Wargalin muhiim ah

Dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Pakistan waxaa lagu wargalinayaa laga bilaabo 6 September, 2021 kuna beegan Isniinta beri ah ay safaaraddu xerantahay ilaa 12 September, 2021. Sababa la xiriira caabuqa COVID-19 oo mar kale si xowli ah ugu soo laabtay dalkan Pakistan, sidoo kale waxaa warqad sumadeedu tahay NO. 1(135)-HC(G)/2021, oo ka soo baxday dowladda Pakistan ay amraysaa in la xero goobaha la iskugu yimaado si loo xakameeyo fiditaanka caabuqa COVID-19. Sidaa darted, Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan waxa ay Jaaliyadda Soomaaliyeed faraysaa in ay taxadaraan kana fogaadaan goobaha la iskugu yimaado ee sida fudud la isugu gudbin kara caabuqa COVID-19. Sidoo kale wixii xaalad degdeg ah waxaad kala soo xiriiri kartaan Telephone-nada Safaaradda iyo email-lada Safaaradda. Waxaana dib loo furayaa Safaaradda maalinta isniinta oo ku beegan 13 September, 2021. Muwaadin fadlan ilaali Habraaca caabuqa COVID-19 ee waxyeeladda badan. COVID-19. Dhamaad.