Wasiirka Amniga Galmudug oo Muqdisho kula kulmay Taliyaha Ciidamada Nabad illaalinta AMISOM

Wasiirka Amniga Galmudug Mudane Axmed Maxamed Fiqi ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Taliyaha ciidamada Nabad illaalinta AMISOM Lieutenant General Diomede Ndegeya iyo ku xigeenkiisa Maj. Generaal. William K Shume.

Wasiirka Amniga iyo taliska ciidamada AMISOM ayaa kulankooda iskula soo qaaday arrimo ku saabsan Amniga Galmudug iyo iskaashiga suurtagalka ah ee la xariirta la dagaalanka Argagixisada Shabaab, Amniga doorashooyinka iyo qodobo kale.