Horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa dhanka Caafimaadka Gobolka Galgaduud oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowlada

Horjooge Cali Ibraahim Maxamed “Qaleyste”oo Alshabaab ka tirsanaa mudo ka badan 14-sano ayaa isku soo dhiibay Taliska Ururka 5-aad ee Ciidanka Kumaandooska GorGor.

Horjooge qaleeste ayaa madax ka ahaa  waxa Alshabaab ugu yeeran markaska Caafimaadka Bulshada ee Gobolka Galgaduud isla markaana qayb ka ahaa rag xogtooda ay si gaar ah ula socdeen Ciidanka qalabka sida ayaa hore Alshabaab uga soo qabtay xilal sare oo ay kamid yihiin  in uu soo noqdey madaxa Caafimaadka Jabhada 16-aad iyo xiliyo kala duwan oo loo kala badaley in uu madax ka noqdo  markasyada Caafimaadka Gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe.

Mudo ka badan toban saacadood ayay ku qaadatey in uu isaga soo socdo Ceelbuur oo uu kasoo baxsadey iyo Dhusamareb oo uu iska soo dhiibay waxa uuna u sheegay warbaahinta in go’aankiisani ku yimid kadib markii uu arkey duruufo si shaqsi ah usoo wajahay iyo qilaaf uu sheegay in uu dhex marey isaga iyo xubnaha kale ee kaga sareeyay shaqada uu uhayay Maleeshiyaadka Alshababa

Horjooge Qaleyste ayaa sidoo kale sheegay in uu rajeynayo isa soo dhiibidiisa in ay Wax ka badasho noloshiisa isla markaana uu abuurto nolol ka badalan tii cariiriga aheyd ee uu Alshabaab kusoo dhex qaatey mudadii uu ka tirsanaaa

Horjoogahan ayaa qayb ka ah tiro ka badan 15-maleeshiyaad iyo horjoogayaal ah oo bilo gudohood isku soo dhiibey ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ee dagaalka adag kula jira kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab.