Wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaha xafiiska RW oo shir kaga qayb galay Geneva

Wafti uu hogaaminayo Wasiiru Dolwalaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Cabdixakiim Xasan Ashkir oo ay ku weheliyaan Agaasimaha Guud Bay’adda ee Xafiiska RW iyo xubno khubaro ah ayaa ka qayb galay shir heer wasiir ah oo lagaga hadlayo ka hortagga wasakhaynta badda iyo sidii looga hortagi lahaa walxaha balaastigga ka samaysan oo khatar ku ah cimilada aduunka.

shirkan oo ay si wada jir ah u shir-gudoominayaan wadamada Ecuador, Germany, Ghana iyo Vietnam ayaa ka socon doona laba maalmood Xarunta WTO ee magaalada Geneva,iyadoo uu qabsoomi doono bilowga sanadka soo socda shir balaaran oo arrinkan lagaga xaajoon doono.