Madaxweyne Dani oo abbaalmariyay ciidamo iyo madax ka tirsan gobolka mudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu abaalmarinaayey ciidamo iyo mas’uuliyiintii kale oo ka qayb-qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuu dalacsiiyey  ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolkaasi,isagoo sidoo kalena abaalmarino guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo.

Madaxweyne Dani ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid si weyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in Dowladd iyo Shacaba ay halkaasi ka sii wadaan halganka oo wadajir loola diriro argagixisada.

Gobolka Mudug waxaa ka muuqda isbedello dhinaca Amniga ah iyo Horumar guud ,ka dib markii lagu guuleystay howlgallo lagu sugayo amniga oo ciidamadu ay ka fuliyeen deegaanada maamulkaasi.

Puntlan iyo Galmudug oo boogaadiyay kaalinta bulsho ee garab istaagga ciidamada

Maamulada Gobalada Mudug ee puntland iyo Galmudug Cabdi ladiif Muuse Nuur iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye  ayaa bogaadiyay kaalinta ay bulshadu ka qaadaneyso garab istaaga ciidamada daraawiishta Galmudug kuwa dowlad gobaleedka puntaland iyo ciidamada qaranka ee soomaaliyeed

Mas’uuliyiintaasi  ayaa tilmaamay in haatan ay meel fiican marayaan olalaha la dagaalanka argagixisada,waxayna intaa ku dareen in loo baahan yahay adkeysi ku aadan mudada yar ee ka hartay in la soo afjaro kooxahahaasi nabad-diidka ah.

Waxaa haatan si habsami leh u socda  dadaalada shacabka ay kaga qeb qaadanayaan la dagaalanka argagixisada waxaana muuqda halgan adan oo loogu jiro cirib tirka kooxdaasi oo deegaanno kooban ka jooga gobolada Mdug iyo Gaalgaduud.

Source: Sonna

Haweenka Golayaasha Deegaannada Galmudug oo tababar loogu soo gabo gabeeyay Dhuusamareeb

Wasiiru Dowlaha Ahna Ku-Simaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib Uheshiisiinta Dawlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Xasan Cali  ( Axmed Dheere ) ayaa maanta soo xiray Tababarka Daadejinta Maamulka iyo Xuquuqda Carruurta oo muddo afar cisho uga socday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.kaasi oo loo qabtay Haweenka Golayaasha Deegaannada Galmudug.

Tababarkaan ayaa waxaa ka faa’iideystay 17 xubnood oo Haween ah oo ka kala yimid Qeybo ka mid ah Degmooyinka Galmudug,

Wasiiru-Dowlaha Ahna Sii haya Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ayaa uga mahadceliyay Hay’adda UNICEF Qeybteeda JPLG taageerada iyo maalgalinta lagu kobcinayo tayada iyo awoodaha Dawladaha Hoose, gaar ahaan Xubnaha Haweenka Golayaasha Deegaanada Galmudug.

Ugu dambeyntii Kusimaha Wasiirka Axmed Xasan ayaa Xubnaha Haweenka Golayaasha Deegaannada ubalan qaaday in ay Wasaaraddu sii joogteyn doonto Tababarada lagu dhisayo Aqoonta iyo bixinta adeegyada Dadweynaha ee Maamulada Degmooyinka Galmudug.

Xal laga gaaray dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Xabad joojin hordhac ah ayaa laga gaaray dagaalo culus ka dhacay deeganada Kabxanleey iyo Deefoow ee waqoyiga Magaalada Beledweyne.

Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka oo gaaray deegaanka Kabxanleey ayaa xal Hordhac ah ka gaaray Xiisadahaasi, Waxaana Amaanka Deegaanka Kabxanleey lagu wareejiyay inta xal kama dambeys ah laga gaarayo Ciidamada Guutada 5-aad Qeybta 27-aad ee Militariga xoogga dalka.

Source: Sonna

MARWADA KOOWAAD EE DALKA OO KULAN LA QAADATAY QAAR KA MID AH HAWEENKA MUSHARAXIINTA AH KA EE GOLAHA SHACAB

Muqdisho, Sebtembar 09, 2021: Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo kulan la qaadatay qaar ka mid ah haweenka musharaxiinta ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamtay muhiimadda ay leedahay in wadajir loo xaqiijiyo qoondada Haweenka ee ka qeybgalka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa ku boorrisay haweenka musharaxiinta ah in ay is garab istaagaan si ay u xaqiijiyaan matalaad shacab oo dhab ah, taas oo ahmiyad weyn u leh u adeegidda Qaranka, si aad hormuud ugu noqotaan isku duubni iyo wadajir bulsho.

“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin hoggaan wanaag, nabad, waddaniyad iyo hal abuur, waxaanna tusaale wanaagsan u ah kaalinta ay ku leeyihiin samata-bixinta bulshada. Musharaxad kasta waxa ay mateshaa dhammaan Haweenka Soomaaliyeed, sidaas awgeed waa in aad hormuud u noqotaan ummadda”

Marwada Koowaad ee Dalka ayaa xustay in Haweenka Soomaaliyeed ay door muuqda ku leeyihiin dib-u-dhiska, nabadda, xasilloonida, xoojinta dowladnimada, midnimada ummadda iyo horumarka dalka, iyada oo tilmaamtay doorkii ay ku lahaayeen halgankii gobanimada dalkeenna.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Aamina Saciid Cali iyo xubno ka mid ah haweenka musharaxiinta ah ee u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka, waxa ayna uga mahadceliyeen Marwada Koowaad ee Dalka casuumadda ay u fidisay, iyaga oo la wadaagay talooyin ku aaddan horumarinta haweenka Soomaaliyed iyo guud ahaan Dalka.

DHAMMAAD

 

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kulan laqatay masuuliyiin katirsan maamulka Galmud.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay kulan la qaatay masuuliyiin ka socda Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka kooban Wasiiro, Saraakiil Ciidan iyo Guddoomiyeyaasha Gobolka iyo Degmada ee Galmudug.

Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhaxeeya Iskaashi dhinac walba ah sida Amniga iyo horumarka, waxaana kulanka looga hadlaya is-xogwareysi iyo sidii loo sii horumarinlaha Iskaashiga guuleystay ee labada dhinac, gaar ahaan Amniga oo siwanaagsan looga shaqeeyay.

Madaxweyn Maamul Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa soo gaaray magaalada muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ka dib Safar Maalmo qaatay oo ugu Maqnaa Dalka Walaalaha-nahay ee Turkiga.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo u diyaar garoobay doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle

Wafdi ka socda Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada oo uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay u ambabaxay magaalada Jawhar ee Dowlad goboleedka Hirshabeele.

Xubnaha Guddiga ayaa la filayaa in ay goobjog ka noqdaan doorashada aqalka sare BFS ee ay howsheeda wadaan maamulka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ayaa diyaar u ah inay ka garnaqaan cabasho kasta oo ka timaada hannaanka doorashada.

 

MUNAASABAD XILWAREEJIN.

Munaasabadda xil-wareejinta agaasimaha Hey’adda Maaraynta Miino-baarista iyo walxaha qarxa ee Galmudug ayaa maantay ka dhacday xarunta wasaaradda amniga ee caasimadda Dusamareeb.

Agaasimaha cusub ee Hey’adda GEMA Md. Maxamed Cusmaan Maxamed oo la magacaabay laba todobaad ka hor ayaa maantay si rasmi ah ula wareegay xilka, ayadoo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka wasaaradda amniga Gudaha Galmudug, agaasimaha guud iyo hawlwadeenada wasaaradda.

Md. Maxamed agaasimaha cusub ee Hey’adda ayaa loo rajeeyey hawl-gudasho wacan iyo in ilaahay u fududeeyo waajibaadka culus ee loo xilsaaray.

Munaasabaddan xilwareejinta ayaa ku soo aadaysa xilli dadka Galmudug ay la kulmayaan dhibaatooyin ka soo gaaraysa miinooyinka iyo walxaha qarxa ee ku duugan dhulka hoostiisa, Galmudug lagu tiriyo dhulka ugu badan miinooyinka iyo walxaha qarxa ee Soomaaliya, lagana filaayo hey’addan in ay maarayso isla markaana isku xirto hey’adaha miina-saarista ee ka hawlgala Galmudug.

Ugu danbayn wasiirka amniga ayaa dhammaan hey’adaha kala duwan ee ka shaqeeya Miina-baarista ka codsaday in ay la shaqeeyaan agaasinka cusub.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wakiillada Beesha Caalamka oo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah xubnaha Wakiillada Beesha Caalamka oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha taagan ee saameynta ku leh amniga, siyaasadda iyo arrimaha geedi-socodka iyo dhammeystirka doorashooyinka.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay u taageersan yihiin habsami u fulinta howlaha doorashooyinka  ee uu Ra’iisul Wasaaruhu hormuudka u yahay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa u sheegay Wakiillada Beesha Caalamka in is faham laga gaaray horumarinta doorashada Gobollada Waqooyi ee Somaliland lana soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac, ayna deg deg  u bilaaban doonto doorashada Sooomaaliland.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu in Madaxweyne Cali Guudlaawe uu soo saaray liiska murshaxiinta isagoo u rajeeyay in doorashadu ay u dhacdo sida ugu dhaqsaha badan.

Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ay soo saareen jadwalka doorashooyinka oo faahfaahsan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa mar kale ku celiyay in ay ka go’an tahay in kiiska Ikraan Tahaliil Faarax caddaalada la marsiiyo, isagoo rajeeyay in isaga iyo madaxweynuh arrintaas isku aragti ka noqdaan.

Source: Sonna