NAAS NUUJINTA WAA FAYO DHOWRKA ILMAHA YAR

Waa arrin Rabbaani ah in ilmaha dhasha in la nuujiyo ilamaha dhasha oo aan wax kale cunto u noqon Karin.

Kuwa naaska nuujiya ilmahooda ayaa loo yaqaanaa ( mammal glands) mana aha oo aadanaha oo keliya ee kuwa naasleyda ah.

Waxaa ka mid ah ariga , lo’da, geela fardaha , dameeraha bisadaha , eyga , fiidmeerta iyo kuwo kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi Karin.Waa mid ku qotonta kalgaceyl waalid Allah ayaana sidaas ku abuuray ruux ubadka dhala una kuna arsaaqay unugga yar .

Aan u soo noqono aadanaha, hooyada ayaa ilmaheeda jaqsiisa naaska maalin walba inta uu ka korayo  naaska kuna nafaqeysa carruurteeda.

Caanaha naaska waa mid dheellitiran oo ay ku jiraan biyo, nacdan, borotiin iyo faytamiino.

Waxaa ilamaha ay ka ilaaliyaan cuduro badan iyagoo caanaha naasku ubadka ka difaacaan waxyaabo badan,sidaas awgeed waa lama huraan in ilamaha yar la nuujiyo naaska ilaa labo sano sida ku cad kitaabkeenna Qur’aanka Kariimka .

Caanaha qasacyada ku jira waxaa uga fiican goor walba cannugga yar naaska hooyada , marka uu gaaro xilliga uu soo koro ayaa la siin karaa caanaha qasaca sida MAMAX ka dibna caanaha lo’da ama ariga intaas marka uu gaarana waxaa la siin karaa cuntada siiba bariiska carruurta iyo baradhada.

Daryeelka cannugga yar waa muhiim la socodkiisa siiba caafimaadkiisa , nadaafaddiisa taas oo u baahan taxadar dheeraad ah in loo yeesho si cannuggu u noqdo mid hela fayo dhowr fiican.

WQ: Ibraahim Abuukar ( Fanax)