Jaamacadda Carabta oo doorashooyinka Soomaaliya u ballan-qaaday taageero maaliyadeed

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku tilmaamay shirkii Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira intii u dhexeysay 9-10 September mid miro dhal ah, iyadoo looga dooday ajandaha ah in dhaqaale lagu taageero doorashooyinka Soomaaliya, Arrinta Falastiin, xaaladihii ugu dambeeyay wadamada Suuriya, Yemen, Liibiya iyo Lubnaan, iyo mowduucyo kale oo muhiim ah.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta waxa uu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono inay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ee walaalaha ah ay ugu fadhido Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha jira.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn sanadihii la soo dhaafay, balse ay weli u baahan tahay taageerada walaalaheeda Carbeed si loo horumariyo, dibna loogu dhiso hey’adaha dowladda, loona sii wado hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh ee ku suntan kor u qaadista qiyamka dimuqraadiyadda, xukunka oo si nabadgelyo ah la iskugu xil-wareejiyo iyo qabashada doorashooyin (iyadoo doorashada Aqalka sare ay bilaabatay , waxaa xigi doona doorashada Golaha Shacabka, kadibna doorashada Madaxweynaha) , iyo sidoo kale taageeridda hey’adaha dawladda, dib-u-dhiska dalka, deyn cafinta, iyo maalgelinta qeybaha muhiimka ah sida xoolaha, beeraha iyo kaluumaysiga.

Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay bixiyaan qarash dhan $12 milyan oo doolar oo ka qeyb ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada.

Markii ugu horreysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, Soomaaliya waxa ay bixin doontaa lacagta ugu badan ee doorashooyinka baarlamaaniga iyo tan madaxweynaha, iyadoo dalalka reer galbeedka ay bixiyeen 7.7 milyan oo doolar oo ay soo marsiiyeen Qaramada Midoobey, halka lacagta laga uruurin doono musharrixiinta lagu qiyaasay 8.2 milyan oo doollar, taas oo ka dhigaysa Soomaaliya inay bixiso lacagta ugu badan ee miisaaniyadda guud ee loo qoondeeyay doorashooyinka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal labo dhinacle ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, isagoo sidoo kale khadka teleefoonka kula hadlay dhigaggiisa Qatar iyo Saldanada Cumaan, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, waxa uu kala hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo fursadaha iskaashi ee heer walba leh iyo xoojinta isku-duwidda si loogu adeego dano wadaagga.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare,Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka iyo Guddiga Doorashooyinka Somaliland, kulankaas oo uu sidoo kale ka qeyb galo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Dhawaan ayay ahayd markii ay heshiis wada jir ah ay ka gaareen  guddoomiyah golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka kaas oo lagu soo afjaray is afgaran waagi ka tagna arrimah doorashada gobollada waqooyi.

Source: Sonna

Ciidanka Kumaandooska Danab oo gacanta ku dhigay degaanno ka tirsan Hiiraan iyo Shabeellah dhexe

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee xoogga dalka,ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay ,deegaano ka kala tirsan Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan,kuwaas oo ay ku dhimaaleysanayeen haraadiga kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Gamboole ,ceeldheere macalin ,jameeco jiliyaale,Masiirey,Boqon Gandhi, oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha dhexe,kumaandooska Danab ay ku guuleysteen in ay burburiyaan saldhigyadii kooxdu Argagixisada ay ku lahyed.

Sidoo kale Ciidamada oo ku raad joogay firxadka nabdiidka ayaa gaaray deegaanka Fiidow oo kala qeybiyaha gobalada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan,oo ay ku dhuumaaleysanayaan xubno ka tirsan maleeshiyada.

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka marki ay gacanta ku dhigeen deegaanadaasi,waxaa ay baaritaano ku sameeyeen guryaha ,gaadiidka iyo wadooyinka,si looga nadiifiyo ,miinooyinka ay codowgu ku dhagrayaan shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ururka 7aad guutada 16aad ee kumaandooska Danab Gashanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ayaa sheegay in intii ay howlagaladu socdeen ay gacanta ku dhigeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ,iyo hubkii ay wateen,islamarkaana caddaaladda la horkeeni doono.

Howlgaladii ugu dambeeyay ee ay Ciidamada xoogga dalka ay ka sameeyeen ,gobalada Shabeelooyinka ayaa khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Nabdiidka ah ee Al-shabaab,waxaana ay ciidanka ay guluf xooggan ugu jiraan sii dalka looga saari lahaa ,kooxaha Argagixisada ah Al-shabaab.

Source: Sonna

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Amina Jane Momamed.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO QAABILAY WAFDI AY HOGGAAMINAYSO KU-XIGEENKA XOGHAYAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBEY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay arrimaha horumarinta bulshada (SDG), xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, dhammeystirka doorashooyinka dalka, awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku bogaadisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed horumarka ay ka xaqiijiyeen dhinacyada dib u dhiska ciidamada, amniga, hannaanka dayn cafinta, koboca dhaqaalaha, la dagaallanka Musuq-maasaqa iyo la tacaalidda cudurka saf mar ah ee COVID-19.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Aamina Jane Maxamed sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo hirgelinta xeerarka aas-aaska u ah dowlad wanaagga, waxa uuna uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Mudane Cabdi Cali Raage, dhanka kale waxaa goob-joog ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

xigasho SONNA.

Xiriirka Kubbada cagta Soomaaliyeed oo kaa -shanaya Wasaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha Galmudug, xiriirka Kubadda Cagta Galmudug iyo xiriirada Degmooyinka oo tababar u qabtay 25 garsoore iyo 12 macalin

Maxamed nuur maxamed gudoomiyaha ururka Sports-ka Dhuusamareeb iyo Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow duqa Dhuusamareeb oo ugu horeyn ka waramay daah furka tababarkan ayaa u mahad celiyay dhinacyada kaalinta ka geystay qaban-qaabada iyo qabsoomida howshan.

Xassan Axmed Shirre, Gudoomiyaha xiriirka kubbada Cagta Galmudug iyo Xuseen maxamud jimcaale ( abkow) Lataliyaha xaga arimaha gobolada ee xiriirka kubadda ee kubada cagta Soomaaliya ayaa iyana dhalinyarada ka faa’iideysanaysa tababarkan kula dardaarmey in aqoonta lasiinayo ay dib ugu celiyaan degmooyinka ay ka yimaadeen.

Axmed faafaale Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Galmudug ayaa isla goobta tababarka ka balan qaadey in wasaraddu bixin doonto taageero kasta oo dhanka Caafimaadka ah mudada uu socdo horyaalka degmooyinka Galmudug ee bilaabmaya.

Ugu dambeyn Wasiir kuxigeenka wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug, mahad Cali Cibaar oo tababarka si rasmi ah u furay ayaa rajo badan ka muujiyey in diyaarinta garsoorayaasha iyo macalimiintani kordhin doonto hormarada lafilayo in laga gaaro soo saarista ciyaarahano wax tar u leh dalka oo dhan.

maddaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la yeelan doona ku xigeenka xog hayaha QM.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow Madaxtooyada Qaranka waxa uu kulan ku`la qaadan doonaa Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J. Mohammed iyo wafdi heer sare ah oo ka tirsan Xarunta Qaramada Midoobey.
Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlaya arrimaha horumarinta bulshada (SDG), awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J Mo

Dalalka Turkiga,pakistan iyo Azerbaijan oo dhoolatus Ciidan sameeyey

Ciidamada Milatariga dalalkaTurkiga,Azerbaijani iyo Pakistan ayaa markii ugu horeysay dhoolatus wada jir ah qabtay tababarkan ayaa socon doona 12-ka ilaa 20-ka bisha September magaalada Baku, sida ay sheegtay wasaarada difaaca ee Azerbaijan.

Ujeedka dhoolatuska ayaa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Ciidamada saddexda dal.

Turkiga ayaa hore garab istaag ugu muujiyey dalka Azerbaijani intii ay socotay xiisadii gobolka Nagorno-Karabakh.

wasaaradda caafimaadka koonfur galbeed oo dedaal ugu jirta sida ay bulshada u qaadan lahaayeen talaalka covid19

Kulanka ayaa waxaa uu dhexeeyey Xunbno ka socdey Wasaraadda Caafimaadka Koonfur Galbeed, Wakiilo ka kala socdey Hay-adaha SOS.WHO, Gudoomiyaasha Xaafadaha Magalada iyo Gudoomiyaasha Kaamamka Barakacyaasha Baydhabo

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulumo Wasaarddu ay la qaadan doonto qeybaha Kala duwan ee Bulshada ayaa waxaa si aad ah looga hadley muhiimada ay leedahay in bulshadu ay qaadato Talaalka Ka hortaga Cudurka halista ah ee aduunka oo dhan saameynta ku yeeshey Ee Covid_19.

Agaasimaha Cusub ee Madaxtooyada oo xilka la wareegay.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdisaciid Muuse Cali oo dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya waxa uu xilka kala wareegay Ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Ku-xigeenka Agaasimaha Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Agaasime Cabdisaciid Muuse Cali oo horey u ahaa La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilka Ku-simaha Agaasimaha Guud.

Dhankiisa, Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay dib u habeynta ballaaran ee uu ku sameeyey hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif oo munaasabadda ka qayb galay ayaa u rajeeyey agaasimaha cusub in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isaga oo  kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtoyada iyo kobcinta tayada shaqaalaha.

Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Labada Agaasime waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Madaxweynaha, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska.