Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid Gen.Maxamed Sheekh Madoobe

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka BJFS Cabdi kariim Xaaji Cabdi Buux ayaa tacsi u diray Agaasimaha Xogheynta Golaha Shacabka Mudane Cabdulqaadir Maxamed Xasan (Doo) oo Aabihiis General Maxamed Sheekh (Madoobe) Caawa Fiidnimadii Ku Geeriyooday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga,waxayna rabi SWT uga baryeen Inuu naxriistiisa jano ka waraabiyo dhamaan qoyska iyo eheladiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha ha u naxriistee Marxuum Generaal Maxamed Sheekh Madoobe ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanayay Dalka Turkiga.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN.