Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo booqasho ku jooga magaalada Qaahira ayaa kulan gaar ah la qaatay dhiggiisa dalka Masar, Maxamed Saafan
kulankaa oo uu goob-joog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Ilyaas Sheekh Cumar ayaa looga hadlay dhowr arrimood oo dan guud ah iyo siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga Masar iyo Soomaaliya ee dhinacyada Shaqada iyo Horumarinta Bulshada.

Wasiir Cabdiwahaab Ugaas ayaa sheegay kulankan oo xoojinaya xiriirka labada dhinac inuu sidoo kale ka helay dhiggiisa Masar ballan-qaad la xiriira dhammaan dhinacyada ay taageerrada uga baahantahay Soomaaliya si dib loogu dhiso hay’adaha dowliga ah loona soo celiyo xasilloonida bulshada.

labada dhinaca ayaa isku raacay in la sii wado wadatashiga iyo isku xirnaanta labada dhinac si loo daboolo danaha horumarineed ee bulshooyinka labada dal.

Wasaaradda arimaha dastuurka XFS oo Dhuusamareeb ka daah furtay shirka wadatashiga dastuurka dalka

Wasaaradda arimaha dastuurka dowlada Federaalka Soomaaliya oo kaah-shaneysa Wasaaradda dastuurka Galmudug ayaa maanta Magaalada Dhuusamareeb ka daah furay  wadatashi iyo aragti wadaag  socon doona mudo sadax maalmood ah, kaasi oo ku saabsan wacyigalinta dib-u-eegista dastuurka, gaar ahaan bandhiga baahinta warbixinta dib u eegista dastuurka ee la uruuriyay intii u dhexeysay ( 2017-2020 )

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dastuurka Galmudug, Omar Ahmed Sheikh Adan oo ugu horeyn wadatashigan u furay xubno laga soo uruuriyay qaybaha kala duwan ee Bulshada ayaa xusey in ujeedada wadatashigan tahay sidii bulshada loo gaarsiin lahaa waxa qabsoomey mudadii lasoo wadey xog uruurinta, isla markaana loo heli lahaa heshiis bulshadu u dhantahay oo ku qotoma, shareecada Islaamka, dhaqanka suuban iyo xeerarka caalamiga ah.

Turkiga oo badbaadiyay 95 ruux oo magangalyo doon ah.

Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyay 95 ruuuc oo magangalyo doon ah,ka dib markii Ilaalada Xeebaha Giriigga ay si qasab ah dib ugu soo celiyeen biyaha badda Turkiga ee Aegean Sea,sida ay xaqiijiyeen  ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo soo baxay manta.

Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyey 21 magangalyo doon ah oo ku jiray biyaha badda ee Aegean,halka 74 muhaajiriin oo kale laga soo badbaadiyay degmada Foca ee gobolka Izmir, kadib markii ay dib u soo celiyeen Ilaalada Xeebaha Giriigga.

Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa tahriibayaasha  doonaya inay u gudbaan Yurub si ay u helaan nolol cusub, gaar ahaan kuwa ka soo cararaya dagaallada iyo cadaadiska.

Turkiga, waxa uu  horey u martigeliyay 4 milyan oo qaxooti ah, axaana xilligaan dal kasta uu ilaalo ka hayaa xuduudihiisa, si looga hortago qulqulka muhaajiriinta cusub.

Maxkamadda darajada koowaad ee Gaalkacyo oo xukuno ku riday seddex ruux oo eedaysanayaal ah.

Maxkamada darajada koowaad ee dagmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa xukun isugu jira ganaax lacageed iyo xabsi ku riday saddax ruux oo ku eedeeysnaa ka ganacsiga khamriga kuwaas oo ay ciidamada amniga Puntland kasoo qabteen Dagmada Jarriiban ee gobalka Mudug.

Xeer ilaaliyaha gobalka Mudug ee Puntland Cabdifitaax Maxamed Aadan ayaa maxkamada ka hor akhriyay eedeeymaha loo heysto sadaxda dhalinyaradaa ee maxkamda la horkeenay
eedeeysanyaasha oo maxkamada horteeda ka hadlay ayaa qirtay in ay galeen danbiga lagu soo eedeeyay iyagoona codsaday in xukunkooda loo khafiifiyo.

Intaasi kadib gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee dagmada Gaalkacyo Cabdinaasir Maxamed Cali ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamada sidoo kale xafiiska xeer ilaalinta gobalka Mudug ayaa maxkamada darajada koowaad ee gobalka Mudug horkeenay saddax eedeeysane kuwaas oo ay xeer ilaalintu kusoo eedeeysay in fal kufsi ah ay ka geysteen deegaanka Bacaadweyn ee dagmada Galkacyo ee Puntland iyadoona xeer ilaaliyaha maxkamada gobalka Mudug Cabdifitaax Maxamed Aadan uu soo oogay kiiska loo heysto.

Dood dheer kadib gaba gabadii gudoomiyaha maxakamada darajada koowaad ee dagmada Gaalkacyo cabdi naasir maxamed cali uu ku dhawaaqay xukunka iyadoona lagu xukumay dil toogasho ah.

Turkiga oo badbaadiyay 95 ruux oo magangalyo doon ah

Ciidamada ilaalada xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyay 95 ruuuc oo magangalyo doon ah, kadib markii Ilaalada Xeebaha Giriigga ay si qasab ah dib ugu soo celiyeen biyaha badda Turkiga ee Aegean Sea,sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo soo baxay manta.

Ilaalada Xeebaha Turkiga ayaa badbaadiyey 21 magangalyo doon ah oo ku jiray biyaha badda ee Aegean,halka 74 muhaajiriin oo kale laga soo badbaadiyay degmada Foca ee gobolka Izmir, kadib markii ay dib u soo celiyeen Ilaalada Xeebaha Giriigga.

Turkiga ayaa marin muhiim ah u ahaa tahriibayaasha doonaya inay u gudbaan Yurub si ay u helaan nolol cusub, gaar ahaan kuwa ka soo cararaya dagaallada iyo cadaadiska.

Turkiga, waxa uu horey u martigeliyay 4 milyan oo qaxooti ah, axaana xilligaan dal kasta uu ilaalo ka hayaa xuduudihiisa, si looga hortago qulqulka muhaajiriinta cusub.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida kala hadlay xoojinta amniga dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay taliyeyaasha Ciidammada Qalabka sida ee dalka oo uu kala hadlay xoojinta amniga dalka, ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, amniga doorashooyinka iyo dardargelinta howlgallada dagaallanka argagixisada. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka ee BFS Mudane Cabdiweli Ibraahim Sh. Muuddey.

Ra’iisul wasaare Rooble oo faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida inay baaris deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha KMG ah Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliyeyaasha Nabad sugidda iyo Booliska Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.

Ra’iisul Wasaaruhu waxaa uu faray Agaasimaha cusub ee hay’adda NISA iyo taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir inay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaannada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay madaxda dowlad-goboleedka Hirshabeelle, nabad doonnada iyo waxgaradka gobolka in ay kaalin ka qaataan joojinta iyo xal u helista colaaddaas.

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland oo kulan la qaatay Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hay’adda Qaxootiga Adduunka

Ku simaha madaxwaynaha ahna Madaxwayne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Suldaan Cabdiqaadir Maxamuud, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayay wakiilka Soomaaliya u qaabilsan hay’adda Qaxootiga Adduunka ee marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan UNHCR.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Hormarinta Dhaqaalaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Xuseen Xirsi Axmed ayaa ka mid ahaa Wasiiradii ka qayb-galay Shirkan looga hadlayey dadka laga soo celiyay Xeryaha Qaxootiga ee ku sugan Jubbaland.

Wakiilka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse ayaa ballan qaaday in uu wax badan ka badali doono Waxbarashada, Caafimaadka, is-dhexgalka iyo dhammaan adeegyada ay u baahanyihiin dadka laga soo celiyay xeryaha Qaxootiga iyo kuwa haddaba la qorsheynaayo in lagu soo celiyo Soomaaliya, Gaar ahaana Jubbaland.

XIISO BADAN LOOMA QABO XOG HADDAY BANNAAN TAAL

Waa hubaa haddii si Fiican loo fahmo ujeedada cinwaankeyga in ay wax badan iska beddeli doonaan sida ay hadda wax u jiraan marka loo fiiriyo.

Marka ugu horreysa Askariga Soomaaliyeed, wuxuu ka mid yahay astaamaha qaranka wuxuuna huwan yahay sharafta iyo karaamada ummadda soomaaliyeed, waana midka ku labisan direeska iyo tuutaha isteellada lagu camiray

Guud ahaan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed taariikh ahaan haddii dib loo raaco waxay ku asteysan yihiin geesinimo, waxayna ahaayeen ciidan xoog badan oo ka dhameystiran dhan walba oo laga eego, gaar ahaan dhanka haybadda iyo asluubta.

Waxay ahaayeen kuwa fuliya awaamiirta madaxdooda, waxayna ka dhabeeyeen dhammaan dhaartii iyo wacadkii ay ku mareen in ay dalkan ka difaaci doonaan cadawga gudaha iyo dibadda, waxayna mudan yihiin ammaan aan la soo koobi Karin kuwa hadda jooga iyo kuwii horeba.

Sida taariikhdu xusaysana ciidammada geesiyaasha soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwa u dhega nugul shacabkooda, cadowgana dhegta dhiigga u dara, cashar lama iloobaanna ahna u dhiga cid kasta oo ku soo gardaroota ama kusoo xad-gudubta geyiga soomaaliya bad iyo berriba.

Ciidammada qalabka sida ee soomaaliya waxaa loo yaqaannay libaaxyada geeska afrika, waxaana laga yaqiin dhammaan adduunka gaar ahaanna Afrika iyo geeskaba.

Waxay ahaayeen kuwii ay afrikada modow dhamaanteed ku faani jireen kana heybaysan jireen, waxay ahaayeen garab ay ku tashadaan, mana aysan ka gaabin jirin ciidammadeennu inay garab siiyaan dowlad walba oo u baahan in la gacan qabto run ahaantiina maanta waxaa jira kuwo badan oo abaalkaas noo haya.

Haddaba ujeedka aan ka leeyahay maqaalkeyga wuxuu ku saleysan yahay Wacyigelinta Ciidammada qalabka sida ee soomaaliyeed, guud ahaan, gaar ahaan ciidammada xoogga dalka soomaaliyeed.

Haddaan dib u fiiriyo Ciidammadeennu waxay la haayeen waxa loo yaqaan Dishibiliin, Xeerar Sharci iyo kala dambeyn u gaar ah oo lagu hagi jiray ama lagu dhaqi jiray, waxaa sidoo kale jiray anshax iyo kala dambeyn ciidan oo aad u sarreeya, waxayna caan ku ahaayeen asluub iyo dishibiliinka wanaagsan.

Ciidammadeennu waxay lahaayeen tababar ciidan oo buuxa, waxayna aqoontooda iyo tababarradooda ciidan gaarsiisneyd heerarka ugu sarreeya caalamka, waxayna tababarradooda ku soo kala qaadan jireen dalalka Yurub iyo qaar ka mid ah Carabta, gaar ahaanna Midowgii Sofiyeeti iyo Masar halka maantana ay ku soo qaataan dalka aan walaalaha nahay ee turkiga iyo meelo kale.

Sidoo kale, waxay ciidammadeennu caawini jireen oo hub iyo saanadba ugu deeqi jiree qaar ka mid ah dalalka afrika ee xornimo doonka ahaa sida eritaria

Haddaba, Waxaa askariga soomaaliyeed mamnuuc ka ahaa in uu faafiyo sirta qaranka gaar ahaanna sirta ciidammada qalabka sida ee uu ka tirsan yahay.

Sidoo kale, xogaha iyo siraha u gaarka ah ciidammada waxay ahaan jireen kuwo xafidan oo ku jira gacno ammaan ah.

Burburkii gaaray dalkeenna wuxuu keenay in ay timaado xooga kala daadasho ah, balse, Ilaahey Swt xamdigiisa, wuxuu ummaddeenna garadsiiyay in ay mar kale dib wax u agaasintaan dibna boorka uga jafaan ciidammadooda.

maadaama culeys badan uu iska jiro haddana waxaa loo baahan yahay in marada dhaxda lagu adkeysto guntigana dhiisha leysaga dhigo, dhismaha ciidankana halkaa laga sii wado.

Maanta waxaan mareynaa in adduunyadu mar kale dib noo soo jaleecdo, cabsina ay markale ku abuuranto cadowgeenna, oo la ogyahay in aysan marna raalli ku ahayn in soomaaliya mar kale cagaheeda isku taagto yeelatana ciidammo awood badan, Maasha Allaah, Allaa yiri wayna noo ahaatay, waana guul soomaaliya u soo hoyatay.

Haddaba, maxaa maanta loo baahan yahay, waxaa loo baahan yahay waxaa ka mid ah:

  • In askariga soomaaliyeed laga dhiso: xag walba sida lexjeclada diinta, waddaniyadda dal iyo dad jaceylka.
  • Askariya soomaaliyeed waa in uu ogyahay oo la baraa inuu yahay midka ay shacabka u baahan yihiin kuna hurdaan isaga.
  • In askariga soomaaliyeed la baro waxa ay xurriyadda ummadda soomaaliyeed ugu fadhido
  • In askariga soomaaliyeed la baro xadduudaha dalka guud ahaan
  • In askariga soomaaliyeed laga dhiso dhanka caqliga anshaxa iyo asluub wanaagga
  • Askarigu waa inuu yaqaanna yaa kuu cadow ah yaase gacal kuu ah
  • Askariga soomaaliyeed waa in laga dhisaa dhinaca waxbarashada diinta iyo aqoonta guud
  • Askariga soomaaliyeed waa in lagu wacyigeliyaa in uu saaxiib la noqdo bulshadiisa, caawinaadda, u gargaaridda kuwa tabarta yar.
  • Askariga soomaaliyeed waa in uu ogyahay lana baraa in bulshadu ay yihiin kuwa uu u dhaartay difaaciddooda.

10-Askarigu waa inuu noqdaa mid ay ku farxaan shacabka ee uusan noqon mid ay ka naxaan.

11-Askariga waa in la baraa waxa kareeban iyo waxa u bannaan

Gebo gebo iyo Dardaaran:

Waxaan kula dardaarmayaa Madaxda Ciidammada kala duwan ee Soomaaliya in ay si adag u xafidaan xogaha iyo siraha dalka gaar ahaan siraha ciidammada qalabka sida.

Sidoo kale, in laga reebtoonaadaa xogaha ciidammada in lala wadaago warbaahinta.

Waayahan dambe waxaa caadi iska noqotay in warbaahinta laga dhageysto howlgallada ciidammada iyo halka ay ku wajahan yihiin.

Bataatanba howlgallada ciidammada iyo waxay damacsan yihiin maahan in ay bannaanka u soo baxaan, si aan looga faa’iideysan waa in lagu dhaqaaqaa iyadoon cidna war u hayn sidaas bayna ahaan jirtay.

Arrimaha ciidammadu waa ukun xiran oo kale maahan in wax laga sii ogaado, taasina waa sir ciidan ee maahan wax bannaan yaal ah.

Waxaan rajeynayaa in loo qaato waano iyo wacyigelin, walaalayaal Ciidanku waa halbowlaha qaranka iyo ilaaliyaha ammaanka dal, dad iyo diin.

Waxaan u rajeynayaa geesiyada sooma jeesteyaasha soomaaliyeed in ay halgankooda halkaasi kasii wadaan kuwa siraha ka bixinayana la xisaabtamaan, Wa billaahi towfiiq

            WQ: Wargeyska Ilayska Dalka