Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo ka qayb galay munaasabad lagu daahfurayay warbixinta maalgashiga Shiinaha ee Afrika

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane ayaa ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta maalgashiga Shiinaha ee Afrika.

Munaasabaddan oo ku qabsoontay aaladda fogaan aragga ayaa waxaa ka qeyb galay madax kala duwan oo ka tirsan dowladda shiinaha, ganacsato iyo Safiirrada waddamada Afrika u fadhiya Shiinaha.

Munasabadda oo uu soo agaasimay golaha gamacsiga dalka Shiinaha iyo Afrika ayaa waxaa looga dooday si gaar ah awoodda uu leeyahay Suuqa iyo kaalinta ganacsiga gaarka ah.

Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa ugu dambeyn bogaadiyay howlaha ganacsi ee ka dhexeeya Shiinaha iyo Afrika.