QM oo xaalad quus ah ka muujisay xaaladda dalka Yemen oo ku dhawaad 7 sanno dagaallo ay ka socdaan warbixin ayaa idinlka heynaa

Ergeyga cusub ee xoghayaha guud ee QM u magacaabay dalka Yemen ayaa sheegay in waddanka ugu saboolsan Carabta ay ku xiran tahay nabad galyadiisa sida ay u istaagan colaadda weli ka socda dalkaas.

Hans Grundberg, oo ah diblomaasi u dhashay dalka Sweden ayaa xilka qabtay shan maalmood ka hor ka, waxaana uu horrey u soo noqday danjiraha Midowga Yurub ee Yemen tan iyo 2019.-kii.

Hadal uu siiyay golaha ammaanka QM ayuu ku yiri xasilloonida Yemen wax aay ku xiran tahay sida ay u istaagaan dagaallada Yemen oo billowday sannadkii 2014-kii haddana socda wax ka badan lix sanno.

‘Xaaladda Yemen waxa ay ku xiran tahay dagaalka aan xadka lahayn iyo in dib loo billaabo wadahadalladii looga hadlayay soo afjarida coladda jirta oo illaa hadda aan guulo dedeg ah laga gaarin” ayuu u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dagaalka sokeeye ee ka socda dalka Yemen ayaa billowday bishii March 2014 markii fallaagada Xuutiyiinta ee Iiraan ay taageerto ay qabsadeen caasimadda Sanca iyo inta badan waqooyiga dalka, taasoo ku qasabtay dowladda Madaxweyne Cabdi Rabbuu Mansuur Haddi inay u guuro dhanka koonfureed, ka dibna uu saldhigtay dalka Sacuudiga.

Si loo muujiyo sida ugu wanaagsan ee loo sii socon karo, ayuu sheegay inuu qorsheenayo inuu dib u eego wixii shaqeeyay iyo waxa aan qabsoomin, uuna dhageysto dadka u dhashay dalka Yemen oo iyaga la rabo in ay xaaladda door ku yeeshaan.