Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan yeeshay xubno ka socday ururrada Bulshada Rayidka ah

Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay xubno ka socday ururrada Bulshada Rayidka ah oo uu ka dhageystay tallooyin ku aaddan sidii doorashadu u noqon lahayd mid ku dhacda jawi nabdoon oo daahfuran.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo maanta bilawday ololaha qadashada tallaalka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadkaga Dawlada Gobaleedka Puntland ayaa maanta Deegaanada Puntland ka bilawday ololaha tallaalka COVID-19, waxaana ololaha uu socon doonaa Muddo10maalmood waxaana laga qaadanaya dhammaan  maalmood.

Xaflad lagu daahfurayay oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda ee gobolka Nugaal waxaana ka qeybgalay Wasiirka Caafimaadka iyo midka Waxbarashada, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Agaasime waaxeedka Caafimaadka asaasiga ah.

“Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdulallaahi Maxamed Xasan ayaa   xusay muhiimada tallaalka u leeyahay, Wasiirka ayaa Wasaaradda uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jirto inay tallaalka bulshada gaarsiiso intooda ugu badan aniga maanta waxaan qaadanayaa tallaalka Johnson & Johson oo aan doonayay inaan dalka Marykanka ka soo qaato masne ay dhicin waana ku faraxsanahay inaan maanta garowe ka qaadanayo,dadweynaha waxaan kula dar-daarmayaa  in tallaalka qaataan si naftaada iyo tan bulshadeena ubadbaadino.” Ayaa yiri Cabdulallaahi Maxamed Xasan

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jamac Faarax Xasan oo daahfuray tallaalka ayaa yiri.

“Waxaan ku faraxsanahay maanta inaan markale ka daahfuray halkaan ololaha cusub oo dadkeena lagu tallaalayo Xanuunka COVID-19,  waxaa Puntland hal mar uu tallaalku ka bilaabi doono 63 gobood  oo ku yaalaa guud ahaan Puntland.

“Waxa kaliya ee nagu soo kordhay ayaa ah tallaalka Johnson & Johnson oo hal mar la qaadanayo kasoo laga soo saaray dalka maraykanka, waxaanse dadweynaha kula la wadaagayaa inaysan dadku ka fakarin tallaalkee ugu fiican ee tallaalkasta ee aad heshid inaad qaadatid si aad naftaadana u badbaadiso bulshada kalena uga ilaalisid.”

“Waxaan dadweynaha kula dardaarmayaa inay tallaalka qaataan,waxaan sidoo kale xusayaa xogta aan helnay dadka xanuunka udhintay 3 bilood ee la soo dhaafay inay ahayeen kuwa aan la tallaalin.”

“Waxaan ugu danbeyn uga mahadcelinayaa shaqaalaha Caafimaadka ee maanta ololahan bilawday ka shaqaynaya waxaana Allaha uga baryayaa sida naf hurka ah ee ay bulshadooda ugu adeegayaan inuu ka abaalmariyo” Ayuu yiri  Dr Jamac Faarax Xasan

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo bilaawday tallaalka COVID-19 qeyb tiisa Saddexaad

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa Dhammaan Degmooyinka Galmudug ka bilaawday Ololaha iyo bixinta wajiga Seddexaad ee Tallaalka COVID-19.

Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa isku garab wada Wacyigelinta bulshada  iyo bixinta Tallaalka .

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug waxay ku boorineysaa Shacab weynaha Galmudug qaadashada Tallaalka  si loo yareeyo halista Cudurka Wajigiisa Saddexaad ee COVID-19.

Duqa Degmada Gaalkacyo oo la kulmay Xubno ka socda Hay’adda IMC

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan iyo Maamulka Gobalka Mudug oo la kulmay Xubno ka socda Hay’adda IMC (International Medical Corpse).

Kulanka  oo ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb galay sidoo kale Guddoomiyaha Gobalka Mudug, Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Dowladda Hoose ee Gaalkacyo waxaana diirada lagu saaray Caawinta barakacayaasha, dadka baahiyaha gaarkaa qaba iyo hirgelinta Mashaariic cusub.

Maayarka Degmada Gaalkacyo Mudane Cabdiraxmaan Shiikh Xasan ayaa kaga Mahadceliyay Mas’uuliyiinta ka tirsan Hay’adda IMC booqashada ay ku yimaadeen Gaalkacyo wuxuuna sheegay in ay Gaalkacyo soo gaareen barakacayaal hor leh oo kasoo qaxay deegaano hoostaga Degmada Xarardheere.

Gudoomiya Magaalada Dhuusomareeb oo dhagax dhigay ceel biyood laga hirgelinaayo deegaano hoos yimaado Magaaladaasi.

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa caasimada Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow” oo ay wehliyaan qaar kamid ah wasiirada Galmudug ayaa maanta si wadajir ah kaga dhagax dhigay deegaanka Dabdheere oo udhaxeeya Dudumcade iyo Xamurre, Ceelmatoor laga qodayo deegaankaasi.

Ceelkaan ayaa waxaa qodaya ganacsade Soomaaliyeed oo doonaya in uu deegaanka kusameeyo maalgalin laxariirta beero deegaanka laga hirgaliyo, si bulshada loo fahamsiiyo wax soo saarka deegaanka ugana maarmaan gacmaha shisheeye ee kaalmada laxariirta.

Gudoomiye Geedaqorow ayaa uga mahadceliyay ganacsadaha wada qorshaha ceelkaan lagu qodayo, waxaana uu intaa kudaray in cid walba oo deegaanka doonaysa inay maalgashato inay kamaamul ahaan soo dhawaynayaan si bulshada dhanka hormarka loogu jiheeyo.

Ugu dambayn wasiirada goobta dhagax dhiga ka hadlay oo kala ahaa wasiir ku xigeenka Beeraha, dhirta iyo daaqa, Cali Cali Ganeey iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Ariamaha Bulshada Maxamed nuur diini ayaa iyaguna dhankooda bogaadiyay kuna amaanay ganacsadaha sida uu ugu soo dhiiraday maalgashiga deegaanka,uguna yeeray ganacsatada kale inay deegaanka dib ugu soo laabtaan kana faaidaystaan fursadaha banaan ee baahidoodu taagantahay.

Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Muqdishu kula kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa uga mahad celiyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya u heli laheyd dowlad mid ah.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Qatar oo booqasho ku tegay Kabul.

Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Qatar ayaa gaaray caasimadda Kabul ee dalkaAfgaanistaan, wasiirka ayaa noqonayaa masuulkii ugu horeeyey ee heer sare ah kaas oo gaara Afgaanistan tan iyo markii ay qabsatay Taliban.

Afayeenka Taliban Suhail Shaheen, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha dibedda Qatar kulan ku wada qaateen madaxtooyadda ku-simaha Ra’iisul wasaaraha Afgaanistaan Mullah Hassan Akhund iyo xubno kale oo ka mid ah Xukuumadda ku-meel gaar ah ee Taliban dhowaan ku dhawaaqday.

dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, ayaa sheegtay in kulanka “looga wada hadlay siyaabaha kor loogu qaadayo nabadda Afgaanistaan ​​iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee la xiriira hawlgelinta Madaarka Kabul iyo xaqiijinta xorriyadda marinka iyo safarka dadka oo dhan.”

Wasiirka arrimaha dibedda ayaa “ku boorriyay mas’uuliyiinta Afgaanistaan ​​inay dhammaan dhinacyada Afgaanistaan ​​ka qayb -qaataan dib -u -heshiisiinta qaran.”

Xigasho: anadolu agency.

Ukraine oo Turkiga ka iibsanaysa Diyaaradaha dagaalka ah ee casriga ah

Dowladda Ukraine ayaa qorshaynaysa inay soo iibsato 24-ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee casriga ah kuwaas oo ay soo saarto Dowladda Turkiga,Bayraktar TB2 ayaa ah nooc diyaarad dagaal oo casri ah taas oo lahayn duuliye,taliyaha guud ee Ciidamada dalka Ukraine ayaa warkan sheegay xili uu waraysi siinayey wakaaladda wararka ee Azerbaijani Report.

Dalka Ukraine ayaa hore u haystay 12 ka mid ah diyaaradaha “ Bayraktar TB2 UCAVS” kuwaas oo ay u adeegsadaan Ciidanka Badda iyo Cirka.

Turkiga ayaa diyaaradaha Bayraktar TB2 ka iibiyay dalal ay ka mid yihiin Ukraine, Qatar, Azerbaijan iyo Poland, iyadoo Poland noqonayso dalkii ugu horreeyey ee Midowga Yurub ah sidoo kalena xubin ka ah NATO ee Turkiga ka iibsada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Aqalka Sare oo Lagu wado in ka bilaabato Jowhar.

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa maanta lagu wadaa in inay dhageystaan khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare.

Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ay shalay soo geba-gabeeyeen diiwaangelinta 27 musharax, kuwaas  oo u tartami doona 8 kursi ee Maamulka Hir-Shabeelle ku matalaya Aqalka Sare

Guddoomiyah guddiga hirgelinta doorashada ee HirShabelle Axmed Xasan Diini iyo xubanaha Guddiga xalinta khilafaadka aya lagu wada in kulanka hadal jeedinta musharaxiinta in ay ka qayb galaan

liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee uu markii hore soo saaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay gaarayeen 34 Xubnood, balse 7 kamid ah ay tartanka isaga hareen.

Gudoomiya Magaalada Dhuusomareeb oo dhagax dhigay ceel biyood laga hirgelinaayo deegaano hoos yimaado Magaaladaasi

Gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa caasimada Galmudug mudane Abdirahman Ali Mohamed “Geedaqorow” oo ay wehliyaan qaar kamid ah wasiirada Galmudug ayaa maanta si wadajir ah kaga dhagax dhigay deegaanka Dabdheere oo udhaxeeya Dudumcade iyo Xamurre, Ceelmatoor laga qodayo deegaankaasi.

Ceelkaan ayaa waxaa qodaya ganacsade Soomaaliyeed oo doonaya in uu deegaanka kusameeyo maalgalin laxariirta beero deegaanka laga hirgaliyo, si bulshada loo fahamsiiyo wax soo saarka deegaanka ugana maarmaan gacmaha shisheeye ee kaalmada laxariirta.

Gudoomiye Geedaqorow ayaa uga mahadceliyay ganacsadaha wada qorshaha ceelkaan lagu qodayo, waxaana uu intaa kudaray in cid walba oo deegaanka doonaysa inay maalgashato inay kamaamul ahaan soo dhawaynayaan si bulshada dhanka hormarka loogu jiheeyo.

Ugu dambayn wasiirada goobta dhagax dhiga ka hadlay oo kala ahaa wasiir ku xigeenka Beeraha, dhirta iyo daaqa, Cali Cali Ganeey iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Ariamaha Bulshada Maxamed nuur diini ayaa iyaguna dhankooda bogaadiyay kuna amaanay ganacsadaha sida uu ugu soo dhiiraday maalgashiga deegaanka,uguna yeeray ganacsatada kale inay deegaanka dib ugu soo laabtaan kana faaidaystaan fursadaha banaan ee baahidoodu taagantahay.