Danjiraha JFS u joogta Zambia oo xafiiskeeda ku qaabishay sii haya Safaaradda Sudan

Danjire JFS u joogta dalka Zambia ayaa waxay xafiiskeeda ku qaabishey, sii hayaha Safaarada Jamhuuriyada Suudaan ee dalka Zambia, Mudane Mr. Al Walead Hassan Abdo Hassan. Waxayna ka wada hadleen xiriirka walaaltimo ee soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeya labada wadan iyo sii xoojinta wada shaqeynta labada Safaaradood

source: Sonna

Jadwalka Doorashada aqalka sare ee hir-shabeelle oo la soo saaray

Muqdisho Gudiga doorashada Hir-shabeelle ayaa soo saaray jadwalka doorashada xubnaha aqalka sare baarlamaanka JFS ku metelaya maamul goboleedka hir-shabelle.

source: Sonna

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga haya talada Shiinaha

Danjiraha JFS ee dalka Shiinaha ayaa kulan la qaatay Agaasime Ku-xigeenka madaxa waaxda xariirka  ee xisbiga Shuuciga ee Dalka Shiinaha danjiraha ayaa waxa shirka ku weheliyey  Mudane Saciid Mire La -taliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha.

Safiir Cawaale Cali Kullane ayaa  ugu hambalyeeyay 100 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska xisbiga shuuciga ee Shiinaha oo sanadkan loo dabaaldagayo dalka Shiinaha.

Xisbiga shuuciga ee Shiinaha ayaa ah xisbiga  kaliya ee ka taliya dal waynaha Shiinaha  muddo 100 sano ah isagoo ah awoodda ugu sareyso dalkaas, halka agaasinka xariirka caalamiga ah ee xisbigu yahay waaxda jaangoysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinaha

Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo saaray liiska musharixiinta Aqalka sare

Jowhar- Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa soo saaray Liiska Musharixiinta ku tartamaya 8 kursi oo dowlad goboleedka Hirshabeelle ku matali doona Aqalka Sare ee BFS.

source: Sonna

Maamulka Waxbarashadda,iyo Tacliinta sare ee XFS oo ka qeybgalay xuska maalinta caalamiga ah ee akhris-qoraalka

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  XFS ,C/laahi Abuukar Xaaji, Agaasime Goboleedka Hay’add UNESCO, Sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya iyo marti sharaf kale ayaa manta ka qeybgalay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho oo lagu maamuusaayey Xuska maalinta caalamiga ah ee akhris-qoraalka.

Hadal uu xafladdaasi ka jeediyay Wasiirka,waxa uu yiri”Waxaa Sharaf u ah Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Dawladda Federalka Soomaaliya in ay xusto munaasabadda maalinta caalamiga ee akhris-qoraalka oo sannad walba dunnida laga xuso maanta oo kale oo ku beegan 8da September

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare  XFS ,C/laahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in Dowladda Federalka Soomaaliya, ay ka go’an tahay inay dhiiri-geliso barnaamijyada kor loogu qaadaayo akhris-qoraalka si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan xirfadaha akris-qoraalka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay dhammaan dadaallada ay wadaan bah-wadaagta Waxbarashada ee looga gol leeyahay in la xaqiijiyo in arday kasta oo Soomaaliyeed uu helo xuquuqda uu u leeyahay waxbarasho sida ku cad qodobka 30aad ee dastuurka Qaranka,

Wasiirka C/laahi Xaaji Abuukar ayaa u mahad celiyay Hay’adaha UNESCO iyo USAID oo dawladda Soomaaliya ka caawiyay xuska munaasabaddan qiimaha badan, iyadoo sidoo kale loo mahad celiyay hawl-wadeennada isku hawlay diyaarinta munaasabadda.

Xafladdaasi waxaa kaloo ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddda, Agaasimayaasha Waaxyaha, la taliyeyaasha iyo bahwadaagta Waxbarashada,

source: sonna

Ciidanka amaanka oo howlgallo ka sameeyay magaalada Guriceel

Guri-ceel- Ciidamada amaanka ayaa waxay howlgallo kala duwan saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud iyo degaanno hoostaga.

Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa sheegay inuu bartilmaameedkoodu yahay gaadiidka noocyadiisa kala duwan, iyagoo fiiqaya baabuurta raaxada ee lagu dhejiya muraayadaha madoow.

Baaritaannadan ayaa qayb ka ah howlgallo ka dhan ah  argagixisada Al-Shabaab oo ay dhawaanahanba ciidamadu ka wadeen qaeybo ka mid ah degaannada Galmudug.

Ku dhowaad 40 qof oo ku dhimatay dab ka kacay xabsi ku yaalla Indonesiya

Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhimatay 70 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray markii uu dab ka kacay aroornimadii hore ee maanta xabsi ciriiri ah oo ku yaalla galbeedka gobolka Banten ee dalka Indonesiya.

Wasiirka sharciga iyo xaquuqul insaanka Indonesiya Yasonna laoly, ayaa booqday halka ay mashaqadu ka dhacday, wuxuuna sheegay in jeelku uu buux dhaafay kana jiro ciriiri, iyadoo xilligii uu dabku kacayayna ay xirnaayeen qolalka ay ku jirto maxaabiista.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dadka dhintay ay ku jiraan laba nin oo kasoo kala jeedda dalalka Koofur Afrika iyo Portugal.

Boliiska dalka Indonesia ayaa sheegay inay baarayaan sababta ka dambeysay dabka halkaasi ka kacay.

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Lataliyaha Amniga Qaranka iyo Kusimaha HNS
Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya darda-gelinta, horumarinta iyo joogtaynta hawlaha baaxadda leh ee horyaalla hay’adaha amniga, waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray qodobadan;

1. Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda.

2. Madaxweynaha Farmaajo ayaa u magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, in uu si kumeel gaar ah u hoggaamiyo Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.

3. Madaxweynaha ayaa u magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali inuu noqdo Agaasimahga Guud ee Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna ku ammaanay shaqada hufan ee uu kasoo qabtay taabbo-gelinta siyaasadda Amniga Qaranka.

4. Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin Xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu isugu yeerayaa kulan ay yeelanayaan Guddiga Amniga Qaranka 18ka Sebteembar 2021, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

DHAMMAAD

Villa Somalia

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka qeyb galay kulan lagu maamusayay heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka gobollada woqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamusayay heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka gobollada woqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyay heshiiska ayaa uga mahadceliyay guddoomiyaha Aqalka Sare e BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed iyo dhammaan siyaasiyiinta gobollada woqooyi kaalinta ay ka qaateen in heshiiskan la gaaro.

Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa sheegay in uu ka shaqeynayo dadka ka soo jeeda gobollada woqooyi ee Somaliland u qabsan lahaayeen doorasho madax bannaan oo ay xor yihiin, ka maran faragelin, uuna  diyaar u yahay in uu ka hor wareejiyo wax kasta oo caqabad ah,

Waxa uu kula dardaarmay siyaasiyiinta gobollada woqooyi in ay sameystaan habraacyo ay heshiis ku yihiin, si looga fogaado mustaqbalka khilaaf soo noqnoqda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay kulan ay yeesheen siyaasiyiinta gobollada Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galaya munaasabadda iscafinta siyaasiyiinta Gobollada waqooyi iyo xoojinta heshiiskii dhawaan laga gaaray khilaafkii arrimaha doorashooyinka gobollada waqooyi ee Somaliland.