Horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa dhanka Caafimaadka Gobolka Galgaduud oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada

Horjooge Cali Ibraahim Maxamed “Qaleyste”oo Alshabaab ka tirsanaa mudo ka badan 14-sano ayaa isku soo dhiibay Taliska Ururka 5-aad ee Ciidanka Kumaandooska GorGor.

Horjooge qaleeste ayaa madax ka ahaa  waxa Alshabaab ugu yeeran markaska Caafimaadka Bulshada ee Gobolka Galgaduud isla markaana qayb ka ahaa rag xogtooda ay si gaar ah ula socdeen Ciidanka qalabka sida ayaa hore Alshabaab uga soo qabtay xilal sare oo ay kamid yihiin  in uu soo noqdey madaxa Caafimaadka Jabhada 16-aad iyo xiliyo kala duwan oo loo kala badaley in uu madax ka noqdo  markasyada Caafimaadka Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe.

Mudo ka badan toban saacadood ayay ku qaadatey in uu isaga soo socdo Ceelbuur oo uu kasoo baxsadey iyo Dhusamareb oo uu iska soo dhiibay waxa uuna u sheegay warbaahinta in go’aankiisani ku yimid kadib markii uu arkey duruufo si shaqsi ah usoo wajahay iyo qilaaf uu sheegay in uu dhex marey isaga iyo xubnaha kale ee kaga sareeyay shaqada uu uhayay Maleeshiyaadka Alshababa

Horjooge Qaleyste ayaa sidoo kale sheegay in uu rajeynayo isa soo dhiibidiisa in ay Wax ka badasho noloshiisa isla markaana uu abuurto nolol ka badalan tii cariiriga aheyd ee uu Alshabaab kusoo dhex qaatey mudadii uu ka tirsanaaa

Horjoogahan ayaa qayb ka ah tiro ka badan 15-maleeshiyaad iyo horjoogayaal ah oo bilo gudohood isku soo dhiibey ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ee dagaalka adag kula jira kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS ayaa dhammaan Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wargalisay inay talaalaan dhammaan shaqaalohooda

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo ka duulaysa saameynta caabuqa  cudurka faafa ee Covid’19 oo hirkiisii sedexaad uu ku faafaayo gudaha Soomaaliya iyo talooyinka Wasaaradda ee la xiriiray in dadka soomaaliyed ka foojignaadaan caabuqaan halista ku ah caafimaadka bini’aadamka sidoo kale ay qaataan Talaalka caabuqa covid19 si ay u badbaadiyaan noloshood’’ ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ay soo saartay wasaaraddu.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo hakiyey Kireyntii iyo dib u hawl-galinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawlgelinta maqaaxida Tiyaatarka Qaranka.

Isago oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble kaddib markii qaar kamid ah Abwaanadda iyo fannaaniinta Qaranka ay muujiyeen cabasho eek u aadan arrintaan.
War qoraal ah ee ka soo u soo saaray  wasiir warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abukar Dubbe ayaa sidaan u qorna “Aniga oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda”

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska Siyaasadda Bulshada ee UNICEF

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdullahi Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay madaxa siyaasadda Bulshada xafiiska Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Jose Maria Bendito Prieto iyo saraakiil kale oo xafiiska ka tirsan.

Kulanka waxaa looga hadlay wada-shaqeynta labada xafiis,kor u qaadista barnaamijyada taageerraya arrimaha Bulshada,Shaqo abuurka , ka hortagga shaqaaleynta Carruurta iyo dhammeystirka qorshaha shaqo ee sannad laha ah.

Garoonka diyaaradaha Kabul oo lagu weeraray gantaalo

Tiro gantaalo ayaa maanta markale lagu soo weeraray goobo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Caasimadda dalka Afgaanistaan,inta la xaqiijiyey shan gantaal ayaa kusoo dhacay Kabul.

Lama sheegin in khasaare kasoo gaaray Ciidamada Maraykanka ee sugaya amaanka garoonka diyaaradaha, balse sida la xaqiijiyey hanaanka Difaaca maraykanka ee garoonka ku rakiban ayaa qabtay shanta gantaal.

Dadaallo lagu xalinayo colaad u dhaxeysa beelo walaalo ah oo ka bilaawday G/Nugaal

Wararka aan ka heleyno gobolka Nugaal waxay sheegayaan in maanta ay socdaan dadaallo xoog leh oo lagu xalinayo dagaal beeleed khasaare culus geystay oo shalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Saaxmaygaag oo dhaca galbeedka gobolka Nugaal.

Dagaalka oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, oo soo kala gaaray dhinacyada maleeshiyaadka labada beelood.

Beelahaan ayaa la sheegay in ay horay ugu dirireen deegamaynta dhulka, waxaana hadda socda dadaallo nabadayn ah oo la doonayo in lagu soo afjaro isku dhacyada labada beel.

Nabadoon Khaliif Aw Cali oo ka mid ah guddi uu maamulka Puntland u saaray nabadaynta beelahaas ayaa sheegay haatan ay ku dadaalayaan sidii loo baajin lahaa in dhiig dambe uu ku daato halkaas.

Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo xukun 10 sano ah ku riday xubin sare oo ka tirsanad Argagixisada Daacish

Cabdisamad Ibraahi Cumar  oo magiciisa Afgarashadu yahay Abuu-Cali ayaa loo xiray dabayaaqadii sanadkii ina dhaafay kamid ahaanshiyaha Daacish oo uu ka tirsanaa ilaa 2016.

Cabdisamad ayaa ku dhashay magaalada Gaarise ee dalka Kenya, waxa uuna go’aansaday ku biirista Daacish isaga oo joogo Nairobi.

Isla xilligaas ayuu ka soo degay Boosaaso oo uu kaga sii gudbay buuraha Gal-gala, tababbarkiisii ugu horreeyay waxa uu  ku qaatay meel lagu magacaabo Il iyo Camaaro, waxa uu kamid noqday koox jabhad ah oo arbushaad ka sameyso dhulka bari ee Puntland, wixii intaas ka dambeeyay kooxda ayaa go’aamisay in lagu daro qaybta warbaahinta oo loo diyaariyay in uu noqdo Muuqaal Duube.

Waxa uu u sheegay hey’adaha baarista in uu ahaa Muuqaal duubihii dagaal ku dhex maray Daacish iyo Al-shabaab Muraale December 2018 iyo sidoo kale Baar-Gaalle oo isna dhacay March 2019, dagaalladaasi oo tirada la wariyay ee dhimasha iyo dhaawac ee kala gaaray kooxaha Argagixisada lagu Ogaaday in ka badan 30-Maleeshiyaad ah.

28 june ayay iska soo wareejiyeen hey’adaha dambi baarista kadib baaritaana dheer oo ay ku sameeyeen Eedeysanaha, waxa ayna xilligaasi ku wareejiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta si’uu u mariyo habraaca Dacwaddaha.

Xafiiska ayaa isla xilligaasi ka codsaday Garsoorka Ciidamada  in xabsiga-Dhexe  lagu hayo Cabdisama Gar-suge ahaan, bartamihii july ayaa loo ballamay fadhigii ugu horeeyay Eedda ka dhanka ah Cabdisamad Ibraahim Cumar.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda la wadaagay taariikhda sida uu ugu biiray Daacisho Eedeysanaha iyo Raggii kale ee fikirkan ay ka soo wada Xambaareen Nairobi, waxa ay Xeer Ilaalinta sheegtay in saaxiibbadiisa ay dagaallo u aadeen Liibiya ayna ku dhinteen halka labo kale oo isna ay wada joogeen ay ku dhinteen dagaal ay la galeen Ciidamada PSF-ta Puntland ee loogu tala galay la dagaalanka Argagixisada, waxa ay sidoo kale Xafiiska Xeer Ilaalinta ay la wadaageen Garsoorka dhaawac muujinta Eedeysanaha oo ku dhaawacmay dagaalladii ay la galeen Ciidamada Puntland.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ka Codsaday in lagu xukumo ciqaab adag maadaama Daacish ay Eedeysanaha u soo wakiilatay Qal-qal gelinta Amniga Muqdisho balse ay Ciidamada Amniga qabteen isaga oo ka soo degayo Garoonka Aadan-Cadde.

Qareenada u doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto eedeysanaha Maadaama  uu ahaa Muuqaal Duube kaliya.

Fadhiya kala duwan kadib Maanta ayay Maxkamadda go’aan ka soo saartay, waxaana lagu xukumay Cabdisamad Ibraahim Cumar 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban karo Rafcaan 30-cisho gudaheed.

Safaarada Soomaliya ee Pakistan oo ka jawaabtay cabashada Ardayda Soomaaliyeed ee Pakistaan

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Pakistan oo ka jawaabaysa cabasho ka timid Ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Pakistan ayaa soo saartay War-murtiyeed ay kaga warbixinayso habka loo dalbado VISA dal ku jooga/dal-kul galka oo ah mid loo dalbado habka Online-ka.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga XFS oo safar shaqo ugu baxay Dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Senator Xasan Xuseen Xaaji ayaa safar hawlo shaqo ugu baxay dalka Turkiga wasiirka ayaa  waxaa Garoonka Diyaaradaha Ee Magalada Ankara ku soo dhaweyay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga iyo Safiirka Dowlada Soomaaliya.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa inta uu ku Suganyahay Turkiga kulamo la qaadan doonno Masuuliyiin ka tirsan dalkaas isagoo diiradda Saari doonno Xoojinta Xiriirka milatari ee ka dhexeeya labada dalka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu soo dhaweyay Jowhar

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay dib ugu laabteen magaalada Jowhar, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Xubno ka Tirsan Labada gole ee Dowlad Gobledka Hirshabelle iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxwynaha dowlad Goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay kulankii Golaha wadatashiga Qaran ee laga soo saaray habraaca doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay socdaalkii shaqo ee uu ku tagay Degmada Cadale, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Muqdisho uga qeyb galay isagoo ugu dambeyn sheegay in todobaadka soo socdo Hirshabeelle ay ka bilaaban doonto doorashada Aqalka Sare.