Maamulka Koofur galbeed oo wada kulamo ku saabsan qaadashada tallaalka Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka ee dowlad Goboleedka Koomfur galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo ku qabatay manta kulan looga hadlaayo qaadashada iyo baahinta tallaaalka Coronavirus.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay sidii talaalka ka hortagga Cudurka Covid-19 loo gaarsiin lahaa dhamaan Degmooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.