Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo u diyaar garoobay doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle

Wafdi ka socda Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada oo uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka Guddiga Maxamed Ibrahim Barre ayaa saakay u ambabaxay magaalada Jawhar ee Dowlad goboleedka Hirshabeele.

Xubnaha Guddiga ayaa la filayaa in ay goobjog ka noqdaan doorashada aqalka sare BFS ee ay howsheeda wadaan maamulka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada ayaa diyaar u ah inay ka garnaqaan cabasho kasta oo ka timaada hannaanka doorashada.