Dhageysiga Khudbadaha Musharixiinta Aqalka Sare oo Lagu wado in ka bilaabato Jowhar.

Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa maanta lagu wadaa in inay dhageystaan khudbadaha musharixiinta Aqalka Sare.

Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ay shalay soo geba-gabeeyeen diiwaangelinta 27 musharax, kuwaas  oo u tartami doona 8 kursi ee Maamulka Hir-Shabeelle ku matalaya Aqalka Sare

Guddoomiyah guddiga hirgelinta doorashada ee HirShabelle Axmed Xasan Diini iyo xubanaha Guddiga xalinta khilafaadka aya lagu wada in kulanka hadal jeedinta musharaxiinta in ay ka qayb galaan

liiska Musharixiinta Aqalka Sare ee uu markii hore soo saaray Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay gaarayeen 34 Xubnood, balse 7 kamid ah ay tartanka isaga hareen.