Ciidamada Puntland oo howl-gallo ka dhan ah Argagixisada ka sameeyay buuraha galgala

Ciidanka amniga Puntland ayaa howl-gal lagu sugayo amniga ka sameeyay degaannada kala ah Il , Camayra, Ceel-unkud, muguc iyo Karin-dawaco.

Howlgalkan ayaa sidoo kale lagu baacsanayay firxadka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysanaya Buuraleyda Galgala.

Ciidamada ayaa intii ay howl-galladaasi ku jireen waxay gacanta ku dhigeen agab ay isticmaali jireen oo ay halkaasi uga carareen Argagixisadu.