Ra’iisal wasaare Rooble oo shaqadii ka joojiyay agasimihii NISA,si kumeel gaar ahna u magacaabay agaasime cusub

-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Madaxweyne Farmaajo oo faray Fahad Yaasiin in uu sii wado hoggaaminta NISA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo markii uu arkay warqadda sumaddeedu ay tahay XRW/314/9/2021 ee uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ee ku saabsan shaqo ka joojinta Taliyaha HNSQ iyo magacaabista Taliye Kumeel Gaar ah;

Markii uu arkay; qodobada 87-aad iyo 90-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu yahay ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka, uuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida;

Markii uu arkay; qodobada 97-aad iyo 100 ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee JFS oo hagaya awoodaha Laanta Fulinta iyo Xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xilka-qaadista Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, taas oo ku eg talo-soojedin iyo fulinta howlaha horumarinta siyaasadda, dhaqaalaha iyo maamulka dalka,

Madaxweynaha Jamhuuriyada isagoo dareensan muhiimadda ay amniga dalka u leedahay hay’adda Nabad Sugidda iyo kaalinta ay kaga jirto ka hortagga khataraha argagaxisadu ku hayaan Soomaaliya iyo saaxibbada caalamkaba;

Madaxweynaha JFS oo ilaalinaya masuuliyadda ka saaran joojinta tillaabo kasta oo dhiirrigelin u noqon karta kooxaha arrgaxisada, wiiqaysana sumcadda iyo kaalinta shaqo ee laamaha amniga.

Wuxuu soo saaray qodobadan;

1. Go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble in uu yahay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka.

2. Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay.

3. Hay’adda Nabadda Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka waxaa la farayaa in ay horkeento Golaha Amniga Qaranka warbixinta laga sugaayay marka la muddeeyo kulanka ugu horreeya ee Golaha Amniga Qaranka.

4. Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu farayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Golaha Xukuumadda in ay si hufan u gutaan masuuliyadda ka saaran dhammeystirka hawlaha doorashooyinka.

Ra’iisal wasaare Rooble oo shaqadii ka joojiyay agasimihii NISA,si kumeel gaar ahna u magacaabay agaasime cusub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, waxa uuna si KMG ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Ra’iisal wasaare Rooble oo la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa la wadaagay ehelada dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadhooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay in ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo dadka aan waxba galabsan ee la afdduubtay.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo ka qeybgalay shir weynaha Shaqada Jaamacadda Carabta

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalay furitaanka shir-weynaha Shaqada ee waddamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar.

Shirka ayaa muddada uu socdo looga hadlayaa arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha,iyadoo diiradda la saarayo caqabadaha iyo horumarrada. Waxaa ka qeybgalaya dhammaan wasiirrada Shaqada ee waddamada Carabta.

Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi oo hadal la xiriirray shirka hab muuqaal ah ku soo gudbiyay, wuxuu ku tilmaamay shir weynaha inuu muhiimad u leeyahay muwaadiniinta Jaamacadda Carabta, isagoo hoosta ka xariiqay iskaashiga waddamada inay wax u tiri karto dadaallada lagu dhimayo shaqo la’aan.

Axmed Abul Gheit,Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Wasiirka Shaqada Masar,Maxamed Maxamuud Saafan iyo Agaasimaha Guud ee ururka Shaqaalaha Jaamacadda Carabta, Fayez Ali Al-Mutairi oo furitaanka shirka hadlay ayaa si isku mid ah u sheegay shirka in laga doonayo in lagu gaaro xal wada jir ah oo lagu dhimayo caqabadaha shaqo ee ka jira dalalka Carabta.

Docda kale, inta uu shirka socday wuxuu wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen kulan dooceedyo la yeeshay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta,Agaasimaha ururka Shaqaalaha Jaamacadda Carabta iyo wasiirrada dhiggiisa ah ee ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada dalalka, Masar, Qatar, Sacuudiga, Iraaq , Kuweit, Suudaan,Jordan iyo Marooko,iyadoo laga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga wax wada qabsi, horumarinta Shaqaalaha,barnaamijyada taageerraya shaqo abuurka,xirfadaha iyo maalgashiga.

Wasiirrada waddamada Qatar, Sacuudiga,Ciraaq iyo Kuweit ayaa casuumad rasmi ah u fidiyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, si dalalka ay uga taageeraan Soomaaliya mashaariicda shaqo abuur, tababarrada, xirfadaha muhiimka ah ee shaqada, taas wax ka tari karta amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Gabagabadii, wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo sheegay muddada uu socdo shirka inuu kullamo kale la qaadanayo qaar ka mid ah wasiirrada iyo ururrada shirka ka qeybgalaya, ururka Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carbeed uga mahadceliyay taageerrada ay Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed ku siinayaan dib u dhiska iyo horumarinta Dalka.

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo qudbad ku saabsan tamarta ka jeediyay machad TAIHE ee Shiinaha

Danjire Cawaale Cali Kullane safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa qudbad ku saabsan tamarta ka jeediyay machad TAIHE ee Shiinaha.

Danjiraha ayaa qudbaddan ka jeediyay dood-cilmiyeed oo soo abaabulay mahadka Taihe ee Shiinaha ayaa waxaa cinwaankeedu ahaa “Mas’uuliyadda iyo Fursadaha – Xoogga Teknolojiyadda ee kordhinta waxa ka dhasha Kaarboonka iyo isku dheelitirka Kaarboonka”

Doodaas oo ay kasoo qayb galeen madax ka socotay wasaaradda arrimaha dibadda ee shiinaha oo ka mid ahaa Kaaliyihii hore ee Arrimaha Dibadda Shiinaha Danjire Wu Hailong, sidoo kalena waxaa goobjoog ahaa Danjiraha Indonesia ee Shiinaha.

Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa soo bandhigay awoodda weyn ee tamarta nadiifka ah ee Soomaaliya leedahay wuxuuna xoojiyay muhiimadda ay leedahay in laga wada shaqeeyo xakameynta kuleylka adduunka heshiiskii lagu gaaray Paris ee ahaa 1.5 iyo 2.0 darajo boqolkiiba.

Mahadka Taihe ayaa ka mid ah macaahidda ugu muhiimsan ee aruuriya Cilmi-baarista isagoo caalamkana usoo bandhiga natiijooyinka laga helo cilmi baarista si aduunka nolol caafimaad ah ugu noolaado.

Guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka Qaranka oo doortay guddoomiye cusub

Xubnaha guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka ee heer federaal ayaa maanta doortay guddoomiye cusub ka dib doorasho ka dhacday magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa soo xaadiray 18-xubnood, waxaana xilka guddoomiyaha cusub ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka loo doortay Xuseen Maxamed Maxamuud oo helay 18-cod.

Doorashadan ayaa timid, ka dib markii guddoomiyihii hore ee guddiga xallinta khillaafaadka doorashooyinka Qaranka Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Abyan Nuur uu geeriyooday.

Ciidamada Sacuudiga oo ka hortagay 3- gantaal oo ka yimid dhanka Xuutiyiinta

Mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay ka hortageen saddex gantaal oo lala beegsaday magaalooyinka Najran iyo Jazan oo dhaca koonfurta iyo gobolka bari ee hodanka ku ah saliidda .

Isbahaysiga uu hoggaamiyo  Sacuudigu ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyay in kooxdaasi oo ay taageeraan  Iiraan ay ka dambeyeen gantaaladaasi oo ah nuuca Balistigga ah,hasa yeeshee ma jiraan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in gantaal  ku wajahnaa gobolka bari lagu qabtay magaalada Dammaam,isla markaana firirkisa uu geystay dhaawac soo gaaray laba caruur ah iyo burburka 14-guri,

Goor sii horreysay, isbahaysiga ayaa soo wariyay in ay ka-hortageen saddex diyaaradood oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuna sii jeeday Sacuudi Carabiya.

Ciidamada Sacuudiga oo ka hortagay 3- gantaal oo ka yimid dhanka Xuutiyiinta

Mas’uuliyiinta dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay inay ka hortageen saddex gantaal oo lala beegsaday magaalooyinka Najran iyo Jazan oo dhaca koonfurta iyo gobolka bari ee hodanka ku ah saliidda .

Isbahaysiga uu hoggaamiyo  Sacuudigu ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta Yemen ayaa ku eedeeyay in kooxdaasi oo ay taageeraan  Iiraan ay ka dambeyeen gantaaladaasi oo ah nuuca Balistigga ah,hasa yeeshee ma jiraan cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi.

wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in gantaal  ku wajahnaa gobolka bari lagu qabtay magaalada Dammaam,isla markaana firirkisa uu geystay dhaawac soo gaaray laba caruur ah iyo burburka 14-guri,

Goor sii horreysay, isbahaysiga ayaa soo wariyay in ay ka-hortageen saddex diyaaradood oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kuna sii jeeday Sacuudi Carabiya.

Ra’iisul wasaare Rooble oo faray Agaasimaha NISA in 48 saac gudohood uu ku soo gudbiyo warbixinta Ikraan Tahliil oo dhamaystiran

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Ikraan Tahliil Faarax isaga oo sheegay in uu murugada la qeybsanayo Ehelada iyo waalidiinta Ikraan.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in uu la socday Kiiska Ikraan, isla markaana uu waqti ku filan siiyay Hogaanka Hay’adda Nabad-sugidda si ay u soo gudbiyaan xog dhamaystiran oo lagu qanci karo balse aysan taa dhicin.

Waxa uu Ra’iisul Wasaraaha dalka sheegay in Xukuumaddda JFS ay waajib ka saaran tahay dhowiridda iyo ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in aan lagu qanci karin xogtii Hay’adda Nabad Sugidda, isagoo faray Agaasimaha NISA in uu 48 saac gudohood ku soo gudbiyo warbixin dhammeystiran, shacabkana ugu baaqay in ay is dajiyaan.