Safaaradda Soomaaliya ee Maraykan oo shaacisay inay bilowday bixinta Passporka Soomaaliga

Safaaradda Jammuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya ee ku taala magaalada Washington D.C ee dalka Maraykanka ayaa gobolka Minnesota oo ah gobol ay ku badanyihiin Soomaalida ka bilowday bixinta Passporka Soomaaliga.
Qoraal ka soo baxay safaaradda ayaa u qornaa sidatan:
“Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Maraykanka Washington D.C, waxa ay ugu bishaarayneysaa bulshada Soomaaliyeed ee Gobolka minnesota iyo Nawaaxigeeda, in ay adeegga bixinta Baasaboorka Soomaaliga laga heli doona Minneapolis, Minnesota maalmo kooban sida hoos ku xusan:
Shurudaha Codsiga Baasaboorka
1 Buuxinta heshiiska Safaaradda ee codsiga Baasaboorka
2 Buuxinta nuqulka codsiga Baasaboorka
3 Baasaboorka nuqulkiisa, Grean-cardka ama sharciga/fiisihii ugu dambeeyey ee haysatid hadda.
4 Lacag bixinta oo qaab money order ah waa in lagu soo hagaajiyaa ama lagu qoraa”Somali Embassy” waana $380 oo ay ku jirto lacagta laguugu soo diraayo Baasaboorka.