Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo u kuurgalay howlaha shaqo ee ka socda labadan hey’adood ee muhiimka u ah Nidaamka Maaliyadda dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud kuwaas oo faahfaahin ka siiyay nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka.