal ka tirsan Daalibaan oo ku sugan caasimadda Afghanistan.

13 askari oo Mareykan ah ayaa sidoo kale lagu dilay qaraxyadii shalay,kuwaas oo ka qeybqaadanaayey daadgureynta dadka doonaya in ay ka baxaan garoonka magalada Kaabul ,isla markaana daneynaya in ay ku noolaadaan dalal kale,sababo la xiriira cabsi ay ka qabaan Taalibaan.

Qaraxa lala beegsaday ciidamada Mareykanka waa kii ugu xumaa ee hal maalin soo gaara ciidamada Mareykanka ee jooga Afgaanistaan ​​tan iyo bishii Ogosto 2011-kii, markii la weeraray diyaarad helicopter ah,taas oo ay ku dhinteen 30 ruux.

Weerarkii shalay waxaa sheegtay kooxda Daacish, laanta Afgaanistaan,waxaana Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku hanjabay inuu ka aargoosan doono kooxdaasi.

Turkiga oo qayb ka mida Ciidamadiisa kala baxay Afgaanistaan.

Dufcaddii ugu horreysay ee ciidammada Turkiga oo laga soo daad-gureeyay dalka Afghanistan ayaa ka degay caasimadda dalkaas Ankara, sida ay sheegtay shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines,diyaaraddii ugu horreysay oo siday askar Turki ah oo go’aansatay in laga soo daad-gureeyo Afghanistan ayaa ka degtay Ankara 11.45 am xilliga maxalliga ah (0845GMT), ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta Turkish Airlines.

Ciidanka la soo qaaday ayaa tiradooda lagu sheegay 345 askari oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Turkiga.

Qabsashada Talibaan ee Kabul toddobaadkii hore ayaa sababtay mowjad daad-gureyn ah iyada oo la sii mariyay gegida dayuuradaha ee Kabul, qorshaha daad-guraynta ayaa ku eg 31 -ka bishanAugusto

xuquuqda:anadolu agency.

Maxkamadda Gobalka Mudug oo xakun dil ah ku ridday dambiiile Cabdixakiin Muxyadiin

Maxkamadda Gobolka Mudug ayaa soo gaban-gabeysay fadhiyo dhowr ah oo ay ku dhageysatey dacwad ciqaabeed dil ah oo loo heysto eedeysane Cabdikariin Muxyadiin Cali oo Xafiiska Xeer ilaalinta guud ee Galmudug uu kusoo eedeeyay dil xili habeen ah 06/10/2020 loogu geystay deegaanka saddax-Higlo oo Gaalkacyo hoostaga Alle ha u naxariistee Marxuum Nuur yare Guuleed Cawaale.

Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur Xuseen oo cuskanaya xaanshi qiraal ah oo eedeysanaha laga qoray iyo cadaymo kale oo laga soo uruuriyey goobta falku ka dhacey ayaa garsoorka ka dalbadey in eedeysanaha la mariyo ciqaab adag..

Dhanka kale Abuukaate Xalane oo difaacayay eedeysanaha ayaa ku dooday in inay is burinayaan qodobada eedda ee xafiiska xeer ilaalinta iyo qaabka falku u dhacey.

Cabdiraaq Cali Yuusuf, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Mudug oo dhageysiga dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada difaacayay eedeysanaha kadib, ku dhawaaqey xukunka Maxkamadda ayaa cadeeyay in Cabdikariin Muxyadiin Cali yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogey, isla markaana lagu xukumey dil toogasho ah oo noqonaya qisaasta Marxuum Nuur yare Guuleed Cawaale.

WararkaGudaha Wasaaradda Duulista Hawada oo qabatay kulan looga hadlayay howlaha Hay’adda Duulista

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa qabatay kulan muhiin u ahaa horumarinta hay’adda Duulista Rayidka, Ku xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), Mudane Cali Jaamac ayaa guddoomiyay kulan uu soo qaban qaabiyey madaxa waaxda Air Transport-ka Mahad Farax.

Kulanka oo lagu soo bandhigay shaqada ay Waaxdu qabato iyo qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo adeegyada Waaxda ayaa waxaa si faahfaahsan u sharraxay adeegyada Cabdirisaaq Maxamed oo ka mid ah hawlwadeennada Waaxda.

Qodobada kulanka lagaga hadlay waxa ugu muhiimsanaa;

1. Xeerar nidaamyada tayaynta dhaqaale ururinta iyo wada shaqaynta shirkadaha diyaaradaha.
2. Heshiisyada laba geesoodka ah ee lala galo waddamada kala duwan, gaar ahaan kuwa aynu jaarka nahay.
3. Tirakoobka gaadiidka Cirka ee goosha hawada Soomaaliya iyo uruurinta xogtooda.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta la kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin dar dargelinta doorashooyinka, Amniga waxka qabashada Fatahaadaha iyo Horumarinta deegaannada Hirshabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Marwo Anita Kiki uga warbixiyay Fatahaadaha ka soo cusboonaaday qaar ka mid deegaannada Hirshabeelle iyo qorshaha uga degsan wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadda.

“Waxaan maanta Magaalada Muqdisho kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho waxaan kulankaan uga hadalnay dardargalinta Arrimaha Doorashooyinka, Amniga, Fatahaadaha iyo Arrimaha Horumarinta”.ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweenaha Jubbaland oo Kismaayo dib ugu laabtay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada Ku Meel Gaarka ah ee Jubbaland kadib safar shaqo oo uu maalmahii lasoo dhaafay ku joogay Magaalada Muqdisho.

Madaxweenaha ayaa Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo si diiran ugu soo daweeyay odayaasha cuqaasha iyo qeebaha Kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kaga qeyb-galay shirka madasha wadatashiga qaran ee Arrimaha Doorashooyinka kaas oo lagu gaaray go’aamo wax ku ool ah oo lagu dar-dar gallinayo howlaha Doorashooyinka dalka.

In ku dhow 100 ruux oo u dhintay cudurka Covod 19 ee ka jira Waqooyi Bari Kenya

Saraakiisha caafimaadka ee Waqooyi Bari Kenya   ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay cudurka Covid 19 ay u dhinteen ku dhowaad 100 ruux,kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo dad da’ ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadka.

Sarkaal u hadlay maamulka Gaarisa ayaa sheegay in aanay jirin feejignaan dheeri ah iyo dadaal ay dowladda Kenya ku bixineyso ka hortagga cudurka Coronavirus oo suurtaal ah in ay kor u sii kacdo saa,eymtiisa.

Sarkaalku, wuxuu tilmaamay in shalay oo kaliya la baaray illaa 16,938-ruux, isla-markaana xanuunka laga helay 1846 qof, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka.

Maamulka Gaarisa ayaa dhinaca kale baaq deg-deg ah u diray xukuumadda Nairobi, iyaga oo ka dalbaday inay u soo gurmadaan dadka halkaasi, maadaama Gaarisa ay noqotay meesha ugu daran ee cudurka, loona baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo shacabka.

Magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ayaa waxaa haatan fara ba’an ku haya cudurka saf-marka ah ee Covid-19, kaas oo markale ka dilaacay dalka Kenya, waxaana sii kordhaya dadka uu soo ridanayo xanuunka & kuwa u dhimanaya.

 

Saraakiil ka mid ah Booliska Hirshabelle oo qaatay tababar la xiriiray sharciyda

Konton iyo lix sarkaal oo ka tirsan Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa qaatay tababar socday muddo shan maalmood ah,kaas oo ku saabsanaa ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta,gaar ahaan xilliyada  Doorashada.

Saraakiishaan oo sidoo kale qaatay daruus la xiriirtay maareynta nidaamka dadweynaha,waxa  laga soo kala xulay saldhigyada kala duwan ee Boliiska magaalada Jowhar, waxaana ciidamadaasi ku jiray 15 sarkaal oo haween ah.

Tababarkaan oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo qeybta Booliska ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa diiradda lagu saaray xakameynta dadka, maareynta rabshadaha iyo bannaanbaxyada.

AMISOM ayaa waxaa  Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ka taageeraan dhanka tababarka iyo la talinta si ciidamada ay u helaan awoodda ay ku maareeyaan sharciga iyo kala dambeynta.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Gen.Maxamed Sheekh Madoobe

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS Cabdi kariim Xaaji Cabdi Buux ayaa tacsi u diray Agaasimaha Xogheynta Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Xasan (Doo) oo Aabihiis General Maxamed Sheekh (Madoobe) Caawa Fiidnimadii Ku Geeriyooday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga,waxayna rabi SWT uga baryeen Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan qoyska iyo eheladiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha ha u naxriistee Marxuum Generaal Maxamed Sheekh Madoobe ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanayay Dalka Turkiga.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.

Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo soo gabo gabeysay shir looga hadlayay horumarinta Beeraha Dalka

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tababarka ku casuuntay Wasaaradaha Beeraha ee Maamul Goboleedka Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland, Puntland iyo Galmudug.

Tababarka oo socday inta u dhexeysay 22-26 August ayna bixinayeen Mudane Cabdixamiid Salaad Xasan iyo Cabdulxaliim Axmed Xirsi oo ah khubaro wax ka dhiga Kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka ee Jaamacadda U3madda Soomaaliyeed ayaa ku saabsanaa qaab Beerashada adkaysiga u leh Abaaraha, khubarada waxayna uga hadleen qaabka ugu wanaagsan ee loola dagaalami karo isbedelka cimilada iyo qaabka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo waro iyo keydad biyo xireen oo lagu tacban karo beeraha.

Dr Maxamed Rashiid oo ah Hormuudka Kuliyadda Beeraha iyo Cilmiga Deegaanka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa tilmaamay inay muhiim tahay inay iskaashadaan Aqoonyahanada ku takhasusay Cilmiga Beeraha, wuxuuna sheegay in Wadanka Soomaaliya dhanka beeraha laga dhigi karo mid horumarsan oo waxkasta lagu tabcan karo.

Mudane Nuur Yuusuf Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka dhawaajiyay in tababarada loo sameynayo beeraleyda Soomaaliyeed la kordhin doono, isagoo sheegay in loo baahanyahay inay sifiican iskugu xirmaan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaadaha Beeraha ee Maamul Goboleedyada Dalka, ayadoo laga faa’ideysanayo Cilmiga Aqoonyahannada Beeraleyda Soomaaliyeed.