Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa Dalkaasi waxaa ay ku dileen muwaadin Soomaali ah, kaas oo kamid ahaa Soomaalida Ka ganacsata dalkaas.

Muwaadinka ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Gacal waxaana lagu hor toogtay goobtiisa ganacsi oo kutaal Xaafadda Belhar oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

Kooxaha Burcadda ah ee dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meydka Muwaadinka Soomaaliyeed la geeyay Isbitaalka Xaafadda Belhar ee Magaalada Cape Town, iyada oo la filayo in Galabta la’aaso.

Ciidamada Booliska ee magalada cape town ayaa tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana la sheegay inay wadaan howlo baaritaano ah oo la xiriira dilka muwaadinka Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana dil iyo dhac loogu geystay Boqolaal Soomaali ganacsato ah.

Source: Radio Muqdisho

RUN BAA REER LAGU DHAQAA

Mar haddii la doonayo in dhidibka loo taago qoys wuxuu ka bilowdaa heshiiska ugu horreeya ee gabadha iyo wiilka.

Wuxuu heshiiskaasi ka bilowdaa damac jaceyl iyo aragti ama aqoon deris iyo waxbarasho la iksu bartay .

Sida Soomaalida wiilka ayaa bilaaba daandaansiga iyo shukaansiga waana mas’uulka doonaya xilka qoyska in uu qaado.

Ma habboona marka in been la isu sheego lana sheegto daaro iyo xoolo aan la heysan sida badanaaba ka timaada wiilasha .

Sida la og yahay haddii qalad yimaado badanaa wuxuu ka yimaadaa wiilasha waxaana mahmaah qalad ah u sameeyey odayaashii hore ee soomaalida taas oo wiilasha ay ka dhigtaan tixraar iyo daliil ay wax ku soo xero galiyaan waxayna ka mid tahay maahmaahdan waxyaabaha hadhow dhibaatada u keena ee la isku afgaran waayo.

Gabadha haddii been loo sheego oo loo sheego dahab iyo barwaaqo iyo adduun waxay kaa sugeysaa wixii aad ka ballanqaaday waxaana aad u kala fog gabdhihii beenta loo sheegi jiray iyo kuwa hadda jooga waxayna gabdhaha hore ahaayeen kuwo haddii been loo sheego oo la soo xero galiyo waxay ahaayeen kuwo ku dhiirada dhaqanka markaas ay arkaan iyo wixii hanti ah oo ay helaan waxayna meel iska dhigi jireeb hanqaltaagga iyo beenta loo sheegay.

Waxay  ahaayeen kuwo aad u xishooda kana xishooda qoyskii la keenay in ay burburiyaan waxayna ku mahmaahi jireen gabdhahaas Meesha aad ku qoydo waa lagu qallaalsadaa.

Raggii ay la soo ballantay ayey ka xishon jirtay wanaaggi iyo heshiiskii dhexmaray in ay dib uga noqoto waxayna hablahaas xoogga saari jireen in ay abuuraan wanaag iyo kalgacal xoolo lagu helo mana laheyn muran iyo afnaq qoysku isaga hor yiimaado ee waxay ahaayeen kuwo waxay qabaanba reerkooda ku dhaqda oo maradooda la huwadasi aan looga dareemin waxa ka dhex guuxaya inkastoo qalbiga ay uga taagan tahay beentii loo soo sheegay ilaa ay raas weyn ka noqoto.

Qarniyadan aan haatan ku jirto wey ka duwan yihiin xaaladdaas waxaadna moodeysaa in ay isku mar yihiin qosolka iyo  ooyinta, faraxadd iyo murugada, naceybka iyo is jaceylka waxaana taas keenaysa gabdhahan dambe aqoon ayey u leeyihiin ballantu muslimka halka ay ka taagan tahay .

Waxaa kale oo ay cabbirayaan maadaama ay aqoon leeyihiin ninka been ku bilaabay reekii iyagoo aan weli is baran in aan wax wanaag ah ka soo socon, sidaas ayey qalbiga galiyaan.

Gabdhaha laftigooda sheekada hore ee jaceylka la isla jilayo qaar baa tusa wiilasha soo jiidasho iyo dhaqan wanaag, hadal macaan oo wiilka qalbigiisa koollo ku noqda.

Wax badan ayey baraha bulshada ka daadihiyaan inta aan la is baran marka uu jaceylkaa la suuxo wiilka ayaa isagoo kabaabyeysan oo aan miyir lahyn ayaa heshiis dhab ah iyo meher la galaa iyadoo loo marayo meelihii sharciga aha aiyo qoysaska labada dhinac.

Iyadoo qarasha aad u badan u uku baxay guurkii iyo is barashadii oo weliba qarashkaa lagu bixiyey hoteelo iyo meelo kale marka dhaqanka runta ah la guda galo oo guri la tago qof waliba wuxuu la soo baxaa geeso aan midka kale ku ogeyn ka dibna geesahaas ayaa la isku hertiyaa .

Awal aqoon fiican la isuma laheyn runna la isuma sheegin labada qof waxaa loo yaabaa ka dib oo aad looga naxayaa labadii jaceylkooda lala yaabanaa ee baraha bulshada laga daawaday toddobaad ka dib waxaad maqleysaa waa is fureen reerkii.

Sidaa darteed waxaa habboon in reerka run lagu dhiso runtana lagu dhaqo ragga iyo haweenkaba run baa reer lagu dhaqaa , beeni raad ma leh.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabayre

 

LABAATAN JIR LA MOODO LIXDAN JIR

Labaatan jirka waqtigaan dhallinyarada ah iyo lixdan jirka waxa ay kasiman yihiin tima la’aanta loo yaqaan bidaarta, taasoo dhaqan ahaan aan ubaranay in ay ku timaado dadka da’dooda 40-ka ay ka sareeyso.

Dhallinyarada haatan jirta ayaa aad uga cabanaya tima go’go’ oo u muuqata sida bidaarta ilaa ugu dambeyn ay kor ka dhamaadaan timaha. Waxaan la maleyn karin wiil dhallinyara ah oo sida oday ay timaha ka bideen ama haddaan si kale u dhigo bidar leh waana waxa dhallinyarada ay haatan ka duulayaan.

Bidaarta oo aan ceeb aheyn marka ay oday ku taal ayeey dhallintu qabaan in ay ka duwan tahay marka wiil yar ay ku taalo, waxaana marwalba u caada ah wiilka ay timaha ka gurmaan in uu koofiyad xirto si ugu yaraan uu dadka kale uga qariyo.

In timaha ay ka gurmaan wiil dhallinyara ah oo aan da’dii bidaarta gaarin ayaa waxaa sabab u noqon kara nafaqa-darada iyo in qofkii uu daryeelin timaha sida ay bahda caafimaadka qabaan.

Sanadihii u dambeeyay waxaa kordhay tirada dhallinyarada ka cabanaya tima gurranka, waxa ayna marwalba sameeyaan talaabo ay kaga hortagayaan in timaha ka ay ka daataan ama ka dhamaadaan iyaga oo xal u raadinaya sidi ay timahooda usoo ceshan lahaayeen.

Dhallinyarada oo ka duulaya tima la’aanta ayaa qaar kamid ah waxa ay bilaabeen in ay dib u dhistaan timahooda iyaga oo kaashanaya shirikado timaha abuura ama farsamo kale oo ka caawineeysa in timaha ay dib u yeeshaan.

Bidaarta waxa ay caan ku aheyd dadka da’da ah ama duqowshada, balse marka ay dhalinta tima ka guan ayaanan la garaneyn wax lagu macneeyo ama loogu yeero islamarkaana aan aheyn tan bidaarta loo yaqaan oo dhaqan ahaan ugu baranay aabayaasheen iyo awoowyaal.

Dhallinta waxa ay aad uga cabanayaan tima gurranka taasoo ay kaga sii daran tahay midkii ay timaha ka gurmaan in loogu yeero “bidaar” iyagoo wali dhallinyara ah waxayna arintaa kaga jiraan gambad iyagoo aanan soo bandhigin marka ay tima ka gurmaan ama ay ka daataaan.

Arrintaan oo sanadihii u dambeeyay soo ifbaxday ayaa caqabad weyn ku ah dhallinyarada Soomaaliyeed oo iyaga aan bidaar gaarin ay sida qof bidaar leh tima ka dhamaadaan.

Qaabka ay kaga gaashaaman karaan in timaha ay ka gurmaan dhallinyarada ayaa lagu sifeeyaa in Cunto nafaqo leh ay cunaan mararka qaarna mid ka duwan cuntada guriga ay cunaan sidoo kale ay cunaan miraha asalka ah ee dalka sida Cambe, Babaay, Moos, liimo iyo miraha kale ee nafaqada leh iyo wax walba oo vitamin leh ayaa daawo u noqon kara in tima ay ka gurmaan qof dhallinyarada ah.

 

WQ: Xuseen Xaaji Xasan (Shadoor)

AMMAANO CIRKA IYO DHULKA AYAA DIIDAY

Ilaahay mulkigiisa isagoo maareyn kara keligiis cid kalena aan u baahneyn ayuu maqluukhiisa siiyey is maamul iyo isku filnaansho wuxuuna u dhiibay mid kasta mas’uuliyad.

Ammaanada waxaa ka mid ah mas’uuliyadahaas oo loo soo bandhigay in ay qaadaan Ilaahay maqluukhiisa qeybo ka mid ah, waxaana si Alle ka cabsi ah u diiday cirka iyo dhulka iyagoo ka baqaya culeyskeeda.

Ammaanadaa culeyskaa leh waxaa xambaaray ilmo Nebi Aadam sidaas ayeyna ku noqdeen hoggaankii adduunyada iyo weliba imaamada kheyrka badnaa ee Rususha ka mid ahaayeen iyadoo mid walba loo dhiibay in ku filan mas’uuliyadda waxaana ka mid ah ballamaha la galayo taas oo ah qeyb ka mid ah ammaanada oo u baahan in la fuliyo xaqeeda waxaa kale oo barbar socda xilalka kala duwan oo ka bilowda qoyska odayga iyo islaantiisa ay madaxda u yihiin waana mid loo baahan yahay in ay u fuliyaan si daacad ah mid walba.

Dhowrista ammaanada waxay keentaa geesinimo iyo is jaceyl qofku hadduu ammanada dhowro ma cabsado Ilaahay wixii ka soo haray waayo wuxuu hayaa wixii lagu ballamay sidii loogu talogalay ayuu u hayaa mana ka cabsanayo cid been ka sheegta iyo cid run ka sheegta midna sababtoo ah waddo toosan ayuu hayaa meesha ay tagtana wuu yaqaanaa.

Qofka ammaano dhowrka ah ummadda oo dhan ayaa u dhiibata waxooda waxayna ku wada kalsoon yihiin wixii loo dhiibay in ayasan ceeb ka imaanyn maadaama uu yahay qof ammaanada ku fiican waxaana si aad ah loo ceebeeyaa oo laga cararaa qofka ammaano lumiska ah sababtoo ah wuxuu maqlayaa ammaanadii hore ayuu cunay iyo xaqii lagu lahaa Bulshada oo dhan ayaana isu wada sheegta mar haddii ay maqlaan ummaddu waa ammaano cune kulligood wey ka cararaan waxna uma dhiibtaan.

Bulsho kasta oo magac leh axay soo xushaan dadka ammaanada ku fiican oo diinta leh gaar ahaan kuwa muslimka ahi waxay u hoggaansamaan qofba qofka inta uu ka caddaalad badan yahay ammaano dhowrkuna waa caddaalad .

Ilaalinta Bulshada waxaa ka mid ah samafalka , xaqdhowrka , garsoorka ,kulligoodna waxay hoos tagaan dhowrista amaanada wax macno ahana ma keeneyso in aad wax doonto oo xil lagu saaro haddii aad ilaalin Karin ammaanada .

Ballamaha oo la fuliyo ,sinaanta iyo eex la’aanta waxay ka mid yihiin garsoorka iyo wanaagga lagu soo xusho qofka mas’uulka ah mas’uuliyadana kor iyo hoos , qoys ilaa madaxweyne waa mid u baahan in la ilaaliyo .

Ammaanada haddii la waayo waxaa lumaya wadajirka iyo kalsoonida , midnimada iyo wadajirkuna waa dhowrista ammanada iyo caddaaladda

WQ: Abwaan Gabayre

 

RAJO IYO YIDIDIILO WANAAGSAN OO KA MUUQATA DALXIISKA SOOMAALIYA

Dadka Soomaliyeed waxay soo fahmayaan muhiimadda dalxiiska, iyadoo dhallinyarada soomaaliyeed ay ka muuqato rajo ah in dib loo soo celin karo dalxiiska iyo goobihii qurxoonaa ee dalku lahaa ee ku burburay dagaaladii sokeeye.

Haatan magaalada Muqdisho maalmaha fasaxa iyo Jimceyaasha waxaa la arkaa dhallinyaro isku ballansaneysa goobaha dalxiiska ee sameysmay iyo kuwa dabiiciga ee dalku leeyahay sida xeebaha Liido iyo Jazeera oo maalamahaa dadku soo buux dhaafiyaan si ay waqti ugu qaataan.

Waxaa jira goobo dalxiis oo sameysmay iyo degaano loo dalxiis tago sida Dayniile iyo Daarusalamaan oo dadku waqti farxad leh ku qaataan xilligooda faraaqada taas oo dadka siiba kuwa dhallinyarada galisa rajo in dalkooda quruxdiisa iyo wanaagiisa ay dib u soo laabaneyso.

Sidoo kalena caasimadda waxaa ka sameysmay hoteelo iyo baarar lagu qaxweeyo oo iyana bilicda iyo dalxiiska qeyb ka ah isla markaana dadku waqti ku qaataan .

Xitaa gobolada dalka xaatan waxaa ka jira goobo loo dalxiis tago iyo shirkado ka shaqeeya dalxiis geynta dadka si jiilaalka dhallinyarada ah loo baro wanaagga iyo quruxda dalka ayna ugu il doogsadaan goobaha qurxoon.

Dalxiiskaa soo noqonaya ee rajada weyn abuuraya niyadda dadkana soo celinaya waxaa loo baahan yahay in kor loo qaado oo waxyaabaha gacanta ka geysanaya lagu daddaalo in loo helo.

Dalxiis waxaa uu u baahan yahay ammaan taasna waa mid saaran hey’adaha ammaanka dalka in ay ku dadaalaan in amniga si weyn loo sugo si mustaqbalka ay u suurtagasho in soomaalida gudaha ku nool ka sokow ay ajaaniibtu ugu soo dhiirran lahaayeen in ay soo dalxiis tagaan Soomaaliya .

Sidoo kalena waxaa habboon in dib loo soo nooleeyo goobihii dalku lahaa ee caanka ku ahaa dalxiiska sida Waamo iyo degaanka Sambuusi oo xilligii berisamaadka ahaa goobaha loo dalxiis tago ee dalka .

Adeeggii dalxiiska sida hoteeladii caanka ahaa ee Jubba ay ka mid aheyd ayaa iyana u baaahan dib us oo nooleyn iyo dib u soo yagleelidda kaadirkii dalxiiska ee dalku lahaa iyadoo laga duulayo dib u xoojinta howlihii ay qaban jirtay waaxda dalxiiska u gaarka aheyd .

Waxaa habboon hirgalinta hannaan lagu xayeysiinayo dalxiiska dalka waayo dalxiisku waa adeeg u baahan xayesiin iyo soo jiidasho in loo sameeyo iyadoo lagu dadaadalayo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan dalxiiska oo ay ugu horreyso waxa laga aaminsan yahay Soomaaliya oo ah in ay tahay dal aan loo daxiis tagi taasna waxay ku imaan kartaa xaaladda amni ee dalka oo isbedel muuqda lagu sameeyo.

Rajada dalxiiska durba waxaa laga dheehan karaa warbixinada ajaanib warfidiyeen ah oo dalka yimid iyo muuqaalka ay ka bixiyeen iayagoo sheegay in Soomaaliya ay tahay meel la booqan karo oo lagu dalxiisi karo taas oo u baahan in lagu sii dhiirado .

WQ: Mohamed Hassan

 

DADKA IYO DALKA MAXAA U DAN AH?

Shaqsi ahaan adiga maxay tahay dantaada?

Way iska caddahay oo waxaad daneyneysaa in aad hesho nabad , degenaansho iyo nolol macaan oo aad ku noolaato kuna hesho dalkaaga .

Sidoo kale waa dhab in aad jeceshahay in hesho fursad aad wax ku barato, aqoon ku yeelato kuna hanato xirfad aad ku shaqeysan karto oo aad nolol mustaqbalka ku dhisan karto , carruur iyo lammaane nololeed ku aaasaasi karto.

Fursadahaa oo dhan waxay ka imaanayaan dalkaaga oo hagaaga kana soo jeesta khilaaf iyo isqabqabsi kuna tallaabsada sidii lagu gaari lahaa horumar lagu hiigsan karo caalamka hawada sare gaaray.

Dantu kuma jirto ku sii jirista khilaafka dalka iyo dadka sidaan ugalay ee dhigay meesha aad haatan arkeyso ee ay adkaatay in laga soo celiyo waana tan keentay in dad badan maanta ku halqabsadaan DALKA MEEL FOG BAA LAGA KEENAY.

Waa run dalka meel fog buu gaaray oo ay xumaanta dhaceysay gaarsiisay haatana rajada waxay na tustay in xoogaa aan soo celinay oo soo yara dhaweynay laakin weli FAANOOLE FARI KAMA QODNA oo ma aanan keenin dalka meeshii loo baahnaa.

Dalka si loogu daneeyo oo loogu turo waa in shacabka loo turaa iyaga ay gartaan halka dantooda iyo danta dalkaba ku jirto waayo taas haddii la waayo waxba ma hagaagayaan oo maalin walba meeshii iyo meel ka dheer ayaan taagan nahay.

Danta dalka iyo dadka midna kuma jirto in laga shaqeeyo khilaaf iyo colaad aan dhammaan ee waxay ku jirtaa MAXAA NOO DAN AH waayo dantiisa qofkii garan waaya wax faa’ido ah ma helo DANTIIS MOOGE MARA DUUG AH KA HOR AYUU DHAMMAADA ayaana la yiraahdaa.

U hiili danta dalkaaga kana hor mari wax walba hana ku fekerin in dantaada gaarka ah aad ka hor mariso danta dalka iyo dadka waayo adigu waxaad wax ku tahay dadka iyo dalka la’aantoodna waxba ma noqon kartid.

Ha duminta danta guud hana dhaafsan danta dalka iyo dalka wax yar ha ahaato mid shisheeye ku siiyo ama mid uu wato daneyste aan ogeyn waxa ay tahay danta qaranka iyo tan dadka uu ka dhashay.

Ogow dalka iyo dadka waxaa dan u ah midnimo , wadajir , iskaashi iyo in aan cadowga meel uga soo wada jeesano kana shaqeyno wanaageenna iyo isku duubnideenna.

WQ: Mohamed Hassan

 

NAAS NUUJINTA WAA FAYO DHOWRKA ILMAHA YAR

Waa arrin Rabbaani ah in ilmaha dhasha in la nuujiyo ilamaha dhasha oo aan wax kale cunto u noqon Karin.

Kuwa naaska nuujiya ilmahooda ayaa loo yaqaanaa ( mammal glands) mana aha oo aadanaha oo keliya ee kuwa naasleyda ah.

Waxaa ka mid ah ariga , lo’da, geela fardaha , dameeraha bisadaha , eyga , fiidmeerta iyo kuwo kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin.Waa mid ku qotonta kalgaceyl waalid Allah ayaana sidaas ku abuuray ruux ubadka dhala una kuna arsaaqay unugga yar .

Aan u soo noqono aadanaha, hooyada ayaa ilmaheeda jaqsiisa naaska maalin walba inta uu ka korayo  naaska kuna nafaqeysa carruurteeda.

Caanaha naaska waa mid dheellitiran oo ay ku jiraan biyo, nacdan, borotiin iyo faytamiino.

Waxaa ilamaha ay ka ilaaliyaan cuduro badan iyagoo caanaha naasku ubadka ka difaacaan waxyaabo badan,sidaas awgeed waa lama huraan in ilamaha yar la nuujiyo naaska ilaa labo sano sida ku cad kitaabkeenna Qur’aanka Kariimka .

Caanaha qasacyada ku jira waxaa uga fiican goor walba cannugga yar naaska hooyada , marka uu gaaro xilliga uu soo koro ayaa la siin karaa caanaha qasaca sida MAMAX ka dibna caanaha lo’da ama ariga intaas marka uu gaarana waxaa la siin karaa cuntada siiba bariiska carruurta iyo baradhada.

Daryeelka cannugga yar waa muhiim la socodkiisa siiba caafimaadkiisa , nadaafaddiisa taas oo u baahan taxadar dheeraad ah in loo yeesho si cannuggu u noqdo mid hela fayo dhowr fiican.

WQ: Ibraahim Abuukar ( Fanax)

 

MAXAA KA HORTAAGAN DHALINTA SOOMAALIYEED INAY BEERAHA TACBADAAN

Waan ognahay Dal walba dhallinyaradiisa  ayaa dhisa dhan kastaba ha ahaate Beeruhu waxay ka mid yihiin waxayabaha daruuriga u ah nolasha asaasiga ee bini aadanka.Sidaas oo ay tahay dadkenu kuma dhiirana dhinaca wax soo saarka beerahaSidoo kale, waxaa la shegaa in wadankena ay ka jiryo shaqo la aan baahsan taso samayn ku leh dhalin yaradda wax baratay iyo kuwaan waxba baran.

Haddaba waa maxay waxa ka hortagan dhalinteenu inay qabtaan shaqoyinki aan asalka u lahayn oo ahayd beerashada dalaga iyo dhaqashada xoolaha, kalluumaysiga iyo qaar kalo badan, waliba anago wadankeena lagu tilmaamo mid  cimiladiisu aad ugu wanagsan tahay bershadiisa, Ciidisuna u nugushahay beerashada qudaaarta kala duwan iyo cuntooyin qutul daruuriga u ah bahiyaheena, taaso aan wada aminsannahay in maanta qiimaheedu yahay mid aad u sareeya.

U xanqaltaagga dalalka shisheeye ka sokow dhallinyarada waxaa ka hortaagan beeraha kooxo dhallinyarada ka kaxeeya beeraha kuna jiheeya qori iyo waxyaabo kale oo aan waxtar u laheyn noloshooda kana hor istaagaya mustaqbalkooda.

Sabab u tahay beeraha waddankeena oo tiro ahaan anan daboli karin baahida guud ee dalka qalabka beeralayda oo an ahayn mid casriya kaaso sahlaya in ay so saaran dalag ku filan wadanka dhalinteeni oo intoodi badnayd  aanay u firfircoonayn  ka shaqaynta iyo hormarinta beeraha.

Haddaba, waxaan dhihi karnaa dal walba dadkisa dhisa oo hormariya dhan kastaba wa inay dhalinteenu ka faa’iidaysataan abuurka beeraha iyo xirfad kasto ay maanta furasadi ka banaan tahay taaso ay ayaguna ay ku hormarin karaan naftodda, kana samayn karaan dhaqaale ay ku kalmeyaan qoysaskoda

Sido kal,e saamaynta aseendooyin casri ah oo lagu xanaaneeyo xoolaha noocyadooda kala duwan  kuwaas oo laga faa’iideeyo bulshada, caano nadiifa  ama subag ayay dhalintu ka samayn karaan horumar.

waxaan oran karnaa waxbana uguma bahnin ku nolaanshaha waddan shisheeye oo an ahayn kan aan u dhalanay,  kan ayaan hormarin karnaa haddii aan muruq iyo maskax isku biirino, kan ayaan noga wanaagsan.

Waxaa wax lagu farxo ah ilaa hadda inay jiraan dhalinyaro fara ku tiris ah kuwaaso abuur cusub ku soo kordhiyay wadanka waxayna mudan yihiin hambalyayn iyo amaaan.

WQ: Sowda Ali Omar (Rajina)

Wafdi ka socday Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdigan oo isugu jira tababarayaal, garsoorayaal, macalimiin iyo madax ka socota xafiiska hormarinta Gobolada ee xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb oo ay u yimaadeen howlo la xiriira ka qayb galka daah furka tartanka sanadlaha ah ee horyaalka degmooyinka Galmudug, iyagoo mudada ay joogaan qayb ka qaadan doona tababaro la siinayo macalimiinta iyo Garsoorayaasha Galmudug.

Maxamad Nuur Maxamad guddoomiyaha ururka Ciyaaraha Dhuusamareeb oo ugu horeyn ka hadley madasha soo dhaweynta ayaa bogaadiyey kaalinta xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed ku yeelanayo hormarinta Sportaska Galmudug.

Xasan Axmed Shirre, Guddoomiyaha Xiriirka kubada Cagta Galmudug oo wafdigan ka socda xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed
u sharaxay qaban qaabada ay sameeyeen kooxaha degmooyinka ee horyaalkan ka qaybgalaya ayaa amaanay go’aanka aqoon kordhinta ee xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed ku gaarey in lagu taageero hormarada cayaaraha ee ka socda Galmudug.

Maxamad Cali Jabane, Kaaliyaha Xoghayaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed oo ugu dambayn ka mahad naqay soo dhaweynta loo sameeyay, ayaa faah faahiyay howlaha ay qaban doonaan muddada ay joogayaan Dhuusamareeb, sida bixinta tababaro is xigxiga iyo furitaanka horyaalka degmooyinka Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb oo maanta lagu soo dhaweeyay wafdigan ayaa maalmaha soo aadan martigalin doonta ciyaaro xiiso badan oo dhex maraya degmooyinka Galmudug kuwaa oo noqonaya sanadkii 2-aad ee si rasmi ah loogu qabto horyaal xiiso badan.

Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaaladda Garacad ee gobolka Mudug

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wefti balaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray magaaladda Garacad ee gobolka Mudug.

Madaxweynuhu waxa uu kormeeray dhismaha Dekedda Garacad oo meel gebogebo ah maraysa, isagoona mid mid u dul istaagay qaybaha kala duwan ee dhismuhu ka socdo. Bogaadin, dardaaran iyo dhiirigelin ayuu u jeediyey Madaxweynuhu.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay shirkadaha gacanta ku haya Dekedda ee kala ah TTN iyo Wadaagsin, warbixino ayuu ka dhegaystay Ingineerada iyo mas’uuliyiinta shirkadaha dhisaya Dekada, waxaa qayb ka ahaa kulanka weftiga Madaxweynaha, waxgaradka, ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada magaalada Garacad.