WararkaGudaha Wasaaradda Haweenka oo Magaalada Muqdisho ka Wadda ololaha wacyigelinta Cudurka COVID-19

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka wadda ololaha wacyigelinta Cudurka COVID-19.

Waddooyinka Magaalada ayaa la surey boorar waa weyn oo ka turjamaya ololaha Wacyi galinta, dadweynaha ayaa lagu boorinayaa in ay raacaan tilmaamaha bahda Caafimaadka si loo xakameeyo Feyraska.

Ololaha oo ay iska kaashadeen wasaaradda haweenka iyo hey’adda UNICEF Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa dadweynaha lagu dhiirigelinayaa qaadashada tallaalka Safmarka coronavirus.