Wasaaradda arrimaha gudaha X.F.S oo dood ku saabsan doorashooyinka ku qabatay Muqdisho

Wasaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya ayaa  dood Dadweyne oo lagu dhiiri gelinaayo doorashooyin nabad ah in ay ka dhacaan dalka waxa ay ku qabatay Muqdisho.

Dooddan ayaa waxaa ka qeybgalay aqoonyahanno waayo arag ku ah doorashooyinka Soomaaliya iyo dadweyne badan oo su’aalo ka keenay hannaanka loo maray doorashooyinka ka billowday dalka.

Agaasimaha waaxda Faderaalka ee Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdinaasir Maxamed, oo soo xiray kulanka ayaa sheegay inay muhiimad ballaaran u leedahay bulshada doodaha caynkan oo kale ah, si loo hagaajiyo habsami u socodka hannaanka doorashooyinka dalka.