Wasiirka Maaliyadda iyo Wakiilka Qaramada Midoobe oo ka wada hadlay dhaqaalaha Doorashooyinka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya Amb James Swan oo ku booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Wasiir Bayle ayaa sheegay in kullankooda ay diiradda ku saareen arrimaha dhaqaalaha Doorashooyinka, dib-u-habeynta Maaliyadda iyo dadaalada Dowladda ee kobcinta Dakhliga gudaha. 

Taliyaha Ciidanka Difaaca Aaga Golis ee Puntland oo kor-meeray fariisimaha ciidamada difaaca Puntland.

Taliyaha Ciidamada difaaca Maamul-goboleedka Puntland ee silsilada Golis G/Sare Saciid Nuur Shire ayaa kormeeray fariisimaha iyo goobaha kale ee shaqo ee ay ku sugan-yihiin ciidamada ee buuralayda silsilada Golis.

Taliyaha ayaa u u kuur-gallay habka ay shaqadu u socoto iyo dadaalada ay ciidamadu ku sifaynayaan haraadigga kooxaha burcad-diimeedka ah ee ku dhuumaalaysanaya buuraha silsilada Golis.

Taliyaha ayaa warbixino ka dhagaystay saraakiisha ciidanka hogaaminaysa, waxa ayna la wadaageen guulaha ay ka gaareen la dagaalanka kooxahaas, goobaha ay ciidamada gacanta ku dhigeen maalmihii lasoo dhaafay iyo hawl-galadda kale ee qorshaysan.

Taliye Saciid ayaa ku dhiiri-geliyay ciidanka hawsha adag ee ay hayaan iyo waajibaadka qaran ee ay gudanayaan.

Dhanka kale waxa uu Taliyaha Tilmaamay in Ciidanka Puntland ee silsilada Golis ku sugan ay ka go’antahay soo af-jaridda tirada kooban ee ka hartay kooxaha burcad-diimeedka.

QM oo xaalad quus ah ka muujisay xaaladda dalka Yemen oo ku dhawaad 7 sanno dagaallo ay ka socdaan warbixin ayaa idinlka heynaa

Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee QM u magacaabay dalka Yemen ayaa sheegay in waddanka ugu saboolsan Carabta ay ku xiran tahay nabad galyadiisa sida ay u istaagan colaadda weli ka socda dalkaas.

Hans Grundberg, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Sweden ayaa xilka qabtay shan maalmood ka hor ka, waxaana uu horrey u soo noqday danjiraha Midowga Yurub ee Yemen tan iyo 2019.-kii.

Hadal uu siiyay golaha ammaanka QM ayuu ku yiri xasilloonida Yemen wax aay ku xiran tahay sida ay u istaagaan dagaallada Yemen oo billowday sannadkii 2014-kii haddana socda wax ka badan lix sanno.

‘Xaaladda Yemen waxa ay ku xiran tahay dagaalka aan xadka lahayn iyo in dib loo billaabo wadahadalladii looga hadlayay soo afjarida coladda jirta oo illaa hadda aan guulo dedeg ah laga gaarin” ayuu u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Yemen ayaa billowday bishii March 2014 markii fallaagada Xuutiyiinta ee Iiraan ay taageerto ay qabsadeen caasimadda Sanca iyo inta badan waqooyiga dalka, taasoo ku qasabtay dowladda Madaxweyne Cabdi Rabbuu Mansuur Haddi inay u guuro dhanka koonfureed, ka dibna uu saldhigtay dalka Sacuudiga.

Si loo muujiyo sida ugu wanaagsan ee loo sii socon karo, ayuu sheegay inuu qorsheenayo inuu dib u eego wixii shaqeeyay iyo waxa aan qabsoomin, uuna dhageysto dadka u dhashay dalka Yemen oo iyaga la rabo in ay xaaladda door ku yeeshaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha oo xarumaha waxbarashada ee Mu’asasada Amal gaarsiiyay agabka looga hor tago cudurka coronavirus si loo xakameeyo faafitaanka feyraska.

Agaasimaha waaxda sharciyada ee wasaaradda Haweenka, Faadumo Maxamed Cali, ayaa agabkan isugu jiran af-xirka iyo dareeriyaasha jeermiska lagu dilo ku wareejisay maamulka xarunta.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo kaashanaysa xafiiska hey’adda UNICEF Somalia ayaa ololaha wacyigelinta safmarka COVID-19 ka sameeyay magaalada Muqdisho.

Ololahaas oo isugu jirey gaarsiinta agabka hor tagga cudurka ee goobaha waxbarashada, wacyigelinta qaadashada tallaalka COVID-19 iyo boorar waa weyn oo la surey waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda.

Danjire Cawaale Cali Kulane” Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in hishiis dhanka beeraha ah la saxiixato dalka Shiinaha

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay heshiis dhanka Beeraha ah oo ay la gasho dowladda Shiinaha, lana xoojiyo iskaashiga wax soo saarka labada dal.

Safiir Cawaale oo qudbad ka jeediyay (THE INTERNATIONAL CONFERENCE ON FOOD LOSS AND WASTE) Shirka Caalamiga ee cunada qasaarta oo ay ka qayb galeen wasiirrada beeraha dalalka Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska ayaa sheegay in Shiinahu yahay dal aad ugu horumaray dhanka Beeraha ayna Soomaaliya wax badan uga faa’ideyn karto.

Danjire Cawaale Cali Kulane oo fogaan arag uga qayb galayay shirka wuxuu mahadnaqay Wasaaradda Beeraha ee Shiinaha qabsoomidda shirkan, isagoo khudbadiisa wuxuu ku sheegay “in dunida tobankii qofba mid uu nafaqo darro haysato, in ka badan saddex-meeloodna meel dadka adduunka aysan awoodi  karin in ay helaan cunto caafimaad leh, sababtana ma aha cunto yari ee waa cunno qasaartay”.

“Khasaaraha cuntada dalalka horumaraya waxay gaarayaan qiyaastii 680 Bilyan oo Dollarka Mareykanka ah, halka dalalka soo korayana waxaa ay garayaan 310 Bilyan oo dollar, lacagtan khasaartay haddii la badbaadiyo waxaa loo isticmaali kari lahaa in kor loogu qaado tayada dalalka soo korayo”.ayuu yiri safiirku.

Danjire Cawaale Cali Kulane ayaa sidoo kale xusay horumarka ay dowladda Shiinaha ka sameysay yareynta cuntada khasaarta isagoo soo hadal qaaday in Soomaaliya iyo Shiinaha hadda ka hor ay iska kaashadeen dhanka beeraha sidii soomaaliya loogu abuuri lahaa bariiska dalkeenna Soomaaliya.

Xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ah mid soo jireen ah oo dhinacyo badan ah sida waxbarashada, ganacsiga, beeraha, hawada iyo kuwa kale.

Xog laga helay Duqeeyntii Ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen Afgaanistaan

Wargeyska The New York Times ayaa Jimcihii shalay daabacday war ka hor imaanaya warbixintii Ciidamada Mareykanka ee ku saabsaneed duqeyntii dhawaan ay ka fuliyeen Afgaanistaan ka hor ka bixitaankoodii.

29-Bishii Ogosto Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn xagga cirka ah la beegsaday gaari lasheegay in walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen Kooxda Daacish, kuwaa oo doonayay inay ku qarxisyaan Garoonka Diyaaradaha Kabul.

Qoyska darawalkii waday  Gaariga la qarxiyay,  ayaa u sheegay Wakaaladda wararka AFP, maalin kadib duqeynta, inay ku dhinteen 10 qof oo u badan Carruur.

Wargayska The New York Times, ayaa warbixintiisa  ku saleeyay Waraysiyo iyo Sawirro ay qaadeen kaamirooyinka wax ilaaliya.

New York Times ayaa sidoo kale tilmaamtay, iyada oo soo xiganeeysa kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, in  baabuurka la duqeeyay ay Ciidamada ka shakiyeen, balse ay saarnayeen dad Rayid ah.

Wargeysku wuxuu sidoo kale Su’aalo ka keenay, Waraysiyo uu la yeeshay dad khubaro ah, kuwaa oo sheegay in sheegashada Ciidamada Mareykanka ay tahay waxba kama jiraan.

Dhanka kale Ciidamada Mareykanka ayaa wali  ku adkeysanaya in duqeynta ay u geeysteen Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la damacsanaa in lagu weeraro Garoonka Diyaaradaha Kabul.

 

Mareykanka oo maanta xusaya dhacdadii 11-kii Setembar .

Madaxda Mareykanka iyo shacabka dalkaasi ayaa isu diyaarinaaya ka qeybgalka xus loo sameynaayo dad gaaraya 2,977 qof  oo ku dhintay weerarkii 11-kii Setembar ee ka dhacay dalkaasi.

Weeraradaasi ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen Shabakadda al-Qaacida oo adeegsaneysa Sagaal iyo toban qof,waxayna lagu burburiyay daarihii dhaadheeraa ee Twin Towers iyo qeybo ka mid ah dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee Pentagoonka.

Muwaadiniinta 77 dal ayaa ka mid ahaa dadka waxyeeladu ka soo gaartay weeraradii loo adeegsaday diyaaradaha ee ka dhacay gudaha Mareykanka,gaar ahaan Magaalada New-York .

Ciidamada Mareykanka oo ka jawaabaya weeraradaasi ayaa bil ka dib ku duulay dalka Afganistaan,iyagoo doonaya in la ciribtiro al –Qaacida, lana ugaarsado Bin Laden.

Toban sano oo baadi-ggob ah ka dib sanadkii 2011 -kii markii ugu dambaysay ciidamada Maraykanka ayaa helay oo dilay Bin Laden ,isagoo gabbaad ka dhiganaya am in muddo ah ku noolaa dalka Pakistan.

Ciidamada Mareykanka ayaa bishii la soo dhaafay ee 31-kii Agoosto isaga baxay dalka Afganistaan,waxaana halkaasi ku soo afjarmay 20-sanooo ciidamada Mareykanka ay joogeen dalkaasi.

Dhanka kale,Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku baaqay in la muujiyo midnimo,qudbad uu jeediyay,xilli loo diyaargaroobayo xuska manta ee 11-ka Setembar.

Sidoo kale,R/wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa ka hadlay dhacdadaasi oo la tilmaamay in dadkii ku dhintay ay ka mid ahaayeen 67 British ah.

 

Amaanka magaalada Jowhar oo aad loo adkeeyay.

Amaanka magaalada Jowhar ee caasimadda Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, ayaa aad loo adkeeyay halkaasi oo lagu waddo in maalmaha soo socda ay ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka ka soo galaya Hirshabeelle.

Ciidanka Booliiska ayaa howlgallo lagu xaqiijinaayo ammaanka ka wadda xaafaddaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.

Doorashada Xubnaha Aqalka sare ayaa loo asteeyay beri oo ay Taariikhdu ku beegantahay 12,September 2021, in musharaxiinta ay hadaladooda u jeediyaan Xildhibaannada Hirshabeelle.

Madaxda Hirshabeelle ayaa laamaha amniga ku amray in sare loo qaado amaanka Magaalada Jowhar inta ay socoto doorashada.

Qaramada Midoobay oo ka digtay halis burbur oo ku wajahan Afghanistan

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Afgaanistaan ​​ay halis ugu jirto burbur guud,ka dib markii dalkaasi ay soo wajaheen dhibaatooyin ay ka mid yihiin, kor u kac weyn oo ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka iyo lacag la’aan ka jirta bangiyada gaarka loo leeyahay ee dalkaasi.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afghanistan Deborah Lyons ayaa Khamiistii u sheegtay Golaha Ammaanka in la sameeyo hab lagama maarmaan u ah soo celinta lacagaha ka xayiran dalkaasi, si looga hortago in gebi ahaanba uu burburo dhaqaalaha iyo kala dambeynta bulsha.

“Lacagaha Afganistaan waa in loo oggolaado in ay shaqeeyaan dhowr bilood oo dheeri ah, taasoo siinaysa Taliban fursad ay ku muujiso dabacsanaan iyo rabitaan dhab ah,si ay wax uga qabato xagga xuquuqda aadanaha, iyo aragtida ka hortagga argagixisada,sidaasi waxaa 15 -Xubin ee Golaha ammaanka u sheegay ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afghanistan Deborah Lyons.

Ku dhawaad ​​$ 10-bn oo ka mid ah hantida bangiga dhexe ee Afgaanistaan ​​ayaa hadda la xayiray ,waxaana loo tixgeliyaa inay tahay awood muhiim u ah maamulka cusub ee Taalibaan.

Dhanka kale, Danjiraha Pakistan u fadhiya Qaramada Midoobay Munir Akram oo ka hadlayey kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsanaa Afgaanistaan ayaa sheegay in dunidu ay ka hortagto xaaladda dhibaatooyinka ka jira daslkaasi, maxaa yeelay waxay dhallin karaan qaxooti aad u badan oo sii adkeynaya rajada dadka,nabadda iyo amniga.

Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa ka hor istaagay Daalibaan inay helaan ilaa $ 440-m oo kayd cusub ah,halka Maamulka Madaxweyne Joe Biden uu sheegay in wadada kaliya ee u furan ay tahay bixinta gargaarka bani’aadanimada ee ku socda dalkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland oo kormeer ku tegay Talisyada ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland ahna kusimaha madaxweynaha Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa maanta oo Jimce ah kormeer ku tegay Talisyada ciidamada Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee deegaanada Buulo-guduud iyo Baarka.

Kormeerkan ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka ku wehelinayey wasiirka wasaaradda Amniga Jubbaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Cisman Dhummaal, Wasiirka wasaaradda Maaliyadda iyo hormarinta dhaqaalaha Xuseen Xirsi Axmed iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdinaasir Seeraar Maax.

Socdaalkan ayaa ahaa mid lagu dhiirigalinayey ciidamada ku sugan deegaannadaasi si ay gacanta ugu dhigaan deegaannada kale ee ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland iyo mas’uuliyiinta la socda ayaa waxaa ay la kulmeen saraakiisha Ciidamada Goobaha ay booqdeen, iyaga oo kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgallo ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab.

Source: Radio Muqdisho