Danjiraha JFS ee Shiinaha oo kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga haya talada Shiinaha

Danjiraha JFS ee dalka Shiinaha ayaa kulan la qaatay Agaasime Ku-xigeenka madaxa waaxda xariirka  ee xisbiga Shuuciga ee Dalka Shiinaha danjiraha ayaa waxa shirka ku weheliyey  Mudane Saciid Mire La -taliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha.

Safiir Cawaale Cali Kullane ayaa  ugu hambalyeeyay 100 sano guuradii kasoo wareegtay aas-aaska xisbiga shuuciga ee Shiinaha oo sanadkan loo dabaaldagayo dalka Shiinaha.

Xisbiga shuuciga ee Shiinaha ayaa ah xisbiga  kaliya ee ka taliya dal waynaha Shiinaha  muddo 100 sano ah isagoo ah awoodda ugu sareyso dalkaas, halka agaasinka xariirka caalamiga ah ee xisbigu yahay waaxda jaangoysa siyaasadda arrimaha dibadda ee Shiinaha