Ciidamada Puntland oo howl-gallo ka dhan ah Argagixisada ka sameeyay buuraha galgala

Ciidanka Amniga Puntland ee Puntland iyo ciidanka Daraawiishta ayaa hawl-gal wada-jir ah oo lagu sugayo amniga ka sameeyay deegaanada kala ah Il , Camayra, Ceel-unkud, muguc iyo Karin-dawaco.

Hawlgalkan ayaa sidoo kale lagu baacsanayay firxadka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya Buuraleyda Galgala.

Ciidamada ayaa intii ay howl-galladaasi ku jireen waxay gacanta ku dhigeen agab ay isticmaali jireen oo ay halkaasi uga carareen Argagixisadu.

Madaxweyne Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka guddoomay danjireyaasha Dalalka Tansaaniya Iyo Angoola.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo safiirrada dalalka, Tansaaniya Mudane Dr. John S. Simbachawene iyo Angoola Mudane Sianga Kivuila Samuel Abilio.

Danjiraha Jamhuuriyadda Tansaaniya Mudane John S. Simbachawene ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Marwo Samia Hassan, taas oo ku aaddan xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Labada Dal.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Danjire John S. Simbachawene in uu ku guulaysto gudashada waajibaadka loo igmaday iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya Dhankiisa.

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Angoola Mudane Sianga Samuel Abilio ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkaynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalkiisa, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga Dhaqaalaha, Maalgashiga, Diblomaasiyadda iyo isu-socodka. Isaga oo uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Angoola sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ee ay la leedahay dalalka kale ee Qaaradda.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ka qeybgalay kulan fogaan arag ah oo ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka AU ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Senator Xasan Xuseen Xaaji, ayaa maanta ka qeybgalay kulan fogaan arag ee AU PSC, oo ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxii ka dambeeya Sanadka 2021-ka. Waxaana uu soo dhowaayey bayaankii wadajir ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ku saleysana 19-kii bishii Agoosto 2021 Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga, ee XfS ayaa soo jeediyey in laga gudbo warbixintii qiimeynta madaxa bannaan ee AU-da ee dhawaan ay DFS diiday. Waxaana uu adkeeyey in goluhu ay ahmiyadda siiyaan rabitanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda marka ay go’aaminayaan arrimaha ku saabsan amniga iyo nabad galyadda dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo Waraaqaha Aqoonsiga Ka guddoomay danjireyaasha Dalalka Tansaaniya Iyo Angoola

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa munaasabad ku qabsoontay Madaxtooyada Qaranka waxa uu kaga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga danjirenimo safiirrada dalalka, Tansaaniya Mudane Dr. John S. Simbachawene iyo Angoola Mudane Sianga Kivuila Samuel Abilio.

Danjiraha Jamhuuriyadda Tansaaniya Mudane John S. Simbachawene ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalkiisa Marwo Samia Hassan, taas oo ku aaddan xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Labada Dal.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey Danjire John S. Simbachawene in uu ku guulaysto gudashada waajibaadka loo igmaday iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Tansaaniya Dhankiisa.

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Angoola Mudane Sianga Samuel Abilio ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkaynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dalkiisa, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga Dhaqaalaha, Maalgashiga, Diblomaasiyadda iyo isu-socodka. Isaga oo uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliya soo dhoweynta diirran.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjiraha cusub ee dalka Angoola sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka ku saleysan iskaashiga, dan-wadaagga iyo saaxiibtinnimada ee ay la leedahay dalalka kale ee Qaaradda.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiyada uga warbixiyay dadaallada Xukuumadda ay ugu jirto dar dargelinta doorashooyinka, waxaana uu kula dardaarmay inay hirgeliyaan habraacyada u degsan hannaanka doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaana Guddiyada kala hadlay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin:

  • Qaabka soo xulista ergooyinka iyo doorka odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah
  • Xaqiijinta Qoondada haweenka ee 30%
  • Dhaqaalaha ku baxaya doorashada
  • Wadashaqeynta guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka iyo arrimo kale oo khuseeya doorashada iyo hufnaanteeda.

Xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Gobaleedka Puntland oo laga bilaabay qaadashada Tallaalka COVID-19.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ka duulaysa ka hortaga Khatarta caabuqa saf marka ah ee  COVID-19 ayaa dhawaan ka soo saartay digniino ku aaddan qaadshada Tallaalka ee shaqaalaha Wasaaradda.

Ku-simaha Agaasimaha Guud Abshir Maxamed Abshir ayaa faray shaqaalaha Wasaaradda ee ku sugan dhammaan shaqalaha  Puntland in ay qaataan Tallaalka.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga deganada Galmudug

Ku simaha madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug Mudane Ali Dahir Ciid ayaa Shir Guddomiyay Shirki Amniga Galmudug oo ka dhacay Xarunta madaxtooyada Galmudug,Shirka oo ay ka so qayb galeen qaybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida Iyo Amisom, Booliska, iyo Nabad sudiga, ayaa waxaa awood lagu saray sugida Amniga Galmudug iyo sidii howlgalo rogaal celin ah oo lagu qaado kooxda argagixisada Al shabaab.

“ Ciidamada Qalabka sida ee Somalia iyo kuwa Galmudug waxay maalmahan so socda qaadi doonan guluf kaas oo ay Galmudug uga si fayn doonan Khawaarijta Alshabaab “ ayu yiri Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Ciid

Madaxweynaha ayaa sido kale u mahadceliyay Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Dani oo xili loo bahna garab istaagtay Dowlada Galmudug waxana u intaasi ku daray in Galmudug iyo Puntland iska kaashan doonan la dagaalanka Argagixisada Al Shabaab.

Ugu danbeyn Madaxweyne kuxigeen ayaa u mahaceliyay Shacabka Gobolka Mudug sida ay isku garab istaagen Ciidamada Qalabka sida sido kale waxa uu ugu baqay Shacabka Gobolka Galgaduud iyo Guud ahaan Galmudug in Ciidamada la Garab is taago.

Wasaaradda Caafimaadka dowalad Goboleedka KGS oo Baydhabo Ka Furtey Shir Socon doono Mudo Labo Maalmood ah

Shirkan ayaa Loo Qabtey iskuduwayaasha Wasaaradda ee Gobolada iyo Degmooyinka KGS Waxaana Ka qeybgaley Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaad ka KGS Madaxda Hay’ada ACF oo Wasaaradda Kala Shaqeysa Horumarinta Adeegyada Caafimaadka

Shirka ayaa inta uu socondoono looga Hadli Doonaa Waxqabadkii iyo Wadashaqeynta Hay’adan iyo Wasaaradda,Balaarinta Adeegyada Caafimaad iyo Qorshayaasha Sanadaha soosocda ayaa Lagu Falanqeyn doonaa Maalmaha Kulamadan ay socdaan .

Mohamed Abdi Haji oo ka socday Hay’ada ACF ayaa Ka qeyb galayaasha Usharaxay ujeedada Kulanka iyo Waxyaabaha Laga doodi doono isagona shegay in shirka inta uu socdo diirada lagu saari doono Horumarinta Adeegyada Caafimaad deganada koonfur galbeed

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka KGS Osman Abdi Muuse Oo Shirka Furey ayaa  Kahadley Muhiimada ay leedahay in La Xoojiyo Wadashaqeynta iyo in Adeegyada Caafimaad Lagaarsiiyo Gobolada iyo Guud ahaan Degmooyinka Koonfur galbeed soomaaliya

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS  Xasan Xuseen Xaaji ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu Soo Xerayay saraakiil ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka  ee Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS.

Waxaa munaasabadda ka soo qeybgalay Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo Xubno ka tirsan Xukuumadiisa, Sidoo kale Waxaa bilado iyo Shahaadooyin la gudoonsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Turkiga.

Intii munaasbadda Socotay Wasiirka Wsaaradda Gaashaandhigga XFS Avv.  Xasan Xuseen Xaaji ahna Senatorka la soo doortay ayaa Shahaado Sharaf gudoonsiiyay qaar ka mid ah Saraakiisha ka tirsan Ciidanka XDS ee Tababarka usoo idlaaday, gaar ahaan Saraakiisha muujiyay howlkarnimo iyo dadaal intii ay ku jireen Akadeemiyadda.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa Dowladda Turkiga ugu Mahadceliyay Tababaradda iyo taageerida ay la garab taagantahay ciidanka XDS.