Madaxweyne Dani oo abbaalmariyay ciidamo iyo madax ka tirsan gobolka mudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qayb galay munaasabad lagu abaalmarinaayey ciidamo iyo mas’uuliyiintii kale oo ka qayb-qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuu dalacsiiyey  ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolkaasi,isagoo sidoo kalena abaalmarino guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo.

Madaxweyne Dani ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid si weyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in Dowladd iyo Shacaba ay halkaasi ka sii wadaan halganka oo wadajir loola diriro argagixisada.

Gobolka Mudug waxaa ka muuqda isbedello dhinaca Amniga ah iyo Horumar guud ,ka dib markii lagu guuleystay howlgallo lagu sugayo amniga oo ciidamadu ay ka fuliyeen deegaanada maamulkaasi.