Madaxweynaha Galmudug oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta magaalada Muqdishu kula kulmay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa uga mahad celiyay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii Soomaaliya u heli laheyd dowlad mid ah.