Ku dhowaad 40 qof oo ku dhimatay dab ka kacay xabsi ku yaalla Indonesiya

Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhimatay 70 kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray markii uu dab ka kacay aroornimadii hore ee maanta xabsi ciriiri ah oo ku yaalla galbeedka gobolka Banten ee dalka Indonesiya.

Wasiirka sharciga iyo xaquuqul insaanka Indonesiya Yasonna laoly, ayaa booqday halka ay mashaqadu ka dhacday, wuxuuna sheegay in jeelku uu buux dhaafay kana jiro ciriiri, iyadoo xilligii uu dabku kacayayna ay xirnaayeen qolalka ay ku jirto maxaabiista.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dadka dhintay ay ku jiraan laba nin oo kasoo kala jeedda dalalka Koofur Afrika iyo Portugal.

Boliiska dalka Indonesia ayaa sheegay inay baarayaan sababta ka dambeysay dabka halkaasi ka kacay.