XIKMADO LAGA DHAXLAY FAYLASUUFIYADII DUNIDA SOO MARAY

  1. Qorrax-dhaca halkan waxay Qorrax soo bax u tahay dhinac kale oo Aduunka ka mid ah. Ha quusan sababtoo ah wax u muuqda dhamaad ayaa xaqiiqdii ah bilow cusub.

    2. Haddii aad adigu adiga noqoto, oo aanad isku dhererin ama la tartamin cid kale, waxaa hubaal ah in aad qof kasta tixgelin ka heli doonto. (Lao Tzu).

    3. Haddii aad dhamaytirnaan raadiso naftaadu abidkeed raalli noqon mayso. (Leo Tolstoy).

    4. Qof kastaa waa waxa uu isu ekeysiiyo, sidaa awgeed ka taxaddar waxa aad isu ekeysiinayso (Kurt Vonnegut).

    5. Qofka noloshiisu waxa ay qiimo leedahay inta uu qiimo ku kordhinayo nolosha dadka kale. waa jacayl, saaxiibtinimo iyo naxariis. (Simone de Beauvoir).

    6. Ogoloow in wax kastaa kugu dhacaan, samaan iyo xumaanba, laakiin yaanay kaa waabin in aad hore u sii socoto, adiga oo aan dareemayn in aad dhammaadkii joogto. (Rainer Maria Rilke).

    7. Deeqsinimada waxa aan u aqaannaa, marka uu qof waxa uu rabo ku ku bixiyo wax kasta oo qaali agtiisa ku ah, ee haddana uu weli aaminsan yahay, in qiime aad u yari kaga baxay (Simone De Beauvoir).

    8. Ma jiro qof weli faqiir ku noqday wax uu bixiyey awgii. (Anne Frank).

    9. Qof kasta masuuliyad akhlaaqeed ayaa ka saaran in uu caasiyo sharciyada caddaalad darrada ah. (Martin Luther king Jr.)

    10. Haddii aanad adigu Istaraatijiyad lahayn, waxaad qayb ka noqonaysaa Istaraatijiyad qof kale dejistay. (Alvin Toffler).

    11. In sida aad tahay iyo itaalkaaga, u noolaato nusqaaniba ha ku jirto ee, ayaa ka fiican in aad ku noolaato iska-yeel-yeelka nolosha qof kale, xitaa haddii ay dhamaystiran tahay. (Bhagavad Gita).

    12. Caruurta quluubtoodu waa nadiif laakiin dharkooda ayaa wasakh ah, dadka waaweyna dharkooda ayaa nadiif ah, laakiin qalbiyadoodu waa wasakh, kuwo Allah (sw) badbaadiyay mooye.

    13. Awood uma lihid  inaad bedesho  muuqaalkaaga si aad u noqoto kan dadka ugu quruxda badan, laakiin waxaad awood u leedahay inaad bedesho dhaqankaaga si aad u noqoto kan dadka ugu akhlaaqda wanaagsan.

    14. Ha isku mashquulin hana ka fekirin gefkii shalayto, waayo berri waa fursad kale oo aad ku sixi kartid intii shalay qabyada kaa ahayd.

    15. Ha ku dadaalin inaad dhisato guri weyn oo aad ku noolaato, laakiin ku dadaal inaad dhisato guri aad ku noolaato oo xasiloon oo ay ka dhex iftiimayso akhlaaq wanaagsan iyo Allah ka cabsi;.

    16. Tartanka u dhaxeeya Libaax & Deero, marar badan waxaa guuleystay Deerada sababtoo ah Libaaxa wuxuu u ordayay oo keliya cunto, Deeraduna waxay u ordeysay Nolol. Xusuuso: Ujeedo (hadaf) ayaa aad uga muhiimsan Baahida. Ha noqon qof cunto keliya u orda;.

    17. Ha ku raacin muuqaal, way ku qaldi karaan. Ha ku raacin dhaqaale, wuu dhamaan karaa. Dooro qof farxad kuu keeni kara sababtoo ah dhoolacadeyn keliya ayaa maalin mugdi ah ka dhigi karta iftiin;.

    WQ; Cabdisalaan Maxamed Yaasiin (Sadiiq)

WAA IN AAD GUUL KA GAARTAA DHANKA DHAQAALAHA IYO NOLOSHA

Samee hadaf dhaqaale ama maaliyadeed (Gool):-

Taa macnaheedu waa in aad lahaataa hadaf (gool) dhaqaale oo sanadle ah, mid labo sano ah, mid Shan sano ah, adigoo adeegsanaya qiyaas tirsamaysa iyo mudo go’an.

sanad kadib meeqa ayaad rabtaa in ay hantidaadu gaarto? laba sano kadinna? shan sano kadibna?

Tusaale ahaan waxaan rabaa in aan sanadkan shaqeeyo 5000$ ama waa in aan gataa guri, ama beer, ahdaaftan waa kuwo la qiyaasi karo.

Marwalbo oo uu hadafkaaga sareeyo oo aad kafakareyso dhaqaalahaada uu sara u kacaa waxaa aad hiigsaneyso waad garan kartaa .

Dakhligaaga billaha ah laba jibaar:-

 Waa in aad qorsheyaasa in aad laba jibaarto dhaqaalaha ku soo gala bishii ama dakhligaaga billaha ah sadexdii sano ba mar, oo hadii bishii aay ku soo geli jirtay 200$ sadex sano kadib waa in aad gaarsiisaa 400$, hadii kale waa tahay nin fashilmay {aan guulaysan}

Marwalba oo aad qorsheeso in aad laba jibaarto dhaqaalaha ku soo gala  oo aad wax meel ka dhigato,       waxa aad gaareysaa hadafka aad kaleedahay dhaqaalaha oo haddii ay ahaan laheed in aad noqoto milyo neer ama sikale oo aad u isticmaasho dhaqaalaha sanadlaha ama bilaha ku soo gala.

Laban lab hantidaada :-

 Hanta guud eed haysato waa inaad labo laabtaa shantii sanoba mar , manta hantidaadu meeqa ayeey dhan tahay? shan sano kadib waa in ay labo lab noqotaa , tani waa qiyaasta ugu yar ee guusha maaliyadda.

Marwalba oo aad kafakarto laba laabidda daqliga ku soo gala waxa aad gaareysaa hadafka aad markaas hiigsaneyso sababtoo marwalba oo aad laba laabto hantidaada waxa aad noqoneysaa qofka yoolkiisa kadhabeeyey oo meeshii uu hiigsanaayey gaaray.

Bixi sadaqo joogto ah:-

Bixi sadaqo joogto ah :  waxaa fiican inay leedahay waqti go’an sida sadaqo maalinle bille, ama todobaadle ah,

“ sadaqo maal ma nusqaamiso “ sidaa waxaa yiri xabiibkeena muxamad (scw), sadaqadu waxay damisaa carada rabi, waxa barakaysaa maalka, waxay celisaa balaayadda.

Kadhig sadaqadaada mid joogto ah oo le waqti , xabiibkeenu ( scw ) wuxuu yiri : “ camal waxaa ugu khayr badan kan joogtada ah haba yaraadee “ .

Marwalba oo aad sadaqada baxsato waxa aad faa’iideysaa ajar farabadan oo xagga Allah kuu jiro sababtoo ah sadqada waxbadan ayey faa’iido u tahay oo ay kamid yihiin in ay cadowga kaaxijaabto, sharta laguu maleegaayo aad kaga bad baado sadqada iyo waxwalba oo shar ah ayey kaadifaaceysaa.

Sadaqada aad baxsaneyso waa in aysan kaa noqon istus tus sababtoo sadaqada waxaa loo baahan yahay in ay noqoto mid adiga kuu qaas noqoto uu Alle aaqiro ajarkeeda ku siiyo.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

WAXTARKA IYO NAFAQADA BASASHA LAGA HELO

Basasha waxa ay ka mid tahay khudaarta aan beerano wayna kala duwan yihiin xagga muuqaalka , dhadhanka iyo urtaba, waxaana laga helaa wadankeenna dhammaan noocyada ay ka kooban tahay, balse waxaa ugu wanaagsan midda dhuu-dhuuban lehna kuleylka, caalamkana wuxuu isticmaali jiray muddo dheer.

Sida lagu sheegay qur’aanka kariimka marka uu ka hadlayay NABI MUUSE (CS) qoomkiisa in ay ku yidhaahdeen ALLE noo waydii waxa aan beeranno sida bashasha , waxa sidoo kale ay ku wayneed basashu faraacintii MASAR oo ay ku wareejin jireen11 gidaarka AHRAAMTA ku jirta waxayna marin jireen taaso ay rumaysnaayeen in ay durbadiiba naqaska ka soo saarayso marka dib loo soo nooleeyo, dhakhaatiirtooda waxay cuno ugu dhigi jireen dadka ka shaqeeya AHRAAMTA si ay daalka ugu ilaaliso.

Haddaba waxaan ka hadalnay waxtarka ay leedahay basashu oo quburo fara badan caalamka daafahiisa ku noolna wax ka qoreen, balse haddii aan eegno khuburadii hore waxay wax ku dawayn jireen dhirta cayriin ah iyo iyadoo bisil intaba waxtar wayn ayay u leedahay aadamigu sida iyadoo ka hortagta waxyeelada biyaha iyo difaaca sunta, dheefshiidkana way xoojisaa.

Sido kale, waxa loo qaataa xoojinta taranka, balqamka way kala goysaa, guntima guntimadu dhiigana ama xir-xiranka dhiiga ku dhaca halbowlayaasha way fur-furtaa, karinta basasha waxaa lagu daweyaa qufaca, xabad xiranka waliba waxay wax ka tartaa dhabar xanuunka, miska xanuunka, biyaha basasha iyo malabka marka laysku daro oo lagu qoosho indha kuusho waxay wax u tartaa indhaha oo daciifa iyo biyeynta indhaha, sidoo kalana  laguna dhibciyo biyaheeda dhegaha maqalkooda yaraada ama malaxi ay keento iyo daadka ka yimaada dhegaha intaba dawo ayay u tahay.

Basasha waxay furtaa cuntada waxay wanaajisaa dhadhankeeda waa marka hilib lagu kariyo, waxey dawo u tahay cagaarshowga kaadidana way badisaa, dhagaxaantana way burburisaa, caado xiranka dumarkana waa loo qaataa.

Inta la soo sheegay waxaa laga helaa basasha marka la kariyo ama marka la huuriyo, NABI MOHAMED (CSW) waxaa uu yiri in la kariyo ayaa wanaagsan oo waxay baabi’isaa karinta urteeda, waliba waxa u sii raaciyay qofkii soo cuno basal cayriin ah ama toon yuusan noo imaan masjidka.
sidoo kale waxaay u wanaagsan tahay calool xanuunka, waxaay badisaa dhiiga cas ee bini’aadamka.
Faa’idooyinka Basasha intaa laguma soo koobi karo, iyadoo inta badan nooca casaanka ah la kariyo kan caddaanka ahna sidiisa loo isticmaalo waxaana lagu dhex cunaa noocya khudaar ah iyagoo lagu darro liin dhanaanta.

WQ: Cabdiweli Axmed Daljir

SABABIHII BURBURKA SOOMAALIYA (Qeybtii 4aad)

Ka hor intii aanay ciidamada soomaaliya ka soo bixin dhulkii ay ka qabsadeen Itoobiya ayaa waxaa shir hiillo afka ah waxaa qabtay ururka Jaamacadda Carabta oo uu horboodayey Madaxweynihii dalka Masar Anwar Al sadaat wuxuuna ku baaqay dowladda soomaaliya in ay dhammaan ciidamadeeda ka saarto dhulka ay ka qabsatay Itoobiya isagoo ka doigaya qatarta ku soo fool leh ee huwanta WARSAW ee ay hor socotay dowladdii Ruushka .

Sadat wuxuu ka cabsaday in Soomaaliya laga qabsado dhul iyo ciidan laguna wareejiyo Itoobiya oo weliba u badan dhulka hadda lagu magacaabo Somaliland .

Maadaxweynihii Soomaaliya ee xilligaas Maxamed Siyaad Barre wuu aqbalay arrintaas maadaama aysan jirin Soomaaliya meel kale oo ay ka heleyso hub iyo saanad militari maadaama Ruushka u uku wareegay dhinaca Itoobiya .

Lagama fiirsan xilligaas in tartiib ah loola heshiiyo Ruushka farsamana lagu saaro ama ay ku joogaan wuxuuna xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayaana ku baaqay in Kuuba iyo Ruushka ay dalka isaga baxaan.

Si degdeg ah ayey ku baxaeen laakiin hub iyo awood militari ayey ku wareejiyeen Itoobiya si fiican ayeyna ugu dhiseen ciidanka si ay isaga caabbiyaan ciidamada soomaaliya ee ku teedsan xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxay ciidamada Soomaliya hubkii cuslaa uga soo tageen gudaha itoobiya magaalooyinka kala ah: Qabridaharre, Godey, Jigjig aiyo Dhagaxbuur.

Hub gacmeed badan ayey la soo lugeyeen waxayna habqankoodii la soo galeen degaanka soomaalida.

Hub badan ayey ka gateen shacabkii iyo dadkii reer miyiga ee degaanka Soomaalida iyo kuwii gudaha Itoobiya maadaama ay ahaayeen ciidamo soo jabay oo cago jiid ah si ay nafta ugu ceshadaan.

Masaafo dheer ayey soo lugeeyeen mana helin taakuleyn waxayna murugo iyo qalbi xumo ka qaadeen duullaankii hore ee ay ku qaadeen Itoobiya .

Saraakiil mucaarad ah ayaa ka sameysmay ciidanka soomaalida gudihiisa waxaana si qalad ah lagu laaayey ciidamo kala duwan oo isugu jira dabley , alifley, saraakiil xigeen iyo saraakiil kuwaas oo lagu dilay inta u dhaxeysa Jigjig aiyo Hargeysa.

Waxaa qalbigooda laga saaray qaranimadii iyo daacad u shaqeyntii mar haddii geesiyaal ay jecel yihiin ciidamada hortooda lagu dilay waxaana ciidamada dhexdooda ka abuurmay mucaarad xoog leh oo ka soo horjeeda dowladnimada waxaana la sii abuuray magacyo saddex saddex xaraf ah oo qabiilka ku shaqeeya oo laga dhigay qaab jabhadeed.

Waxaa xoogeystay mucaaradkii dowladda gudaha iyo dibedaba hubka iyo tababaradana waxaa ka kaalmeeynayey dowladda Liibiya oo ay isku dhaceen dowladda Soomaaliya waxayna saldhigyo ka dhigteen gudaha Itoobiya , gudaha soomaaliayana waxay ka qoran jireen ciidanka ay u baahan yihiin .

Aakhirkii waxaa fakaday saraakiil sarsare oo dowladda xuddun u ahaa kuwaas oo ku biiray mucaaradka , dowladina waxay bilowday in ay qaab qabiil ula dagaasho .

Ma habbooneyn in qaabkaas loo wajaho mucaaradka mana aheyn in siyaasi dan leh dartiis loo beegsado beel soomaaliyed oo qeyb ka ah qaranimada soomaaliya waxayna xaaladdaasi gaaraty in ciidamadii dowladda ku duulaan gobolo iyo degmooyin soomaaliyeed iyadoo lagu weerarayo hubkii ay wax ku lahaayeen.

Waxaa fashil ku noqday dowladda , dhibaatadii jirtayna sii kordhiyey weerarkii ay ciidamada dowladda ku qaadeen degaanadii ay ka soo jeedeen mucaaradka.

Waxaa lagu amaray saraakiisha ciidamada in ay burburiyaan waxyaabaha aasaaska u ah nolosha dadka sida duminta baraagaha , duminta ceelasha biyaha , qalashada xoolaha iyo fara xumey degaanadaa gabdhaha loogu geysanayey kuwaas oo lagu abuuray dowlad naceyb ka dibna gacan siiyey mucaaradka.

La soco qeybta Shanaad

W/Q: Abwaan Gabayre

DHOWRISTA DEGAANKA WAA MID LOO BAAHAN YAHAY

Marka la eego sida loogu baahan yahay dhowrista degaanka iyo dhirta waa mid uusan ka maarmin noolaha oo dhan oo ku tiirsan dhirta .

Waxtarka geeduhu waa mid aad u sarreysa marka aan ka soo qaadno sida loogu isticmaalo nolosha adduunka waxaa laga helaa faa’idooyin isugu jira in la harsado oo cadceedda laga harsado, dugsi laga dhigto marka ay dabeylo kacaan.

Meeliba Meesha ay ka geedo badan tahay waa ka nimco iyo barwaaqo badan tahay waxaana laga helaa dhismaha guryaha laga dhisto , daaqa xoolaha ay daaqaan si cad iyo caano looga helo, miraha laga gurto geedaha laftooda iyo dabka oo laga soo saaro siiba nooca madagta loo yaqaano.

Meeshii geeduhu ku yaallaan oo dhirtu ku badan tahay xilliga xagaayaha iyo roobabka dabaylo kama kacaan, meeliba Meesha ay ka deegaan wanaagsan tahay wey ka nolol wanaagsan tahay.

Dadka reer guuraaga ah waxay ku ootaan guryaha iyo xoolaha si aan dugaagu ugu soo dhicin waxaana harsada dadka, xoolaha iyo duurjoogta waxayna ka helaan nolol wanaagsan.

Xooluhu wey ku naaxaan Meesha degaankeedu marka uu roobsato xooluhu aad ayey ugu cayilaan waxaana laga helaa waxyaabo kale oo lagu nafciyo , xoolihii oo caano iyo subag badan laga helo iyo dadka oo aad ugu noolaada.

Degaanku waa mid aad faa’ido u leh marka la ilaaiyo , dad ayaase jira nabaadguur ku sameeya degaanka taasina ma aha arrin wanaagsan ee waxaa wanaagsan in loo ilaaliyo degaanka sida loo ilaaliyo xoolaha iyo beeraha sababtoo ah haddii aan geedo jirin lama helayo daaq wanaagsan iyo dhul bacrin ah waxaana dhulka ka soo saara macdanta iyo kheyraadka aadka u faraha badan waa geedaha iyo roobka , dhirtaas oo ah mid noocyo fara badan u kala baxda .

Qaar waxaa laga goostaa tiirarka guryaha lagu dhisto, alwaaxda iyo looxaanta kuwa laga sameeyo ,

Xagga magaalada waxay faa’ido u leedahay dugsiga degaanka si aysan dabaylo uga dhicin, xoolaha oo marka ya soo daaqaan lagahelo caano iyo hilib , dhuxusha iyo dhamaan tiirarka lagu dhiso guryaha carshaanta ah.

Xagga miyiga waxay ka helaan marka ay dhirtu barwaaqowdo xoolaha ayaa ku naaxa daaqa , xeryaha ayaa lagu oodaa si aan bahalku u cunin , beeraha ayaa iyagana lagu oodaa si aan duurjoogta iyo xooluhu u cunin.

Tiirarka iyo dhigaha aqalada ayaa la sameeyaa, meyraxdana waa laga diirtaa.

Si kastaba ha noqotee, geeduhu waa kuwa ugu nafciga badana adduunka waxaana dhibaato in dhirta la jaro ama la gubo oo la xaalufiyo degaanka.

Miyi iyo magaalaba waa kuwo aan laga maarmin oo ay si weyn ugu tiirsan tahay nolosha aadanaha waana in la ilaaliyo dhirta maadaama ay leedahay faa’idooyinkaas waaweyn ee aan soo sheegnay.
WQ : Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

Saldhiga Booliiska Magaalada Dhuusamareeb oo dib u dayactir lagu sameeyay

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad goboleedka galmudug sida Xildhibaano, wasiiro, Maamulka Degmada, Saraakiil Booliis iyo Ururada Xaafadaha Dhuusamareeb ayaa ka qeyb galay Munaasabada  Xarig looga jarayay Xafiisyo cusub  oo lagu soo kordhiyay Saldhiga Booliiska Dhuusamareeb, isla markaana ka kooban xafiisyo gaar ah oo uu ku shaqeynayo taliska Saldhiga kuwaa dib u dayactir lagu sameeyay

Taliyaha Saldhiga Booliiska, G/le Maxamed Xasan warsame ayaa ugu horeyn Xafiiska kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta ka qeyb galay Xaflada, waxa uuna umahadceliyay Bulshadii gacanta ka geyssatay hirgalinta dhismaha Xafiiskan Cusub

G/sare Khaliif Abdulle Maalin, Taliyaha Qeybta guud ee Booliiska Galmudug ayaa Masuuliyiinta ka qeyb galay kulanka ka Cod saday in si wada jir ah looga qeyb qaato dhismaha Xabsi Cusub oo uu yeesho Saldhiga, taasoo uu sheegay in baahi weyn looqabo

G/sare Khaliif Abdulle Maalin, Taliyaha Qeybta guud ee Booliiska Galmudug ayaa Masuuliyiinta ka qeyb galay kulanka ka Codsaday in si wada jir ah looga qeyb qaato dhismaha Xabsi Cusub oo uu yeesho Saldhiga, taasoo uu sheegay in baahi weyn looqabo.

Wiil oo uu dhalay madaxweynihii hore ee Liibiya oo xabsiga laga sii daayey

Wiil oo uu dhalay hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mucamar Al -Qadaafi ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Tripoli, sida ay sheegeen ilo -wareedyo amni.

Al-Saadi Gaddafi, oo 48 jir ah ayaa  waxa lagu sii daayay go’aan ka soo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Liibiya iyo ansixinta Ra’iisul Wasaare Abdul Hamid Dbeibeh.

Al-Saadi,ayaa ahaa maareeyaha dhaqdhaqaaqyada isboortiga dalka xilligii Qaddaafi isaga oo sidoo kale ka ciyaarayay kooxda kubadda cagta qaranka Liibiya.

Turkiga oo cambaareeyey talaabada ay ciidanku xukunka uga tuureen madaxweynihii dalka Guinea

Dowladda Turkiga ayaa cambaaraysay talaabadii Militariga Dalka Guinea xukunka kaga tuureen madaxweynihii dalkaas Alpha Conde.

“Turkigu wuxuu ka soo horjeedaa isku dayada lagu doonayo in si sharci darro ah loogu beddelo xukuumadihii la soo doortay,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga, iyadoo intaas ku dartay inay si aad ah uga welwelsan tahay xaaladda.

Ciidamada gaarka ah ee Guinea ayaa Axaddii afgembi sameeyay, iyagoo xiray madaxweynaha, kacdoonkii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ee ka dhacay waddanka saboolka ah ee Galbeedka Afrika.

Sarkaal u hadlay Ciidanka ayaa sheegay in la xiray xuduudaha dhulka iyo hawada ee Guinea isla markaana la kala diray dowladda.

Midowga Afrika oo cambaareeyay afgembigii ka dhacay dalka Guinea

Midowga Afrika ayaa cambaareeyay afgembigii milateri ee ka dhacay dalka Guinea, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo sii daayo Madaxweyne Alpha Conde.

Bayaan ay si wada jir ah usoo saaareen madaxweynaha Midowga Afrika, Felix Tshisekedi, iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki ayaa looga horyimid tillaabada ay qaadeen ciidanka dalka Guinea.

Bayaan ayaa ugu baaqay golaha  nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika in ay yeeshaan kulan degdeg ah oo looga hadlayo xaaladda cusub ee Guinea, si looga qaaato go’aan ku habboon.

Ciidamada dalka Guinea ayaa shalay ku dhawaaqay inay xireen madaxweynihii dalkaas, iyagoo sidoo kalena  joojiyay shaqadii xukuumaada iyo dastuurkii dalka.

Wargalin muhiim ah

Dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Pakistan waxaa lagu wargalinayaa laga bilaabo 6 September, 2021 kuna beegan Isniinta beri ah ay safaaraddu xerantahay ilaa 12 September, 2021. Sababa la xiriira caabuqa COVID-19 oo mar kale si xowli ah ugu soo laabtay dalkan Pakistan, sidoo kale waxaa warqad sumadeedu tahay NO. 1(135)-HC(G)/2021, oo ka soo baxday dowladda Pakistan ay amraysaa in la xero goobaha la iskugu yimaado si loo xakameeyo fiditaanka caabuqa COVID-19. Sidaa darted, Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan waxa ay Jaaliyadda Soomaaliyeed faraysaa in ay taxadaraan kana fogaadaan goobaha la iskugu yimaado ee sida fudud la isugu gudbin kara caabuqa COVID-19. Sidoo kale wixii xaalad degdeg ah waxaad kala soo xiriiri kartaan Telephone-nada Safaaradda iyo email-lada Safaaradda. Waxaana dib loo furayaa Safaaradda maalinta isniinta oo ku beegan 13 September, 2021. Muwaadin fadlan ilaali Habraaca caabuqa COVID-19 ee waxyeeladda badan. COVID-19. Dhamaad.