Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada

Golaha Wasiiradda XFS ayaa ansaxiyay Hindise-Sharciyeedka Fasaxa Dhismaha Soomaaliya oo uu horgeeyay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Xil. Maxamed Adaan Macalin (Soomaali).

Ujeedada Hindise- Sharciyeedka Fasaxa Dhismaha:

Wasaaradda Howlaha Guud iyadoo gudaneysa waajibkeeda shaqo ee kaga aadan xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxay ku talaabsatay sidii loo diyaarin lahaa Sharci Fasaxa dhismo loo dhan yahay.

Ujedkeed kiisuna yahay:

(a) Maareynta dhismooyinka si loo ilaaliyo caafimaadka iyo badqabka
dadweynaha.

(b) Dejinta Siyaasad hanaan sharciyeed lagu mideenayo sharciga dhismooyinka
dhismooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(c) Dejinta halbeegyo lagu yareynayo khataraha dhismooyinka ka imaan kara, sida liidasho farsamo, agabyada dhisamaha ee aan wanaagsaneyn, dumid dhismo, wax-yeeleyn noolol maalmeedka dadweynaha, fogeynta qashinka, iyo khataraha daadadka iyo nabaad guurka carrada.

(d) Dejinta hanaanka bixinta fasaxa dhismaha oo ay ku jiraan adeegsiga qaabab casri ah, sida e-permit.

(e) Dhiiragalinta maalgashiga gudaha iyo midka shisheeye ee dhismooyinka kaasoo u hoggaansan shuruucda, xeer nidaamiyaasha iyo halbeegyada quseeya arrimaha qorsheynta, ka faaiideysiga dhulka iyo deegaanka.

(f) Hirgelinta nidaam mideysan oo lagu maareynayo dhismooyinka dalka iyo bixinta ruqsadaha fasaxa dhismaha.

(g) Horumarinta dhismooyin wax tar u leh dadka iyo deegaanka.

(h) Ilaalinta iyo tixgalinta dadka baahyaha gaar ah qaba ee habka dhismaha.

(i) La qabsiga isbedela cimilada aduunka qaababka dhismooyinka.

(j) Ilaalinta dhismooyinka taariikhiga ah.

Faa’idada Hindise – sharciyeedka Fasaxa Dhismaha:

(1) Siyaasadaan waxay wax weyn ka badalaysaa baahida habraaca iyo fasaxa dhismo ee dalka ka jira, waxay tayeynaysaa adeegyada bulsho mid dhaqaale iyo waxqabadka xukuumada heerar keeda iyo laamaheeda kala duwan ee u kala baxan:
a. Heer Federaal,
b. Heer Dowlad Goboleed
c. Heer Dowlad Hoose

(2) Hindisahaan sharci waxa uu nidaaminayaa habraacyada iyo fasaxa dhismo ee farsamo ahaan loo baahan yahay iyo heerka darajo maamul ee uu dalka u bahaan yahay.

 

Duqa Caasimadda oo guddoomiyay shirka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka  ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay shirka Guddoomiyasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo galabta lagu qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay dar-dargalinta Amniga Caasimadda Nadaafadda iyo hormarinta adegyada loo qabto shacabka.

WararkaGudaha Wasaaradda Haweenka oo Magaalada Muqdisho ka Wadda ololaha wacyigelinta Cudurka COVID-19

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka wadda ololaha wacyigelinta Cudurka COVID-19.

Waddooyinka Magaalada ayaa la surey boorar waa weyn oo ka turjamaya ololaha Wacyi galinta, dadweynaha ayaa lagu boorinayaa in ay raacaan tilmaamaha bahda Caafimaadka si loo xakameeyo Feyraska.

Ololaha oo ay iska kaashadeen wasaaradda haweenka iyo hey’adda UNICEF Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa dadweynaha lagu dhiirigelinayaa qaadashada tallaalka Safmarka coronavirus.

Wasiirka Amniga Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidamada Nabad illaalinta AMISOM

Wasiirka Amniga Galmudug Mudane Axmed Maxamed Fiqi ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha ciidamada Nabad illaalinta AMISOM Lieutenant General Diomede Ndegeya iyo ku xigeenkiisa Maj. Generaal. William K Shume.

Wasiirka Amniga iyo taliska ciidamada AMISOM ayaa kulankooda iskula soo qaaday arrimo ku saabsan Amniga Galmudug iyo iskaashiga suurtagalka ah ee la xariirta la dagaalanka Argagixisada Shabaab, Amniga doorashooyinka iyo qodobo kale.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Bulshada oo bogaadisay dadaallada horumarinta adeegyada bulshada

Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Marwo Sahra Xaaji Xuseen ayaa boggaadisay dadaallada Horumarinta adeegyada Bulshada , xilli ay maanta Wasaaradda caafimaadka kala wareegtay gaadiid gurmadka deg degga ah oo loogu talagalay degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Gaadiidkan oo qeyb ka ah mashruuca Midowga Yurub iyo IGAD ee ka jawaabidda COVID-19 iyo saameynta uu ku yeeshay Caafimaadka iyo Dhaqaalaha , ayaa sidoo kale waxaa la gaarsiin doonaa deegaannada kale ee ku yaal xadduuda Dalka.

Marwo Sahro Xaaji Xuseen oo bogaadisay dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ayaa ku baaqday in la joogteeyo Wacyigelinta bulshada ee dhanka Caafimaadka iyo sidii looga hortegi lahaa cudurka COVID-19.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo u kuurgalay howlaha shaqo ee ka socda labadan hey’adood ee muhiimka u ah Nidaamka Maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud kuwaas oo faahfaahin ka siiyay nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka.

Maamulka Koofur galbeed oo wada kulamo ku saabsan qaadashada tallaalka Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka ee dowlad Goboleedka Koomfur galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ku qabatay manta kulan looga hadlaayo qaadashada iyo baahinta tallaaalka Coronavirus.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay sidii talaalka ka hortagga Cudurka Covid-19 loo gaarsiin lahaa dhamaan Degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Soomaaliya oo gadiid iyo agab Caafimaad kala wareegtay Urur gobaleedka IGAD

Urur-Gobaleedka IGAD oo kaashanayso Midowga Yurub, ayaa maanta ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Soomaaliya agab caafimaad oo isugu jira daawooyin iyo Saddex gadiidka gurmadka dega dega oo loogu talagalay magaalooyinka Tog-wajaale, Dhoobleey iyo Balad-xaawo oo dhammaan ku yaallo xuduudaha dalka.

Munaasabad oo ay ka qeyb-galeen Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin, Xildhibaanno, iyo madaxda urur gobaleedka IGAD, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNOPS ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Wakiilka IGAD u qaabilsan dhanka Caafimaadka Marwo Mariam Maxamed Aadan, ayaa Agabka Caafimaad ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaakda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin ( Dr Gurey), ayaa uga mahadceliyay Urur gobaleedka IGAD, Midowga Yurub iyo xafiiska Qaramada Midoobay deeqdaan ay soo gaarsiiyeen Soomaaliya.

Urur gobaleedka IGAD ayaa si dhow ula shaqeeyo hey’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ka taageero dhinacyada Awoodda Aqooneed ee shaqaalaha, dib u heshiista, Nabadda iyo dhinaca Ururada Bulshada rayidka iyo dhaqanka.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED CUMAR SAALIXI

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cumar Saalixi ayaa tilmaamay dadaalka Marxuumku uu ku bixiyey kiiska dacwadda baddeenna ee horyaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.
Madaxweynaha ayaa xusay taariikh nololeedka Marxuumka oo ku suntanaa dal jaceyl iyo howlkarnimo, taas oo ay ka mid tahay in Sarreeye Gaas Maxamed Cumar, Alle ha u naxariistee, uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin Wasiir Ku-xigeen, Hoggaanka Sahanka iyo Maababka Wasaaradda Gaashaandhigga, isaga oo hormuud u ahaa hirgelinta mashaariic horumarineed oo dalka laga fuliyey siddeetamaadkii.
“Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Saalixi waxaa uu laf-dhabar u ahaa dadaallada keydinta xogta dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, isaga oo ka soo qeyb-qaatay sameynta maabab dalku uu leeyahay, haatanna waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee difaaca kiiska dacwadda baddeenna ee hortaal Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u weydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Taalibaan oo sheegtay inay hareereysay gobolka kaliya ee ka soo horjeeda xukunkeeda

Taalibaan ayaa ku dhawaaqaday inay hareereesay gobolka kaliya ee ka soo horjeeda xukunkeeda, sida uu sheegay hogaamiye sare oo ka tirsan Arbacadii, isagoo ugu baaqay fallaagada inay wadahadal la galaan Taalibaan.

Tan iyo qabsashadii Kabul bishii Agoosto 15-keedii, gobolka buuraleyda ee Panjshir ayaa ahaa gobolka kaliya ee ka soo horjeeday Taalibaan, in kasta oo uu sidoo kale dagaal ka dhacay gobolka Baghlan ee dariska la ah oo u dhexeeyay Taalibaan iyo maleeshiyada deegaanka.

Ciidan uu hoggaaminayey Ahmad Mascuud, oo uu dhalay hoggaamiyihii hore ee caan ahaa ee la dagaallamay Taalibaan Ahmed Shah Masoud iyo dhowr kun oo ka tirsan malayshiyaadka dooxada Panjshir iyo sidoo kale haraadiga ciidankii Afghanistan ayaa la dagaallamayay Taalibaan.

Khudbad la duubay oo uu kula hadlaayay dadka reer Afgaanistaan ee gobolka Panjshir, ayaa hogaamiyaha sare ee Taalibaan Amir Khan Motaqi ugu baaqay in kooxda ka soo horjeeda ay dhigaan hubka.

“Imaarada Islaamiga Afghanistan waxay hoy u tahay dhammaan dadka reer Afgaanistaan,” ayuu yiri.

Kooxda Taliban ayaa cafis u fidisay dhammaan dadka reer Afgaanistaan ee la shaqeeyay ciidamada shisheeye 20-kii sano ee la soo dhaafay, laakiin dad badan oo ka baqaya aargudasho ayaa ku sii qulqulaya xudduudaha, iyagoo isku dayaya inay ka cararaan waddanka aan badda laheyn.

Motaqi wuxuu sheegay in Taalibaan ay dadaal badan samaysay si ay wadaxaajood ula gasho hoggaamiyeyaasha xoogagga mucaaradka ee Panjshir, laakiin wuxuu sheegay inaan wax natiijo ah laga gaarin, taas oo uu ku tilmaamay “nasiib darro”.

Taalibaan ayaa afarta dhinaca ciidammo ka dhigtay gobolka Panjshir, waxayna ugu baaqeen xoogagga ka soo jorjeeda inaysan jirin sabab ay u dagaallaamaan, maadaama sida uu Motaqi sheegay aan laga adkaan karin Taalibaan.