Danjiraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Maalinta Afrika ee CIFTIS

Danjire Cawaale Cali Kullane Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dal waynaha Shiinaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Maalinta Afrika ee hoos yimaada CIFTIS isagoo ku hadlayay magaca Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen madax uu ka mid yahay ergeyga Dowladda Shiinaha ee Arrimaha Afrika Marwo Danjire Xu Jinghu, iyo in ka badan 30 diblumaasi oo matalayay safaaradaha afrika ee ka howlgala Shiina iyo madax kale, iyadoo halkaasna sidoo kale qudbad ka jeediyay Safiirka dowladda Ruwanda Amb. James Kimonyo

Safiir Cawaale Cali Kullane ayaa qudbaddiisa xoogga ku saaray muhiimadda ganacsiga sida waxbarashada online-ka ah, la -talinta ganacsiga, daryeelka caafimaadka iyo dalxiiska si loo baro muwaadiniinta gudaha ageegsiga tiknoolajiyada cusub iyo adeegsigeeda, sarana loo qaado wacyigooda aqooneed.

Danjire Cawaale Kullane ayaa sidoo kale soo bandhigay kartida Soomaaliya ee tamarta cadceedda iyo tamarta dabaysha, wuxuuna ku dhiirri-galiyay shirkadaha awoodda u leh adeeggan inay maalgashadaan Soomaaliya iyagoo la kaashanayo dadka Soomaaliyeed, ganacsatada waa wayn kuwa dhexe iyo kuwa yar yar intaba.

CIFTIS (China International Fair for Trade In Services) ayaa ah xarun ay taageerto dowladda Shiinaha iyadoo furitaanka xafladdan ee sanadkii hore uu ka qayb galay madaxweynaha dalka Shiinaha mudane Xi Jinping.

Maraykanka oo cuno qabateyn kusoo rogay xubno ka tirsan Sirdoonka Iraan

waaxda maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay inay cuno qabateyn ku soo rogayso afar xubnood oo ka tirsan laamaha sirdoonka ee dalka Iiraan,afarta qof ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen afduub muwaadin haysta dhalashada Maraykanka kaas oo asal ahaan kasoo jeeda Dalka Iraan, ninkan ayaa ka mid ahaa kooxaha dhaliila Xukuumadda Tehran.

Afarta qof ee Iiraaniyiinta ah ayaa bishii July magaalada New York lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin afduub qorsheysan oo loo geystay wariye aan la magacaabin iyo qof u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey sarkaal sare oo ka tirsan Sirdoonka Iraan kaas oo dusha ka hagayey hawlgalka sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Alireza Farahani.

Farhaani ayaa la sheegay inuu u xil saaran yahay beegsashada dadka ku nool dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Canada, iyo Imaaraadka Carabta ee mucaaradka ku ah Xukuummadda Tehraan.

Madaxweynaha ku-xigeenka Hirshabeelle oo lagu soo dhoweeyay Jowhar

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Mas’uuliyiinta madaxweyne ku-xigeenka socdaalkiisa ku wehlineysay waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo xubno kale, kuwaas oo jowhar u tegay dardar gelinta howlaha doorashooyinka.

Xubno ka socda Guddiga doorashooyinka heer federaal oo gaaray Jowhar

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka heer Federaal mudane Mowliid Mataan, ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiye Mataan iyo wafdigiisa ayaa magaalada Jowhar kulan kula qaatay guddiga maamulka doorashooyinka Hirshabeelle, waxaana sidoo kale, kulanka goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee madaxtooyada Hirshabeelle.

Xoghayaha guddiga doorashooyinka Hirshabeelle Maxamed Xuseen Xeyte ayaa soo dhoweyn ka dib, wuxuu warbaahinta u sheegay in Maalmaha soo socda la qabna doono doorashada xubnaha Aqalka sare ku matali doona Dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Ujeedka Guddigan gaaray magaalada Jowhar ayaa ah dardar-gelinta Arrimaha doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka dhaceysa magaalada Jowhar.

Mareykanka,Qatar iyo Turki oo ka wada shaqaynaya sidii dib loogu furi lahaa Garoonka diyaaradaha Kabul

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in ay si dhow uga la shaqeynayaan xulafadiisa Turkiga iyo Qadar sidii dib loogu furi lahaa  garoonka diyaaradaha Kabul “Waxaan si dhow ula shaqeyneynaa saaxiibadeenna Qadar iyo Turkiga si aan gacan uga geysanno in garoonka diyaaradaha ee Kabul uu u shaqeeyo oo uu u shaqeeyo sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu u sheegay wariyeyaasha wasaaradda Arrimaha dibadda xoghaye Blinken.

Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa lagu wadaa inay booqdaan beri dalka Qadar si wadajir ah si ay boqortooyada ugaga mahadceliyaan dadaallada ay ka wado Afghanistan.

Saraakiisha sare ee maamulka Biden ayaa ka tagi doona Washington Axadda, Blinken wuxuu sheegay inuu la kulmi doono hoggaamiyeyaasha Doha.

 

Safaaradda Soomaaliya ee Maraykan oo shaacisay inay bilowday bixinta Passporka Soomaaliga

Safaaradda Jammuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya ee ku taala magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka ayaa gobolka Minnesota oo ah gobol ay ku badanyihiin Soomaalida ka bilowday bixinta Passporka Soomaaliga.
Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa u qornaa sidatan:
“Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Maraykanka Washington D.C, waxa ay ugu bishaarayneysaa bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka minnesota iyo Nawaaxigeeda, in ay adeegga bixinta Baasaboorka Soomaaliga laga heli doona Minneapolis, Minnesota maalmo kooban sida hoos ku xusan:
Shurudaha Codsiga Baasaboorka
1 Buuxinta heshiiska Safaaradda ee codsiga Baasaboorka
2 Buuxinta nuqulka codsiga Baasaboorka
3 Baasaboorka nuqulkiisa, Grean-cardka ama sharciga/fiisihii ugu dambeeyey ee haysatid hadda.
4 Lacag bixinta oo qaab money order ah waa in lagu soo hagaajiyaa ama lagu qoraa”Somali Embassy” waana $380 oo ay ku jirto lacagta laguugu soo diraayo Baasaboorka.

Ciidamada amniga oo howlgal ka sameeyay magaalada Jowhar

Ciidamada amniga ayaa howlgal lagu xaqiijinayo amniga saakay waxay ka sameeyeen xaafadaha magaalada Jowhar gaar ahaan Xaafadda Hanti-wadaag oo xalay weerar bam loo adeegsaday uu ka dhacay.

Ciidammada ammaanka ayaa sameeyay baaritaanka, waxayna saaraakiisha hoggaamineysay howlgalka ay sheegeen inuu u dhacay sidii loogu talagalay, islamarkaana ciidamada amniga si wanaagsan ula dhaqmeen dadka deegaanka.

Howlgalka ayaa ku soo aaday, xilli xalay lagu dhaawacay saddex xildhibaan weerar bam ah oo lagu qaaday guri ay ka degenaayeen xaafada Hantiwadaag.

Magaalada Jowhar ayaa dhawaan martigelineysa doorashada xildhibaanada golaha Aqalka sare ku matali doona maamulka Hirshabeelle.

Xukuumadda New Zealand oo argagixiso ku tilmaamay fal lagu weeraray dad rayid ah

Ugu yaraan lix qof ayaa dhaawacmay, kadib markii nin ku hubeysan tooreey uu weerararay dad ku sugnaa dukaan weyn oo ku yaal magaalada Auckland ee dalka New Zealand, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Boliiska ee dalkaasi.

Booliiska New Zealand ayaa toogasho ku dilay ninkaasi kadib markii ay ku weerareen isla goobtii uu ka sameeyay falalkasi bahalnimada ah.

Ninka geystay weerarka ayaa la tilmaamay in uu sannadkii 2011 uu iska dhiiibay ama qaxooti ku tagay dalka New Zealand,isla markaana uu ka soo jeedo dalka Sri Lanka.

R/wasaaraha dalka New Zealand ayaa weerarkaasi ku tilmaantay fal argagixiso,inkastoo warar soo baxay goor hore ay sheegeen in falkaasi uusan lug ku laheyn argagixiso.

“Waxa maanta dhacay waa wax laga yaqyaqsoodo, waa nacayb, waa khalad,” ayay tiri R/wasaaraha Neew Zealand.

Ninkaasi ka dambeeyay falkaasi ayaa lagu waramay in uu taageersanaa kooxda Daacish

NISA oo war ka soo saartay kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo soo saartay warbixin ku saabsan kiiska gabadhii la weysanaa ee Ikraan Tahliil Faarax, oo u gacan gashay dhagar qabayaasha Al-Shabaab isla markaana ay dileen ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso.

Hoos ka akhriso warbixinta NISA

Ujeeddo: Warbixin iyo Tacsi.

Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo
Nabadsugidda Qaranka ayaa warkeeda la waysanaa ilaa 26/6/2021.
HSNQ dabagal ay samaysay oo muddo socday kadib, ayaa lagu helay warbixin
muujinaysa in ay u gacan gashay Argagixisada arxan laawayaasha ah ee Al-Shabaab, kadibna ay dileen.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gal-baariseedka kiiska Ikraan oo faah-faahsan ku wareejisay Hay’adaha ay khuseyso. Waxaa sidoo kale ay Hay’adda Sirdoonka Qaranku la wadaagtay warbixintan Qoyskeeda.
HSNQ ayaa uga tacsiyeynaysa qoyska, ehelada, iyo dhammaan xubnaha Hey’adda, falka foosha xun oo ay argagaxisada Alshabab ku dileen Marxuumad Shahiid Ikraan Tahliil. Ilaahay Ha u naxariisto.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa ku daba jirta dhagar qabayaashii geystay falkaas arxan darrada ah, sharciga ayaana la hor keeni doonaa Insha Allaah.
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 164 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 15 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 71 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland (73), Puntland (59), gobalka Banaadir (27), Jubbaland (4) iyo Koonfur Galbeed (1) qof ah, 91 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 73-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 17,630 waxaa bogsootay 8,604 Ruux. guud ahaan 992 ruux oo kale ayaa u geeriyootay Cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista Cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka Cudurka.