Madaxweyne Gudlaawe oo guddoomiyay shir looga hadlayay amniga Hirshabeelle

Madaxweyne Cali Gudlaawe Xuseen ayaa manta ka dhagaystay laamaha ammaanka ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle halka uu marayo amniga degaannada uu maamulkiisa ka arrimiyo iyo sidii loo laba jibbaari lahaa, kadib markii uu ka qeyb galay kulan ku saabsan nabad gelyada Hirshabeelle.

Kulankaan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka amniga gudaha Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka shabeellada dhexe, Taliyeyaasha ciidamada laamaha ammaanka iyo Saraakiisha AMISOM ayaa lagu gorfeeyay amaanka degaannada Hirshabeelle,fulinta howlgallo qorsheysan, adkeynta amniga musharraxiinta iyo xaqiijinta nabad-gelyada Magaalooyinka Jowhar iyo Beleddweyne oo kamid ah goobaha loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka Baarlamaanka.

Saraakiisha hay’addaha amniga ayaa madaxwaynaha la wadaagay howlgallo  qorsheysan oo ay sameeyeen ciidamadu si loo adkeeyo nabad gelyada Caasimadda iyo guud ahaan degaanada Hirshabeelle.