Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxa xafiiska Siyaasadda Bulshada ee UNICEF

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdullahi Maxamed Cali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay madaxa siyaasadda Bulshada xafiiska Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Jose Maria Bendito Prieto iyo saraakiil kale oo xafiiska ka tirsan.

Kulanka waxaa looga hadlay wada-shaqeynta labada xafiis,kor u qaadista barnaamijyada taageerraya arrimaha Bulshada,Shaqo abuurka , ka hortagga shaqaaleynta Carruurta iyo dhammeystirka qorshaha shaqo ee sannad laha ah.