Qaramada Midoobey oo ka digtay xaalado bini’aadanimo oo wajaha Afghanistan

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in dadka reer Afgaanistaan ​​ay soo wajaheyso xaalado dhanka bini’aadanimada ah oo ay sababeen  cunto yari, taasoo ka dhigeysa in saddexdii qofba mid ka mid ah uu dareemayo gaajo.

Ramiz Alakbarov, oo ah isku -duwaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Afghanista ayaa Arbacadii sheegay in Xaaladda Afgaanistaan ​​marka laga eego dhinaca bani’aadamnimada ay tahay mid aad u kacsan,wuxuuna intaa ku daray in ka badan kala bar carruurta dalka ay durba la halgamayaan sidii ay u heli lahaayeen cunto

Maalmihii u dambeeyay qiimaha raashinka ee Afgaanistaan ​​ayaa kordhay ilaa boqolkiiba 50, halka batroolka uu kordhay ilaa 75 boqolkiiba,waxaana sidoo kale joogsaday gargaarkii caalamiga ahaa ee ka imaan jiray dibadda.

Dhanka kale, diyaarad ay leedahay Qatar Airways ayaa soo caga -dhigatay Kabul ,taas oo sidday koox u howlgasha in mar kale uu garoonku shaqeeyo ,fursadna loo helo dib u bilaabidda howlaga gargaarka.

Daalibaan ayaa lagu wadaa in ay soo dhisaan dowlad,inkastoo ay wajahayaan ciriiri dhanka dibolomaasiyadda ah iyo dhaqaale xumo .

Wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha xafiiska RW oo shir kaga qayb galay Geneva

Wafti uu hogaaminayo Wasiiru Dolwalaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdixakiim Xasan Ashkir oo ay ku weheliyaan Agaasimaha Guud Bay’adda ee Xafiiska RW iyo xubno khubaro ah ayaa ka qayb galay shir heer wasiir ah oo lagaga hadlayo ka hortagga wasakhaynta badda iyo sidii looga hortagi lahaa walxaha balaastigga ka samaysan oo khatar ku ah cimilada aduunka.

shirkan oo ay si wada jir ah u shir-gudoominayaan wadamada Ecuador, Germany, Ghana iyo Vietnam ayaa ka socon doona laba maalmood Xarunta WTO ee magaalada Geneva,iyadoo uu qabsoomi doono bilowga sanadka soo socda shir balaaran oo arrinkan lagaga xaajoon doono.

Ururka 8-aad oo tababar ku soo qaatay dalka Turki ayaa lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Wasiir Dowlaha Amniga XFS iyo Taliye ku,xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo ay wehliyaan Taliye Xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey ururka 8-Aad ee Kumaandooska GorGor iyo Gabdhihii ugu horeeyey ee ka mid noqonaya ciidanka  Ciidanka Booliska gaarka Haramcad oo lagu soo tababaray Dalka Turkiga.

Masuuliyiinta ayaa kula dardaarmay Ciidanka inay si hagar la’aan ah ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed,Dowladda Soomaliya ayaa horumar weyn ka samaysay dhismaha Ciidanka iyadoo dhinaca kale gobolada dalka ka wada abaabul dagaal oo dalka looga xoraynayo Argagixisadda Al-shabaab.

Wasiirka Warfaafinta JFS oo Umadda Soomaaliyeed ka Tacsiyeeyey Geeridda Fanaankii waynaa Shamuuri

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cismaan Abuukar Dubbe, ayaa Tacsi udiray qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Fanaankii waynaa ee Hoboladda Qaranka Waabari oo caawa muqdisho ku geeriyooday.

“Naxariistii Janno Allaha siiyo marxuum Maxamed Aadan Shamuuri oo Muqdisho ku geeriyooday.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii, Hoboladda Qaranka ee Waabari iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.

Maxamed Adan Shamuuri wuxu ahaa fannaan qaran oo dadkiisu aad u jeclaa, sidoo kale marxuumku wuxu ahaa nin leh dabeecad fiican iyo dad la dhaqan wanaagsan. Ilaahay ha u naxariisto. Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Cismaan Abuukar Dubbe

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo furay waddo u xirnayd arrimo amni

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa howla kormeer ah ku sameeyay dhismaha Wadada dheer ee degmada Deyniile oo meel wanaagsan mareysa.
Dhismaha wadadan oo muhiim u ah isku socodka Caasimadda iyo dalxiiska deegaanka ayaa mas’uuliyiinta waxa ay ku sameeyeen kormeer socod ah.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu sheegay in Maamulkiisa ay ka go’an tahay isku tashi iyo in Caasimadda la hormariyo.
Dhanka kale Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa maanta dib u furay waddada Isbitaalka xoogga oo muddooyinkii lasoo dhaafay u xirneyd sababo amni.
Bulshada Gobolka Banaadir ayaa horay uga codsatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in la furo waddadan oo isticmaalkeedu muhiim u ah isu socodka Magaalada Muqdisho.
Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale dib u furay goobaha Biya-mareenka ah oo ay dowlada hoose ee Xamar muddooyinkii u danbeyay ka wadday howlo dib u habeyn ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha X.F.S oo dood ku saabsan doorashooyinka ku qabatay Muqdisho

Wasaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa  dood Dadweyne oo lagu dhiiri gelinaayo doorashooyin nabad ah in ay ka dhacaan dalka waxa ay ku qabatay Muqdisho.

Dooddan ayaa waxaa ka qeybgalay aqoonyahanno waayo arag ku ah doorashooyinka Soomaaliya iyo dadweyne badan oo su’aalo ka keenay hannaanka loo maray doorashooyinka ka billowday dalka.

Agaasimaha waaxda Faderaalka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdinaasir Maxamed, oo soo xiray kulanka ayaa sheegay inay muhiimad ballaaran u leedahay bulshada doodaha caynkan oo kale ah, si loo hagaajiyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka.

 

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qayb galay munaasabad lagu daahfurayay warbixinta maalgashiga Shiinaha ee Afrika

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane ayaa ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maalgashiga Shiinaha ee Afrika.

Munaasabaddan oo ku qabsoontay aaladda fogaan aragga ayaa waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ka tirsan dowladda shiinaha, ganacsato iyo Safiirrada waddamada Afrika u fadhiya Shiinaha.

Munasabadda oo uu soo agaasimay golaha gamacsiga dalka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa looga dooday si gaar ah awoodda uu leeyahay Suuqa iyo kaalinta ganacsiga gaarka ah.

Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa ugu dambeyn bogaadiyay howlaha ganacsi ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Afrika.

 

FAO iyo Dowladda Soomaaliya oo bilaabay xog ururin ku saabsan nidaamka cunto ee Soomaaliya

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo beerahaee FAO iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa bilaabay wada-hadaladii ugu horreeyay ee loogu diyaargaroobo Shir-weynaha Qaramada Midoobay ee bishaan looga hadlaayo nidaamyada cuntada ee dunida.

Wadahadaladaan hordhaca ah ee ka bilaabmay gudaha dalka,waxaa loo qorsheeyey in lagu qabto xarumaha dowlad goboleedyada iyo  caasiadda Muqdisho,si gabagabada loo helo waddo loo maro wax ka qabashada caqabadaha ku yimaada nidaamka cuntada ee Soomaaliya.

Wada-hadallada la xiriira Nidaamka Cunnada Soomaaliya oo ka billowday jubada-hoose,waxaa ujeedku yahay in ka qeybgalayaashu ay fikrado ku biiriyaan shirweynaha Qaramada Midoobay ee looga hali doono caafimaad qabka cuntada .

Shir -madaxeedka Qaramada Midoobay ee bishaan ka dhacaya magaalada New York ayaa la filayaa in looga hadlo Helidda nidaam cunto caafimaad leh, waara iyo hagaajinta nidaamyada cuntada ,si sanadka 2030  loo gaaro Yoolalka Horumarka la hiigsanaayo .

 

Madaxweyne Gudlaawe oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Hirshabeelle

Madaxweyne Cali Gudlaawe Xuseen ayaa manta ka dhagaystay laamaha ammaanka ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle halka uu marayo amniga degaannada uu maamulkiisa ka arrimiyo iyo sidii loo laba jibbaari lahaa, kadib markii uu ka qeyb galay kulan ku saabsan nabad gelyada Hirshabeelle.

Kulankaan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka amniga gudaha Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka shabeellada dhexe, Taliyeyaasha ciidamada laamaha ammaanka iyo Saraakiisha AMISOM ayaa lagu gorfeeyay amaanka degaannada Hirshabeelle,fulinta howlgallo qorsheysan, adkeynta amniga musharraxiinta iyo xaqiijinta nabad-gelyada Magaalooyinka Jowhar iyo Beleddweyne oo kamid ah goobaha loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka Baarlamaanka.

Saraakiisha hay’addaha amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgallo  qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamadu si loo adkeeyo nabad gelyada Caasimadda iyo guud ahaan degaanada Hirshabeelle.

Ciidamada Puntland oo howl-gallo ka dhan ah Argagixisada ka sameeyay buuraha galgala

Ciidanka amniga Puntland ayaa howl-gal lagu sugayo amniga ka sameeyay degaannada kala ah Il , Camayra, Ceel-unkud, muguc iyo Karin-dawaco.

Howlgalkan ayaa sidoo kale lagu baacsanayay firxadka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya Buuraleyda Galgala.

Ciidamada ayaa intii ay howl-galladaasi ku jireen waxay gacanta ku dhigeen agab ay isticmaali jireen oo ay halkaasi uga carareen Argagixisadu.