Wasaaradda Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta Dhaqaalaha (XFS) ayaa maanta daah-furtay Kulan lagu ansixinayey qorshaha istiraatijiyadeed ama shaqo ee Hey’adda cuntada Aduunka ee ( WFP ) Xafiiskeeda Soomaaliya 2022-2025
Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen 12-wasaaradood oo ka tirsan Xukuumadda, Wasaaradaha Qorsheynta Dowlad-goboleedyadda, Hey’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka, Agaasinka deegaanka iyo isbadalka cimiladda (XRW) ayaa socon doona mudo labo cisho ah.
Hey’adda cuntada adduunka ee loo yaqaanno WFP ayaa intii ay colaadaha ka jireen dalka waxa ay sii waday dadaallada gurmadka, iyado oo bixineysay gargaar beni’aadannimo oo cunto ah, isla markaana taageereysay dadka nugul sida haweenka iyo caruurta.