Maraykanka oo ka digay weerarro cusub oo lala beegsado Garoonka Diyaaradaha Kabul

Dowlada Britain ayaa soo gabo gabeesay daadgureynta muwaadiniinteeda ku sugnaa dalka Afganistan gaar ahaan magaalada Kabul ay dhawaan la wareegeen dagaalyahanada kooxda Taalibaan.

Ciidamo badan oo ka socday dalka Britian ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Kabul gaar ahaan garoonka diyaaradaha Hamid Karzai halkaas ay ka wadeen daadgureynta diblumaasiyiinta iyo muwaadiniinta u dhashay dalkaasi.

Diyaaradii ugu dambeesay oo wada ciidamo Biritain ah ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Kabul, waxa ayna Britain soo gabo gabeesay joogitaankeedii dalka Afganistan ay la wareegeen Taalibaan.

Ciidamada Shisheeye gaar ahaan kuwa ka socda dalka Mareykanka ee wali jooga garoonka diyaaradaha Kabul ayaa fursad u heesta in halkaasi sii joogaan ilaa 31-da bishan oo kaliya ka harsan tahay labo maalin.

Waxaana la filayaa in Milatariga Mareykanka isaga baxaan dalka Afganistan waqtigii ku heshiiyeen Mareykanka iyo Taalibaan oo aheyd 31-da bishan, waxaana maamulka garoonka si buuxda ula wareegi doona mamaulka Taliban oo talada Afganistan la wareegtay.

Wasaaradda Qorsheynta XFS oo daah-furtay kulan lagu ansixinayo shaqada Xafiiska WFP ee Soomaaliya

Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha (XFS) ayaa maanta daah-furtay Kulan lagu ansixinayey qorshaha istiraatijiyadeed ama shaqo  ee Hey’adda cuntada Aduunka ee ( WFP ) Xafiiskeeda  Soomaaliya 2022-2025

Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen 12-wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda, Wasaaradaha Qorsheynta Dowlad-goboleedyadda, Hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka, Agaasinka deegaanka iyo isbadalka cimiladda (XRW) ayaa socon doona mudo labo cisho ah.

Hey’adda cuntada adduunka ee loo yaqaanno WFP ayaa intii ay colaadaha ka jireen dalka waxa ay sii waday dadaallada gurmadka, iyado oo bixineysay gargaar beni’aadannimo oo cunto ah, isla markaana taageereysay dadka nugul sida haweenka iyo caruurta.

Gabdhihii ugu horeeyey ee ka mid noqonaya Ciidanka Booliska Haramcad oo tababar loo soo xiray

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliya Jeneraal Cabdi Xasan maxamed Xijaar ayaa tababar ugu soo xiray magaalada Cankiri ee dalka turkiga dufcadii ugu horaysay ee hablo dhamaystay tababar ciidan kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidanka Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Musaasabadan ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socotay Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya kuwaas oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Turkiga,ku-xigeenka Arrimaha Ciidamada Safaarada Soomaliya ee Turkiga,duqa magaalada Cankiri iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Haramcad.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya ayaa xusay muhiimada ay u leedahay Soomaliya dhismaha Ciidamada Booliska isagoo sidoo kale uga mahadceliyey Dowladda Turkiga Taageerada ay u fidiso dhismaha Ciidamada Soomaliya.

Talyaaniga oo badbaadiyay 539 qof oo tahriibayaal ah

Maraakiibta ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa 539 muhaajiriin ah ka soo badbaadiyay dooni kuwa kalluumeysiga ah oo ku sii jeeday jasiiradda Lampedusa.

Kooxaha badbaadiyaasha  ayaa sheegay in dadkaan ay yihiin tiradii ugu badnayd ee muhaajiriin ah oo hal maalin gudaheed soo galay jasiiraddaasi,waxaan ku jiray dumar iyo carruur .

kooxda samafalka ee MSF (Dhakhaatiirta Aan Xudduudda Lahayn), ayaa sheegay in tiro ka mid ah muhaajiriinta ay u muuqdeen kuwo qaba dhaawacyo ka soo gaaray dadka wax tahriibiya ee ku sugan dalka Liibiya.

Baarayaasha Talyaaniga ayaa eegaya xaaladda dadka tahriibayaasha ah iyo waxa sababay  socdaalkooda xagga badda ah ee dalalka Yurub.

Shirka wadatashiga siyaasadda Qaran ee Qurbo joogta Soomaaliyeed oo lagu qabtay Dh/mareeb

Shirkan oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda arimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah ee XFS, ayay ujeedadiisu aheyd sidii Galmudug qayb uga noqon laheyd Wadatashiga siyaasadDa qaran ee qurba joogta Soomaaliyeed taasi oo ay socoto xog is waydaarsigeeda isla markaana hore loogu qabtay dowlad goboleedyo dhowr ah.

Qaybo kala duwan oo bulshada ka mid ah ah sida odayaasha dhaqanka, Aqoonyahanka, qurbajoog, dadka baahiyaha gaarka ah qaba, xubno ka socda Wasaaraddaha Galmudug iyo shaqaalaha kale ee dowlada ayaa Dhuusamareeb uga qayb galey daahfurka wadatashigan oo si mug leh la isugu dhaafsadey su’aalo dhowr ah iyo wax ku biirin mug leh.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi Caroole oo ugu horeyn goobta ka hadley ayaa adkeeyay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin soo dhaweynta iyo dhiiri-gelintaba qurbajoogta Soomaaliyeed ee diyaarka u ah maalgashiga dalkooda hooyo.

Qaar ka mid aqoonyahanka ka qayb-galayay wadatashigan ayaa dhankooda soo bandhigey qodobada saameynta ku leh nolosha bulshada guddaha iyo qurbajoogta.

Agaasimaha Waaxda Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha dibada XFS, mudane Maxamed Ibrahim Cawaale oo ugu dambeyn hadalka qaatey ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay marxaladaha ay soo martey isku duba-ridida Siyaasadda qaran ee qurbajoogta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Maraykanka iyo Ra’iisul wasaaraha Israa’il oo kulan ku yeeshay aqalka cad

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’il Naftali Bennett Aqalka Cad Jimcihii si ay uga wada hadlaan horumarka labada dhinac iyo gobolka.

Labada hoggaamiye ayaa wada qabtay shir jaraa’id ka hor kulankooda, sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka Cad,Biden wuxuu tacsi u diray qoysaska askarta Mareykan ah oo lagu dilay weeraradii argagixiso ee Khamiistii ka dhacay Kabul Hamid Karzai International Airport ee Afgaanistaan ​​wuxuuna sheegay in Mareykanku uu dhammaystiri doono howshiisa, iyadoo aan loo eegin xaaladaha.

Madaxweynaha ayaa xusay in kulanka lagaga hadli doono halista Iraan”Waxaan sidoo kale ka wada hadli doonnaa halista Iiraan iyo sida ay nooga go’an tahay inaan hubinno in Iiraan aysan waligeed sameysan hub nukliyeer ah,” ayuu yiri, isagoo hoosta ka xarriiqay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada Israel. “Waxaan hormarineynaa diblomaasiyadda oo aan aragnaa halka ay taasi na geyneyso, laakiin haddii diblomaasiyadda ay guuldareysato, waxaan diyaar u nahay inaan u weecano xulashooyin kale.”

Ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa dhankiisa wuxuu tacsi iyo murugo qoto dheer u diray isagoo ku hadlaya magaca dadka reer Israel shacbiga reer maraykanka askartii kaga dhimatay weerarkii Kabul.

Mareykanka oo duqeyn la beegsaday shaqsiyaad ka mid ah Daacishta Afganistaan

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay weerar dhanka cirka ah ka fulisay Bariga Afghanistan,kaas oo lala beegsatay abaabulayaan  xiriir la leh koox Daacish, maalin kadib weerar ka dhacay banaanka garoonka diyaaradaha Kabul oo lagu dilay ugu yaraan 175 qof iyo 13 askari oo Mareykan ah.

Weerarka xagga cirka ah oo ay fulisay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drooniska,ayaa warku intaa ku daray in uu ka dhacay gobolka Nangarhar ,iyadoo lagu bartilmaameedsaday Xubin looga shakisan yahay in uu ahaa abaabulihii qaraxyadii ka dhacay magaalada Kaabul maalinimadii Khamista ee  la soo dhaafay.

Safaaradda Mareykanka ee Kabul ayaa uga digtay dadka Mareykanka ah ee ku hadhay Afgaanistaan ​​inay si dhaqso ah uga baxaan garoonka caalamiga ah ee Kaabul

Goor sii horreysay, afhayeenka Pentagon -ka John Kirby ayaa Jimcihii sheegay in Mareykanka uu rumeysan yahay inay weli jiraan hanjabaadyo oo lagu kalsoonaan karo oo ka dhan ah garoonka diyaaradaha.

Kooxda Daacish ayaa sheegtay inay fulisay weerarkii khamiistii ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha Kabul,halkaas oo ay ku dhinteen ilaa 170 qof oo ay ku jiraan 13 ka mid ah ciidamada Mareykanka.

Danjire Cawaale Cali Kullane oo ka qayb galay shir looga hadlayay xariirka Afrika iyo dalka Vietnam

Shirkan oo ujeedkiisu ahaa in dib-u -eegis lagu sameeyo iyo in kor loo qaado iskaashiga ka dhexeeya dalka Vietnam iyo wadamada  Afrika ayaa waxaa ka qayb galay Danjire Cawaale Kullane iyo ku-xigeenkiisa Mudane Siciid Jaamac Mire la-taliyaha koowaad ee Safaaradda J.F. Soomaaliya ee dalka Shiinaha.

Shirkan oo ahaa mid ay uga qayb galeen qaab fogaan arag ah oo ay la yeesheen Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mudane Pham Quang Hieu iyo 31 safiir oo ka socda dalalka Afrika ee ku sugan Beijing dalka Shiinaha sidoo kalena ah safiiro dibad joog ah oo ku magacaaban  dalka Vietnam.

Maadaama ujeeddada shirku ahayd in lagu gorfeeyo siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga ka dhexeeya Vietnam iyo Afrika iyadoo duruufa is -beddelka ku geedaaman yihiin ayuu Danjure Cawaale Kullane ka jeediyay halkaas khudbad ku saabsanayd xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Vietnam, isagoona xooga saaray xariirka ganacsi iyo midka beeraha oo uu sheegay in labda dal iska kaashan karaan.

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha Cawaale Cali Kullane  ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jirto rajo wanaagsan iyo mustaqbal dhalaalaya oo ku saabsan xariirka labada dal ee Soomaaliya ee dalka Vietnam.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa sidoo kale ah safiir dibad joog ah oo dowladda Soomaaliya ugu magacaaban safiirka Soomaaliya ee dalka Vietnam, isagoo inta badan ka shaqeeya xoojinta xariirka dalalkaas oo la dareemayo in uu jiro isbadal dhanka cilaaqaadka labada dal ah.

Xuska maalinta Qaran ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha ayaa ah mid  bulshada looga wacyi gelinaayo  ilaaalinta  iyo dhowrista Xuquuqda Aadanha  iyo in la joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah, waxaana munaasabad lagu xusayo oo ay goob joog ka tahay Wasiirka Wasaradda Haweenka iyo horamarinta xuquuqda aadanha Xaniifa Maxamed Ibraahim lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Halka ku dhigga sanadkan ayaa ah” Xaqiijinta 30% Qoondada Haweenka iyo ilaalinta xuquuqda Aadanaha ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya,”.

Ujeedka laga leeyahay Xuska maalinta caalamiga ee Xuquuqda Aadanaha  ayaa wuxuu yahay in la sii amba-qaado horumarka laga  gaaray dhowrista xuquuqul insaanka oo bulshadooda u ah asaas muhiim ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa go’aamisay in sanad walba la xuso haldoorka kaalinta weyn ka qaata horumarinta iyo dhowrista Xuquuqda Aadanaha, waxayna adkeysay in maalintan muhiimad gaar ah u leedahay shacabka Soomaaliyeed.

AMISOM oo ka shiray dardargalinta dhanka hawlgallada ee Soomaaliya

Taliyayaasha militariga ee Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa isku raacay in la dardargeliyo howlgallada wadajirka ah ee ay la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliyeed.

Tallaabadaan ayaa ka dambeysay Kulan labo maalmood ah oo ka dhacay Muqdisho,kaas oo la xiriiray xoojinta amniga doorashada iyo u diyaar garowga howlgalka AMISOM ee sanadkaan 2021 -ka.

Kulankaasi waxaa mudadii uu socday taliyayaashu ay ku  ku qiimeeyeen horumarka ilaa hadda laga gaaray, Fikirka laga qabo Hawlgallada AMISOM, Qorshaha Kala-guurka iyo hirgelinta Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2568 (2021).